• No results found

Warbixin ku aaddan dugsiyada iyo dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Warbixin ku aaddan dugsiyada iyo dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada"

Copied!
63
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Somali

Warbixin ku aaddan dugsiyada iyo dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta

Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada

(2)

Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada

Tusmada buugga

NIDAAMKA DUGSIYADA SWIIDHAN bog 4

Mas’uuliyad iyo maamulid bog 4

la xiriira degmada ama qof gaar ahi waxa uu qabo bog 4

Qorshooyin wax qabad bog 4

Qiyam aasaasi ah bog 5

QORSHE NIDAAM bog 6

DUGSIGA XANNAANADA IYO BARBAARINTA CARRUURTA IYO XANNAANADA CARRUURTA

bog 6 Yaa xaq u leh hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta? bog 7

Kuwa ku jira fasaxa waalidka bog 7

Dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed bog 7

Waqtiyada furitaanka bog 7

Xannaano waqtiga shaqada ee la karaahiyeysto/Habeen shaqeyn bog 7

Boos codsasho bog 7

Meeleyn iyo saf bog 8

Boos iska celin bog 8

Khidmooyin lacageed iyo xeerar bog 8

Waqtiga joogitaanka/jadwalka bog 9

Maalmaha qorsheynta bog 9

Ku wargelinta xagga isbeddelka bog 9

Fasaxa shaqada iyo fasax kale bog 9

Cunto iyo waqtiyada cuntada ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

bog 9 DUGSIYADA XANNAANADA IYO BARBAARINTA CARRUURTA bog 10

DUGSIYO HOOSE-DHEXE EE Kiruna bog 11

Waajibka dugsi dhigashada bog 11

Doorashada dugsiga/dugsi laysu diro bog 11

Baahida cunto gooni ah bog 11

Aamin qab iyo la macaamilid isku mid ah bog 12

Ceymisyo bog 12

Fasax dugsiyada iyo fasaxyada caadiga ah bog 12

Fasaxa ka baxsan fasaxyada dugsiyada bog 12

Qiimeyn iyo shahaaddo bog 13

DUGSIYO HOOSE-DHEXE bog 13

XARUN LUQADEED bog 14

GURIGA XILLIGA FIRAAQADA bog 14

Maxaa xukumaya guriga xilliga firaaqada bog 14

Degmada Kiruna bog 14

Waqtiyada furitaanka bog 15

Boos codsasho bog 15

Boos iska celin bog 15

Khidmooyin lacageed iyo xeerar Bog 16

Maalmaha qorsheynta Bog 16

Waqtiga joogista/jadwalka Bog 16

Ku wargelinta xagga isbeddelka Bog 16

DUGSIGA LOOGU TALA GALA CARRUURTA XAGGA CAQLIGA KA DHIMMAN

Bog 16 Dugsi hoose-dhexe oo loogu tala galay carruurta xagga caqliga

ka dhimman

Bog 16

Dugsiga tababarka bog 17

Maxaa xakameynaya hawlaha bog 17

Shahaadda siintu sideey u dhacdaa? bog 17

Dugsi sare oo loogu tala galay dadka xagga caqliga ka dhimman bog 17 Dugsi dad waaweyn oo loogu tala galay dadka waaweyn ee xagga

caqliga ka hooseeya

bog 17

Cinwaan boosto: Degmada Kiruna, 981 85 Kiruna Nambarka aqoonsiga ee ururka: 21 20 00-2783 Cinwaanka booqashada: Stadshuset, Hjalmar Lundbohmsvägen 31 Barta intarneedka: www.kommun.kiruna.se

Talefoon: 0980-70 000 E-mail: kommun@kommun.kiruna.se

(3)

GAADIID DUGSIGA DADKA GEEYA bog 17 Xaqqa loo leeyahay gaadiidka dugsiga dadka geeya bog 17

Kaar bas/caddeyn safar bog 18

LUQADAHA DADKA LAGA TIRADA BADANYAHAY IYO AFKA HOOYO bog 18 Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta - taageerada xagga

afka hooyo

bog 18 Dugsi hoose-dhexe/dugsi sare - dhigidda afka hooyo bog 19

Luqadaha dadka laga tirada badanyahay bog 19

Wargelin bog 20

CAAFIMAADKA ARDAYDA bog 20

KOOX YAR/KOOXDA DARYEELKA ARDAYDA bog 21

DUGSI SARE bog 21

WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN bog 21

MACLUUMAAD KU AADDAN DIIWAANKA KUMBUYUUTARKA bog 21 Cad-caddeyn ku saabsan waxyaaba uu foomku ka koobanyahay bog 22 Lifaaq Boos ka codsasho hawlaha la xiriira degmada

Lifaaq Codsasho boos beddelasho Lifaaq Boos iska celin

Lifaaq Macluumaadka dakhliga

Lifaaq Jadwal/ heshiis loogu tala galay carruurta dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta-guriga xilliga firaaqada-xannaanada la xiriirta habka waxbaridda

Lifaaq Xeerar ku dhaqmid iyo khidmooyinka lacageed ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, xannaanada la xiriirta waxbaridda iyo guriga xilliga firaaqada.

