• No results found

Ka kaluumeysiga gudaha Iswiidhan

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Ka kaluumeysiga gudaha Iswiidhan"

Copied!
4
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Ka kaluumeysiga

gudaha Iswiidhan

(2)

Kaluunka oo dhan waa la iska leeyahay

Gudaha Iswiidhan dhamaan biyaha kaluunka waxaa iska leh qof oo sidaas darteed waa in oggolaansho laga haystaa mulkiilayaasha si loo kaluumeysto.

Biyaha badankooda waxaa loo iibsan karaa kaarka kaluunka kaas oo qofka siinaya oggolaanshaha in laga kaluumeysto isla biyahaas. Miyaad doonaysaa inaad dheeraad ka ogaato halka la oggolyahay in laga kaluumeysto iyo meesha laga iibsan karo kaarka kaluunka, markaasi weydii xafiiska daxiiska Turistbyrån.

In la kaluumeysto bilaa ogolaansho (kaarka kaluumeysiga) waa dembi sharciyan taas oo keeni karta xarig xabsi ah.

Haddii la jebiyo qawaaniinta kaluumeysiga ku jira biyaha ee meesha laga iisaday kaarka kaluumeysiga waxaa qofka waajib ku noqon karta in dadka iska leh kaluunkan la siiyo lacagta kharashka kantaroolida.

Xafiiska dalxiiska ee Turistbyrån ayaa kaa caawin karta oaansaha meesha la oggolyahay in laga kaluumeysto iyo halka laga iibsado kaarka kaluunka. Iyagu waxay xitaa kaa caawin karaan nooca qawaaniinta kaluumeysiga ee ka jira biyaha uu kaluumeysigu fasax ka yahay.

(3)

Qalabka gacanta

Qalabka gacanta waxaa loola jeedaa ku kaluumeysiga (1 xabo) usha lagu kalluumaysto, birta soo qabata kaluunka iyo qalabka la midka ah ee ku qalabaysan xarig

iyo ugu badnaan 10 ah birta lagu soo dabo kaluunka

Ka reebnaansho - fasaxa kaluumeysi

Xeebta hareeraheeda iyo shanta harooyinka biyaha waaweyn ee Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren iyo Storsjön oo ku taala Jämtland (eeg khariidada) waa fasax kaluumeysigu oo qofku uma baahna iibsiga kaarka kaluumeysiga dhanka kaluumeysiga noocan ah.

Laakiin taas badelkeeda waxaa jira qawaaniin ay tahay in qofku raaco, tusaale ahaan inta ay leekaanayso weynaanta kaluunka ka hor intaan la soo saarin iyo qawaaniinta go'aaminaysa xilliga iyo meesha noocyada qaarkood ay mamnuuc ka tahay in laga kaluumeysto.

Ku xad-gudubka qawaaniintan waa dembi sharci kaas oo keeni kara ciqaab xabsi ah.

Noocyada kaluumeysiga ee mamnuuca ah

Gudaha Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah in lagu kaluumeysto waranka fargeetada oo kale ah, waranka iyo qalabka kale ee kaluunka lagu kala jeexi karo. Waxaa xitaa mamnuuc ah in kaluunka lagu soo jiido birta lagu soo dabo kaluunka. Waa in kaluunka si iskiis ah u qaniino birta lagu soo dabo kaluunka.

Waxaa xitaa mamnuuc ah in lagu kaluumeysto hubka wax lagu toogto, qalabka qarxa, sun iyo xarig koronto.

Dhanka maxaliga ah xitaa qalab kale ayaa ahaan kara mamnuuc. Sidaas darteed markastaba ogow nooca qalabka laga oggolyahay meesha aad doonayso inaad ka kaluumeysato.

Storsjön

Mälaren Hjälmaren Vättern Vänern

Shanta haro biyeed ee ugu waaweyn. Kuwaasi iyo xeebta hareeraheeda waa fasax kaluumeysigu.

(4)

Soo koobid

• Waa mas'uuliyadaada inaad ogaato nooca qawaaniinta kaluumeysiga ee ka jira meesha aad doonaysid inaad ka kaluumeysatid.

• Xafiiska dalxiiska ee Turistbyrån ayaa badanaaba og waxa ah ansaxa, iyaga weydii haddii aanad hubin.

• Kaluumeysiga waxaa shuruud u ah in qofku iibsaday kaarka kaluumeysiga.

Waxaa ka reeban xeebta hareeraheeda iyo shanta harooyinka biyaha waaweyn ee Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren iyo Storsjön oo ku taala Jämtland meelahaas oo kaluumeysigu ka yahay fasax.

• Xitaa haddii kaluumeysigu fasax yahay hareeraha xeebta iyo shanta harooyinka biyaha ee ugu waaweyn waxaa ka jira qawaaniin kaluumeysi oo ay tahay in qofku raaco.

Warbixin ka timi

Fiskevattenägarna

&

Fiskevårdsområdena

- Ururada aagaga kaluumeysiga ururka gaarka u ah!

www.fiskevattenagarna.se www.landsbygdsnatverket.se

Landsbygds- nätverket

– samverkan för utveckling

2020

References

Related documents

Letní atletická príprava basketbalového týmu Mgr. Prínos práce..

Dawaada cadeyga ee ay ku jirto maadada Fluor waxaa ay ilkaha ka difaacdaa in uu soo gaadho dhaawac sidoo kale waxaa ay ilkaha u yeelaan quwad?. Talooyin fiican oo ku

3 § Vid ostkusten och sydkusten, från gränsen mot Finland till Listers- huvud i Blekinge, och i Vänern, Vättern, Hjälmaren och Storsjön i Jämtland hör till

Along the coast and on the five large lakes Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren and Storsjön in Jämtland (see map), fishing with hand gear does not require a licence..

Efter kusten och i de fem stora sjöarna Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren och Storsjön i Jämtland (se karta) är fiske med handredskap fritt och man behöver alltså inte

Ausnahmen gelten entlang der Küsten und in den fünf großen Seen Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren und dem Storsjön in Jämtland, wo Angeln und Fischen mit Handgerätschaft

I både Stormälaren och Hjälmaren påträffades vandrarmussla bara ner till och med 6 respektive 5 meter, medan det fanns levande musslor ända ner till 10 meters djup i Ekoln..

Dhammaan carruurta dhigata fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ama dugsigu waxaa ay xaq u leeyihiin xannaano carruur dugsi iyo boos ah guriga xilliga firaaqada