• No results found

Medverkan -Kvinnofrid i GGVV

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Medverkan -Kvinnofrid i GGVV"

Copied!
1
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Medverkan waa mashruuc wadashaqeyn ah oo ka dhexeeya afar kammuun: Gislaved, Gnosjö, Vaggeryd iyo Värnamo. Mashruuca Medverkan waxa ka danbeeyey markii dowladdu ay go’aan ku gaartay in kammuunada qeyb libaax ka qaataan waxqabadka looga hortagayo dilka loo geysto dumarka. Waxqabadkaa waxa kale ee uu ku wajahan yahay caruurta ku dhex nool reeraha uu dilka noocan ahi ka dhex dhaco. Ujeedada laga leeyahay mashruucan waa inuu kaamilo shaqada xafiiska arimaha bulshada ee amaanada dumarka iyo ururada ka dhisan gobalka GGVV ee la shaqeeya dumarka loo geysto dhibaatada dilka ah. Waxaa dhamaan afarta la helayaa in la nala kulmo haddii balan nalaga qabsado.

Medverkan wuxuu si gooni ah u quseeyaa gabdhaha iyo dumarka loo geysto dilka ama qatarta ugu jira in dhibaato dil/handadaad uga timaado qof ehel la ah ama horey ugu dhowaa.

Medverkan waxey kuula diyaar tahay:

• Xog qarin.

• Inaan lagu ogaan haddii aad dooneyso.

• Talosiinta iyo taageereerad gabdhaha iyo dumarka ku jira dhibaatada dilka.

• Caawinta caruurta ku dhex nool dhibaatada noocan ah.

• Isku xirka qeybaha kala duwan haddii loo baahdo. Waxan la shaqeynaa sida xafiiska arimaha bulshada, heeganka dumarka, heeganka dadka danbiga laga galo, goobaha caafimaadka iyo maxkamadaha. Wadashaqeyntaa waxa marka hore lagala tashadaa dumarka dhibku ku dhacay.

• Caawinta dumarka dhibaatooyinka dhanka dhaqanka sharafta uga yimaado.

• Gargaarka iyo taageerada khanisiinta (rag iyo dumar) ee ay dilaan ragga ama dumarka xiriirku kala dhaxeeyo iyo ragga dhibaatada dilka ay ku hayaan dumarka u dhow.

• Warbixin siinta qeybaha kala duwan ee la kulma dumarka dhibaatooyinkani soo gaaraan.

• Howlo ka hortag iyadoo la isticmaalayo warbixin (sida bandhig iyo siminaaro).

Dadkeena ka shaqeeya mashruuca amaanada dumarka ee Medverkan waa:

Valentina Hasi Telefoon: 0370-331263 iyo Sara Sand Telefoon: 0370-331262 Email: medverkan@gnosjo.se adarees: Hellmansgatan 3, 335 30 Gnosjö

Dhaqso u doono caawimaad haddii adiga ama qof kuu dhowi ku jiro xaalad deg deg ah, tusaale ahaan haddii nololi qatar ku jirto ama caruuri dhib soo gaarayo. Inaga Medverkan ka sokoow waxaad caawimaad ka heli kartaa:

Arimaha deg dega ah: wac SOS 112 Wixii aan deg deg aheyn boliiska 114 14

Xafiiska arimaha bulshada Gislaved 0371-81120 Xafiiska arimaha bulshada Gnosjö 0370-33 13 70 Xafiiska arimaha bulshada ee Vaggeryd 0370-784 41 Xafiiska arimaha bulshada ee Värnamo 0370-37 74 10 Xeeganka dumarka Maria ee Gislaved 0371-809 86 Xeeganka dumarka ee Värnamo 0370-475 25

Somaliska

Medverkan

-Kvinnofrid i GGVV

References

Related documents

Projekti është bërë për shkak se Qeveria suedeze ka marre një vendim i cili i obligon këto komuna që të marrin më shumë përgjegjësi rreth dhunës që ushtrohet

[r]

- Takojde pomoc i podrsku homoseksualim osobama koje zive u nasilnim familijarnim vezama kao i muskarcima izlozenim nasilju od strane bliske zene.. - Informacije stranama koje

• Apua ja tukea myös väkivaltaisissa liitoissa eläville homoseksuaalisille henkilöille sekä miehille jotka ovat joutuneet läheisen naisen väkivallan kohteiksi..

МЕДВЕРКАН направлен прежде всего на работу с девушками и женщинами, которые являются или могут стать жертвами

Medverkan es en primer lugar para chicas y mujeres qué ya sufren por violencia o que estén en el riesgo de ser victimas de violencia o amenazadas por una persona familiar..

* Aynı zamanda, şiddet içeren bir ilişki içindeki homoseksüel kişilere de yardım ve destekle beraber, yakını olan bir kadın tarafından şiddete maruz kalan erkeklere de

“brottsofferjour“ (Hilfe für von Kriminalität betroffene Personen), der Krankenpflege und der Justiz. Die Zusammenarbeit geschieht nicht ohne Zustimmung der Frau. • Hilfe