Lifaaq Dugsiga iyo dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee xoojinaya caafimaadka

Lifaaq Ku soo guurid/arday ku qorid

Lifaaq Codsiga fasaxa - ee ardayga dhigta dugsiyada hoose-dhexe Lifaaq Nidaamka gaadiidka dadka dugsiga geeya

Lifaaq Codsiga gaadiidka dadka dugsiga geeya

(4)

Degmada Kiruna, masaaxad dhan 19 447 kiiloomitir oo isku weer ah Finland iyo Norway oo labaduba xudduud la leh degmada iyo welibo degmooyinka Pajala iyo Gällivare.

Faras magaalada Kiruna waa meesha ugu weyn ee si aad ah loo degganyahay degmada,

halkaas oo 18000 oo ka mid ah 23000 ee muwaadin ay degganyihiin.

(5)

NIDAAMKA DUGSIYADA SWIIDHAN

Nidaamka waxbarasho ee Swiidhan waxaa uu ka koobanyahay

 Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

Sanooyinka 1-5 sano Iskaa iyo haddii aad doontid

 Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

Sanooyinka 6 sano Iskaa iyo haddii aad doontid

 Dugsi hoose-dhexe Sanooyinka 7-16 sano Waajib

 Dugsi sare Sanooyinka 16-18 sano Iskaa iyo haddii aad doontid

 Waxbarashada dadka waaweyn Iskaa iyo haddii aad doontid Sannad dugsiyeed kasta waxaa loo qeybiyay laba xilli dugsiyeed, mid dayr ah- iyo mid xilli dugsiyeed gu’ ah.

Mas’uuliyad iyo maamulid

Dugsiga hoose-dhexe wuxuu ku jiraa nidaam hadafku uu xakameeyo oo leh mas’uuliyad weyn oo maxalli ah. Baarlmaanka iyo xukuumadda ayaa gaaraya go’aamada xeyndaabka ee xeerarka iyo qaraarrada. Degmada ama milkiilaha dugsiga xurta ah, waxa loogu yeero qofka ugu madaxa weyn, ayaa maamulaha dugsiga si wadajir ah ula leh mas’uuliyadda ugu weyn ee hawlaha maalinlaha ah.

Shuruucda dugsiyada, qaraarrada iyo manhajka waxbarashada ayaan aasaas u noqonaya sida loo xakameynayo hawsha.

Shuruucda dugsiyada ayaa sameynaya xeyndaabyada khuseeya hawsha dugsiga. Halkaas ayey ulajeeddooyinka guud iyo wadiiqooyinka loo marayo ay ku yaalla. Manaahiijta waxbarashada ayaa si wadajir ah sharciyada dugsiyada ula xakameynaya hawsha dugsiga. Qorshooyinka koorsada- iyo maaddooyinka ayey ku yaallaan hadafka iyo ulajeeddada maaddo kasta oo la dhigayo ay leedahay.

Qorshooyinka koorsooyinku kama hadlayaan sida waxbarashada loo dhigayo ama qaabka shaqo ee la adeegsanayo. Laakiinse qorshooyinka koorsooyinku waxaa ay ka hadlayaan tayada aqooneed ee ardayda loo horuumarinayo.

Dugsi kasta iyo dugsi xannaano iyo barbaarin carruur oo kasta waxaa uu yeelanayaa maamule/madax dugsi xannaano iyo barbaarin oo mas’uul ka noqonaya hoggaaminta iyo isku duwidda hawlaha la xiriira habka waxbaridda ee dugsiga ama dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Waa in ay ardayda, carruurta iyo shaqaalaha u caddaataa qofka mas’uuliyadda leh. Qeyb yar oo dugsi/dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed waxaa ay yeelan kartaa oo keliya hal maamule/madax dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed.

La xiriira degmada ama qof gaar ahi waxa uu qabo

Waxbarashada xagga nidaamka waxbarasha waxaa isku dubbaridaya degmooyinka, maamul gobaleedka iyo xukuumadda. Marka laga reebo dadkaas leh mas’uuliyaddaas dawliga ah laacibiin gaar xitaa waa loo oggolaan karaa in mas’uuliyiin ka noqdaan waxbarasho iyo in ay hawl geliyaan dugsiyo, dugsiyo xannaano iyo barbaarin carruureed iyo guryo xilliga firaaqada ah oo xur ah.

Dugsiyada guud iyo kuwa xurta ah waxaa ay si wadajir ah u sameynayaan nidaam waxbarasho oo loogu tala galay carruurta iyo dhallinyarada. Degmooyinka ayaa mas’uuliyadda ugu weyn ee nidaamka waxbarashada iska leh. Xagga dugsiyada xurta ah cidda mas’uulka ka ah ayaa mas’uul ka ah - guddi.

Dugsiyada hoose-dhexe ee xurta ah waa la oggolyahay, waxaana laga kormeeyaa xagga kormeerayaasha dugsiyada. Dhammaan waa ay u furanyihiin, waxbarashaduna waa in ay u dhigantaa tan lagu bixiyo dugsiyada hoose-dhexe ee degmooyinka.

Qorshooyin wax qabad

Marka laga reebo dukumiintiga waddaniga ah ee xakameynta iyo xeerarka nidaaminaya hawlaha xagga maamulka waxaa jira dukumiintiyo kale, tusaale ahaan qorshooyinka waxqabadka iyo nidaamyada oo xakameynaya sida aannu u shaqeyneyno iyo waxa aannu xaaladaha kala duwan sameyneyno.

(6)

QIYAM AASAASI AH

Xagga maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada waxaannu u shaqeynaa si waafaqsan qiyamka aasaasiga ah ee degmada laakiin sidoo kale arrimaha soo socda:

 Dadka oo dhan waa isku qiimo, macnaha dadka oo dhan hawlaheenna waa lagu soo dhaweynayaa, si isku mid ah ayaana loola dhaqmayaa

 Waxaannu u aragnaa mas’uuliyadda waalidku ilaa carruurtu ay ka buuxiso 18 sano in ay shardi u tahay si aannu shaqadeenna ugu guuleysanno.

 Wax farqi uma kala sameyneyno gabdhaha iyo wiilasha, naagaha iyo nimanka.

 Carruurta, dhallinyarada iyo dadka waaweyn hawlaheenna uguma kala saareyno hadba kala duwanaashada cid ahaaneed ama diin ahaaneed ee dhammaan isku si ayaa loola dhaqmayaa.

 Si waafaqsan akhlaaqda suubban ee ku saleysan dhaqanka kirishtaanka iyo

bani’aadannimmada reer galbeeka ayey taasi dhaceysaa iyo la marayo qofka tarbiyadiisa ku aaddan dareenka xaqqa ah, gacan furnaan, dulqaad badni iyo mas’uuliyad qaadasho.

 Waxbarashadu waxaa ay gudbineysaa oo dhidibbada u aaseysaa in la ixtiraamo xuquuqda baniiaadamka iyo qiyamka dimuquraadiyadda aasaasiga ah ee bulshada swiidhishku ay ku istariixeyso.

 Qofna hawlaheenna looma geysan karo takoorid iyadoo ay sababtu tahay jinsi, qolo ka tirsanaansho, diin ama wax kale oo uu qofku aaminsanyahay, aqoonsiga aan jinsiga ama cabbiridda qofka ku xirnayn, dabciga galmada la xiriira, da’da ama naafanimada ama la dhaqmid kale oo sharaf ridid ah. Dhaqamada sidaas u jeeda waa in si firfircooni ah looga hor tagaa.

 Ajnabi necybka iyo dulqaad la’aanta waa in looga hor tagaa aqoon, sheeko furan iyo dadaallo firfircooni leh.

(7)

URUR

Sawirku wuxuu muujinayaa in uu yahay xubnaha baarlamaanka degmada iyo guddiga ururka shaqaalaha cidda mas’uulka ka ah waxbarashada oo dhan. Ka dibna waxaa ay u xilsaareen qeybaha kala duwan guddiga Dhaqanka- iyo waxbarashada iyo ururka degmada ee Lappland Madaxa qaababka dugsiyadu waa

 Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo dugsi hoose-dhexe - xafiiska degmada - guddiga Dhaqanka- iyo waxbarashada

 Dugsiga sare iyo waxbarashada dadka waaweyn - guddiga degmada ee Lappland

DUGSIGA XANNAANADA IYO BARBAARINTA CARRUURTA IYO XANNAANADA CARRUURTA

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu wax hawl la xiriirta baridda oo ka dhigan tallaabta koowaad ee nidaamka waxbarashada ee swiidhishka.

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu wuxuu hoos yimaada sharciga dugsiyada, wuxuuna leeyahay manhaj waxbarasho oo u gaar ah.

Kiruna waxaa ku yaalla dugsiyo badan oo xannaano iyo barbaarin carruureed oo la kala dooran karo oo ku kala faafsan joqoraafi ahaan faras magaalada Kiruna iyo tuulooyinka degmada. Ku dhawaad kala bar shaqaalaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta waxaa ay leeyihiin waxbarasho jaamacadeed oo la xiriirta habka waxbaridda, cufnaanta shaqaalahuna ilaa heer waa ay sarreysaa marka loo eego degmooyinka kale.

Dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta badankooda waxaa hawsha lagu wadaa ha badnaato ama ha yaraatee wax uun ka mid ah luqadaha dadka laga tirada badanyahay ee finishka iyo meänkielli.

Hawlaha la xiriira saamaha wuxuu inta ugu muhiimsan ka jiraa dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee saamaha. Waxaa ay u taallaa dugsi kasta oo xannaano iyo barbaarin carruureed in uu isaga naftirkiisu doorto haddii uu qofku jiho gaar ah u doonayo hawshiisa.

Xubin barlamaan degmada

Guddiga dhaqanka- iyo waxbarashada Urur degmeedka Lappland

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta

carruurta

Dugsi hoose-dhexe Guriga xilliga

firaaqada Dugsi sare Waxbarashada

dadka waaweyn

(8)

Yaa xaq u leh hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta?

Si waafaqsan shuruucda dugsiyada waxaa canugga laga billaabo hal sano jir loo soo bandhigayaa dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed ilaa heerka loo baahanyahay iyadoo la qaddarinayo shaqada waalidka ama waxbarashada ama haddii uu canuggu baahi tiisaa u qabo iyadoo ay sababtu tahay xaaladda qoyska haddii kale. Xitaa carruur ay waalidkood shaqo la’aan yihiin ama fasax waalid oo daryeel carruureed ay ku jiraan, dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta waa looga soo bandhigayaa boos.

Hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta waxaa wadaya dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo xannaanada la xiriirta habka waxbaridda (carruur haye).

Waaliddiinta shaqeeya, wax dhigta iyo shaqo doonka waxaa ay kala dooran karaan laba derejo oo xannaano, in ka yar ama ka badan 25 saacadood usbuucii.

Kuwa ku jira fasaxa waalidka

Carruur ay dhaleen waaliddiin walaalo markaa dhashay kula jira fasaxa waalidku waxaa ay boos xaq ugu leeyihiin dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/daryeelka la xiriira waxbaridda 15 saacadood/

usbuucii. Haddii waqtiga joogitaanka la dheereynayo waxaa go’aan ka gaaraya madaxa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta.

Dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed

Dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed oo lacag la’aan ah oo ah 15 saacadood usbuucii ama 525 saacadood sannadkii ayaa loo soo bandhigayaa carruurta 3 ilaa 5 sano u dhexeysa oo dhan.

Soo bandhigiddu waxaa ay shaqeyneysaa laga billaabo xilli dugsiyeedka dayrta sannadka canuggu uu buuxinayo 3 sano, wuxuuna raacayaa qorshaha sannad dugsiyeedka dugsiga hoose-dhexe. Meeleynta kuma jiro maalmaha fasaxyada dugsiga ee dugsiga hoose-dhexe.

Waqtiga hawsha waxaa go’aan ka gaaraya madaxa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee dugsi kasta oo xannaano iyo barbaarin carruureed. Faras magaalada Kiruna waxaa ay madaxda dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurtu go’aamiyeen in ay lahaadaan sharci isku mid ah, halkaasna waxaa hawsha loo qeybiyaa seddax maalin usbuuca gudihiisa iyo waqtiyo gooni-gooni ah markaasna waxaa ay noqonayaan hawlo la xiriira habka waxbaridda oo la qorsheeyay. Maalmaha iyo waqtiyada khuseeya dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta mid goonidiis waa ay kala duwnaan karaan.

Waqtiyada furitaanka

Furnaanta dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta maalmaha caadigaa waa saacadda 06.30-18.00.

Haddii loo baahdo hawluhu waa ay furnaan karaan haddii loo baahdo inta u dhexeysa 06.00-18.30 Furnaanta daryeelka la xiriira habka waxbaridda waa saacadda 06.30-16.30

Xannaano waqtiga shaqada ee la karaahiyeysto/Habeen shaqeyn

Xagga waalidka leh waqtiyo shaqo oo qaab daran ama aan nidaamsaneyn galbihi, habeennadi iyo fasax usbuuca, xannaano waa loo soo bandhigi karaa canug ku qoran dugsiyada Shirkadda ee xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo guriga xilliga firaaqada. Booska waxaa lala qaadan karaa dugsiyada guryohooda xilliga firaaqada. Xagga booska dugsiga xannaada iyo barbaarinta carruurta-/guriga xilliga firaaqada ee waqtiyada shaqada ee aan fiicneyn wax lacag khidmaa oo dheeraad ah leyskama qaadayo.

Boos codso ama iska celi

Boos codsasho

Codsiga booska ee dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee degmada ama daryeelka la xiriira habka waxbaridda waxaa lagu sameynayaa foomka Boos ka codsashada hawlo degmeedka (lifaaq), wuxuuna ku jiraa isku xiraha

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Ans%c3%b6kan%20om%20plats.pdf?ep slanguage=sv

(9)

Foomka codsiga ee buuxsan waxaa loo dhiibayaa ama loo dirayaa kaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee waalidku ugu horreyn uu boos ka rejeynayo. Codsiga waxaa la keenayaa afar bilood baahid booska ka hor. Xagga codsiga dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo xannaanada la xiriirta habka waxbaridda ee lagu wedin sidi wax ay degmadu leedahay waxaa waalidka loo tilmaamayaa in ay la xiriiraan hawsha meesha uu qofku canuggiisa boos uga doonayo.

Waalidka canugga ayaa codsanaya, sheegayana baahida canugga ee booska dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ama daryeel kale oo carruureed. Mararka uu canuggu leeyahay laba waalid oo wadaaga xannaanada laakiin aan isla degganeyn si wada jir ah ayey boos isula codsanayaan.

Mararka ay waaliddiintu kala degganyihiin laba meelood oo kala duwan, tusaale ahaan haddii waalid uu degganyahay faras magaalada Kiruna waalidka kalana uu degganyahay tuulooyinka, waaliddiintu waxaa ay ka codsan karaan midba booskiisa meelo kala duwan.

Meeleyn iyo saf

Carruurta walaalahoodu ku meeleysanyihiin dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed ayaa la

maareynayaa ka hor meeleynta cusub ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Waaliddiintu hal mar waa ay diidi karaan booska loo soo bandhigo, safkana waa ay ku sii jiri karaan.

Meeleynta carruurta dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waxaa uu ka dhacayaa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ama xannaanada la xiriirta habka waxbaridda. Tixgelin waa la siinayaa codsiga waalidka inta ay suurta gal tahay. Haddii waalidku uusan raalli ku ahayn meeleynta uu qofku helay ama sababo kale dartood uu doonayo in uu canuggiisa meeleynta u beddelyo waxaa uu foomka Codsasho boos beddelasho ku sameynayaa codsasho boos beddelasho uu ku aaddan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta (lifaaq) iyo isku xiraha

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Ans%c3%b6kan%20om%20byte%20av%

20plats.pdf?epslanguage=sv

Boos iska celin

Waqtiga iska celintu waa hal bil. Boos iska celin waxaa foomka Boos iska celinta loogu sameynayaa si qoraal ah (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Upps%c3%a4gning%20av%20plats.pdf?

epslanguage=sv

Foomka buuxsan waxaa loo geynayaa ama loo dirayaa kalkaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Lacagta khidmada waa layska qaadayaa inta uu socdo waqtiga iska celintu haddii canugga uu booska ka faaiideysanayo iyo haddii kalaba.

Degmada Kiruna booska waa ay ceshaneysaa haddii aan booska laga faaiideysan muddo hal bil ah oo is haysata, fasaxa shaqada lagu tirinayo, ama aan la bixin lacagaha khidmada ah.

Khidmooyin lacageed iyo xeerar

Waxaa jira lab derejo oo khidmooyin lacageed ah hadba waqtiga la joogayo, haddii ay ka sarrayso ama ka hooseyso 25 saacadood usbuuciiba. Carruurta u dhexeysa 3 ilaa 5 sano ee boos laga siiyay dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed ilaa iyo 15 saacadood usbuucii lagama qaadayo wax khidmo lacageed ah. Haddii ay joogayaan hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta in ka badan 15 saacadood usbuucii waxaa laga qaadayaa carruurtaas khidmo lacageed oo hoos loo dhigay.

Goynta khidmada lacageed waxaa ay ku saleysantahay macluumaadka dakhliga ee waqtigaas ee guriga canugga/carruurtu ka tirsantahay iyo waqtiga joogitaanka. Macluumaadka dakhliga ee qoyska waxaa foomka macluumaadka dakhliga loogu gudbinayaa kalkaalisada meeleynta (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Inkomstuppgift.pdf?epslanguage=sv

(10)

Jadwalka iyo heshiiska ku aaddan waqtiga joogitaanka waxaa lagu gudbinayaa foomka Jadwala/

Heshiis (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/SCHEMA%20och %20avtal%20f%c3%b6r

%20barn.pdf?epslanguage=sv

Lacagta khidmada waxaa loo xisaabinayaa calaa canug iyo boqolkiiba dakhliga soo gala guriga si waafaqsan sharciyada ku aaddan qiime goynta canshuuraha.. Macluumaad faahfaahsan oo ku aaddan sida loo xisaabinayo khidmada lacageed waxaa ay ku yaallaan bogagga 7-9 ee dukumiintiga Xeerar ku dhaqmid iyo khidmooyinka lacageed ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, xannaanada la xiriirta waxbaridda iyo guriga xilliga firaaqada (lifaaq). Lacagta khidmada ee hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo xannaanada la xiriirta habka waxbariddu waa lacag bille ah oo laga qaadayo qofka booska heysta/waalidka bisha socota imminka, 12 bilood sannadkii, si waafaqsan waqtiga joogitaanka ee lagu heshiiyay, iyadoo aan la eegeynin haddii uu qofku ka faaiideysanayo iyo haddii kale. Lacagta waxaa la dhiibayaa laga billaabo taariikhda canugga la meeleeyay.

Waqtiga joogitaanka/jadwalka

Marka canugga la siiyo boos waalidku waxaa uu kalkaalisada meeleynta u keenayaa jadwal ku aaddan waqtiga joogitaanka canugga hadba baahida uu qoysku qabo, macnaha waqtiga waalidka shaqadiisa- ama waxbarashadiisa oo uu ku jiro waqtiga safarku. Waa in marwalba uu yaalla jadwal iminka ah oo ku aaddan waqtiga joogitaanka ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Haddii uu waalidku leeyahay waqtiyo aan nidaamsaneyn waxaa loo xisaabinayaa si isku celcelis ah usbuucii, waana 6 usbuuc ugu badnaantii. Waalidka ayaa mas’uul ka ah in carruurta la geeyo, lana soo wado waqtigi joogitaanka ee laysku afgartay gudihiisa.

Maalmaha qorsheynta

Hawluhu waxaa ay xaq u leeyihiin in la xiro afar maalin sannadkiiba si loo qorsheeyo hawsha iyo si aqoon kororsi loo sameeyo. Taas waa wax tayada kor u qaadaya, waaliddiintana waxaa laga dalbayaa in ay ixtiraamaan oo ay qorshe u samaystaan taas. Jawaab ku aaddan maalmaha ay khuseyso waxaa la isa siinayaa ugu dambeyn seddax bilood ka hor inta aan la gaarin. Maalmaha qorsheynta iyo aqoon kororsigu waxaa ay ku jiraan lacagta khidmada ee caadiga ah, mana laga goynayo lacagta khidmada.

Ku wargelinta xagga isbeddelka

Maadaama waxyaabo badan ay saameynayaan lacagta khidmada ee dugsiga xannaanada iyo

barbaarinta carruurta ama xannaanada la xiriirta habka waxbaridda waxaa waaliddiinta laga doonayaa in ay dhammaan isbeddellada sida xaaladda qoyska, cinwaanka-, dakhliga- iyo isbeddellada jadwalka u sheegaan kalkaalisada meeleynta.

Fasaxa shaqada iyo fasax kale

Marka uu waalidku ku jiro fasaxa shaqada, fasaxa dugsiga ama fasax kale carruurta 3-5 ka ah waxaa ay xaq u leeyihiin oo keliya dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed 15 saacadood usbuucii.

Cunto iyo waqtiyada cuntada ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

Qeyb weyn oo muhiim ah oo ka mid ah hawlo maalmeedka la xiriira habka waxbaridda e dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta waa waqtiyada cuntada la siinayo carruurta maalinta

gudeheeda - quraac, qado iyo cunto dhextaal. Dugsiyo oo xannaano iyo barbaarin carruureed si joogto ah ayaa looga shaqeeyaa sidii loo horuumarin lahaa, loona sii hagaajin lahaa qeyb hawleedkan. Guddiga Dhaqanka- iyo waxbarashadu waxaa uu sidoo kale soo saaray dukumiinti siyaasadeed,Dugsiga iyo dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta oo xoojinaya caafimaadka, halkaas oo la muujinayo muhiimadda ay cunto nafaqo leh iyo jawi wanaagsan oo ku aaddan waqtiyada cuntadu ay leeyihiin.

Waqtiyada cuntada ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta (lifaaq).

(11)

Iyadoo ulajeeddadu tahay in la hagaajiyo tayada cuntada ee dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta waxaa ay degmada Kiruna leedahay urur loogu tala galay kushiinka dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta oo leh madaxiisa cuntada.

DUGSIYADA Xannaanada Iyo Barbaarinta Carruurta (eeg khariiddadda)

Abisko

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Abisko Aagga shirkadda

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee megengelyo doonka

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee shirkadda oo ay ku jirto Habeenleydu Jukkasjärvi

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Jukkasjärvi Aagga dugsiga Jägar

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Fjället Aagga Karesuando

Guriga xannaano maalmeedka Enriset, Östra Soppero

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta Regnbågen, Karesuando Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Snöflingan, Kuttainen Faras magaalada Kiruna

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Backen Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Norrskenet Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Ripan Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta Thule Aagga Lombolo

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Hjalmar Lundbohm Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Jökeln

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Kastanjen

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Kotten Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta Lombolo

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Satelliten Dugsiga luqadda- iyo dhaqanka ee Lilla Björn

Aagga Luossavaara

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Bergkristallen Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Bullerbyn Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Lokeldaren Tuolluvaara

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Fjällräven Aagga Vittan

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta Svappavaara Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee Lykta, Vittangi

(12)

DUGSIYO HOOSE-DHEXE EE KIRUNA

Kiruna waxaa marka laysku daro ku yaalla toddoba iyo toban dugsi hoose-dhexe oo laba iyo toban ka mid ah ay yihiin dugsiyo degmadu leedahay, laba ka mid ah ay yihiin dugsiyo saame, seddaxna ay yihiin dugsiyo xur ah. Dugsiyada hoose-dhexe ee leh fasalka 1-6 badankoodu waxay xitaa isku dhismaha ku leeyihiin fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo guriga xilliga firaaqada. Toban iyo labada dugsi ee degmada toddoba ka mid ah xabbo oo ka mid ah F-9 iyo shan dugsi oo ah F-6.

Joqoraafi ahaan ku faafsanaanta weyn ee dadka ee degmada Kiruna waxaa ay keeneysaa in degmadu kolkii la eego ay leedahay dugsiyo yar-yar oo badan oo lagu dhigo ilaa fasalka 9, waaweyninka dugsiyaduna waa ay kala duwanyihiin.

Dugsi walba isaga ayaa go’aan ka gaaraya haddii la doonayo in la lahaado jiho gaar ah oo ku aaddan hawlaha ama haddii la doonayo in la lahaado hab shaqo oo gooni ah oo isku toleysa hawsha oo dhan.

Dugsiyada oo dhan waxaa la gelinayaa dadaal dhexe oo ku aaddan qalabka waxbaridda ee dijitaalka ah. Taasi waxaa ay ka dhigantahay waxyaabo ay ka mid tahay in ardayda fasalka 7-9 ee dhammaan dugsiyada degmada ay leeyihiin kombuyuutarradooda, in kalaasyada badankooda ee dhammaan dugsiyada ay leeyihiin sabuurado interaktiif ah, waxaan la saxiixay leysin degmo oo ku aaddan qalabka dijitaalka kaasoo siinaya arday siyaabaha kala duwan naafada u ah taageero dheeraad ah oo ku aaddan waxdhigidda. Maamulka gudihiisa waxaa jira bare-IKT oo u shaqaaleysan si uu shaqada horuumarinta ka taageero maamulayaasha, madaxda dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo shaqaalaha.

Waajibka dugsi dhigashada

Swiidhan dugsigu waa waajib, waajibnimada dugsi dhigashadu waxaa ay khuseysaa carruurta oo dhan laga billaabo dayrta sannadka ay buuxinayaan 7 sano. Mararka qaar waajibnimada dugsi dhigashada horay ayaa loo dhigaa haddii ay jiraan sababo gaar ah. Haddii taas beddelkeeda uu waalidku rabo in uu hal sano hor mariyo dugsi billaabidda canuggiisa waxaa taas laga dalban karaa degmada. Waajibnimada dugsi dhigashada waxaa ay dhammaaneysaa dhammaadka xilli dugsiyeedka sannadka sagaalaad, ama haddii uu canugga dhigto dugsi khaas ah, sannadka sagaalaad ka dib markaa uu canuggu si buuxda u billawyay dugsi dhigashada. Xitaa haddii waajibka dugsi dhigashadu uu dhammaado qofku ka arday ahaan xaqbuu u leeyahay in uu dhammeystirto fasalka ugu sarreeya.

Doorashada dugsiga/dugsi laysu diro

Marka Kiruna uu canuggu billaabayo fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ama dugsi hoose-dhexe waxaa ay caadi ahaan degmadu canugga u direysaa dugsiga hoose-dhexe ee ku yaalla meesha ugu dhaw deegaanka ardayga. Dugsi doorashada xurta ah waxaa ay ka dhigantahay in ardayga waalidkiisu uu dooran karo in uu codsado in ardaygu uu dhigta dugsi kale oo aan ahayn kan ay degmadu u dirtay. Waxaa uu noqon karaa dugsi kale oo ay degmadu iska leedahay, dugsi xur ah ama dugsi saame.

Wax muhiin ah in lagu fikiro haddii uu qofku dooranayo in uu canuggiisa ku qoryo dugsi kale oo aan ahayn kan degmadu u dirta waa in laga yaabo in aan arday loo oggolaan gaadiid dugsiga u qaada haddii dugsigu uu fogyahay. Laga billaabo dayrta 2015 carruurta dhigata fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu gaadiid dugsiga u qaada xaq uma sii helayaan maadaama uusan fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu ahayn qaab dugsi oo waajib ah.

Haddii canuggaagu uu dhigto mid ka mid ah dugsiyada degmada laakiin aad dooneysid dugsi

beddelid ama haddii aad dooneysaan in aad canuggiinna ku qortaan mid ka mida dugsiyada degmada waxaad xiriir la sameyneysaan maamulaha dugsiga, foomka Ku soo guurid/arday ku qoridna waad buuxineysaan (lifaaq). Isku xiraha foomka

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/INFLYTTNING%20ELEV%20-

%20100301.pdf?epslanguage=sv

Waqtiyada cuntada

Caddeynta tayada ee xilliyada cuntada ee Dugsiga (lifaaq) iyo Cunto gaar ah (lifaaq).

(13)

Baahida cunto gooni ah

Haddii canuggiinnu uu u baahanyahay cunto gooni ah waa muhiim in uu dugsigu taas wax ka ogaado.

Aamin qab iyo la macaamilid isku mid ah

Dhammaan carruurta iyo dhallinyaradu waa in ammaan qab ku dareemi karaan marka ay joogaan dugsiga iyo xilliga firaaqada. Si looga hortago oo loo baajiyo takooridda, silcin iyo dhaqan sharaf rid ah waa in dhammaan dugsiyadu ay leeyihiin qorshe isku si ula macaamilid oo qoraal ah oo dib u eegis lagu sameynayo sannad walba. Halkaas waa in ay ku caddaato sida looga fogaanayo in ay wax dhacaan iyo waxa la sameynayo haddii sidaas oo ay tahay ay wax dhacaan. Bogagga dugsiyada ee intarneedka waxaad ka heleysaa qorshaha isku si ula macaamilidda dugsi walba goonidiis.

Shaqaalaha caafimaad ardayda waxaa ay hawshoodu tahay in dugsiyada ka caawiyaan shaqadooda ku aaddan isku si ula macaamilidda, halkaas waxaa sidoo kale jira hawlqabasho gaar ah, qof khayraad gooni ah ku ah arrimaha qiyamka aasaasiga ah oo la shaqeeya macallimiinta iyo ardayda labadaba si loo abuuro jawi lagu faraxsanaan karo, ammaanna ah.

Haddii adigu ka waalid ahaan aad dooneysid in aad wax badan kasii ogaatid waxa aad sameyn kartid haddii aad ka shakisantihid in canuggaaga loo geysto sharaf ridid ama takoorid talo waxaad ka heli kartaa bogga intarneedka ee BEO, Barn och elevombudet, oo Hey’adda kormeeridda dugsiyadu ay leedahay.

Ceymisyo

Hawlaha oo dhan waa in ay hiigsadaan in ay helaan jawi sida ugu ammaanka badan ee suurta gal ah u ah ammaan si loo yareeyo khatarta shilalka ee ardayda. Haddii sidaas oo ay tahay uu shil dhaco carruurtu waxaa ay ku jiraan ceymis marka ay dugsiga joogaan.

Ceymisku wuxuu shaqeynayaa inta lagu jiro waqtiga dugsiga/waqtiga hawlaha, xilliga firaaqada iyo fasaxa dugsiga inta lagu jiro waqtiga qornaanshaha (waqtiga dugsiga). Ceymisku wuxuu shaqeynaya laga billaabo 1/9 sannadka ay carruurtu/ardaydu ka soo baxayaan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo dugsiga hoose dhexe.

Fasax dugsiyada iyo fasaxyada caadiga ah

Sannad walba waxaa la cayimaa qorshe sannad dugsiyeed oo loogu tala galay dugsiyada hoose-dhexe ee degmada. Halkaas waxaa ka muuqda marka ay ardaydu billaabayaan, dhammeynayaanna sannad dugsiyeed iyo marka ah leeyihiin fasaxa dugsiga. Qorshaha sannad dugsiyeedka dugsiga sare mararka qaar xoogaa wuu ka duwnaan karyaa dugsiga hoose-dhexe laakiin waxaannu isku dayeynaa in aan isu ekeysiinno sida ugu suurta galsan maadaama qoys oo ku labada qaab ee dugsi uu carruur ku lahaan karyo.

Fasaxa ka baxsan fasaxyada dugsiyada

Haddii uu canug u baahanyahay in uu fasax ka noqdo dugsiga waalidku waa in uu taas dugsiga ka codsadaa. Waa maamulaha cidda go’aan ka gaareysa fasaxa laakiin fasaxyada gaagaaban maamuluhu wuxuu wakiilan karyaa cid kale in ay go’aan ka gaarto.

Go’aan fasax waa in lagu saleeyaa qiimeyn laysu geeyay oo ku aaddan xaaladda ardayga. Xaaladaha sal dhig u noqon kara waa:

 Dhererka maqnaanshada

 Xaaladda waxbarasho ee ardayga

 Suurta galnimada in siyaabo kala duwan loo gudi karo waxbarashadii dhaaftay

 Sida uu fasaxu muhiim ugu yahay ardayga.

(14)

Si loo codsado fasaxa waa in foomka Codsi fasax (lifaaq). Isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/LEDIGHETSANS%c3%96KAN.pdf?epslang uage=sv

Qiimeyn iyo shahaaddo

Laga billaabo xilli dugsiyeedka dayrta ee fasalka 6 ardayda dugsiga hoose-dhexe waxaa ay xilli

dugsiyeed kasta heli doonaan shahaaddo ku saleysan derejooyinka shahaaddooyinka F ilaa A, halkaas oo F ay u taagantahay natiijo ah ma baasin, E waxay u taagantahay derejada ugu hooseysa ee

natiijada baasitaanka, A:na waa hadaf gaaridda tan ugu sarreysa. Asaas ahaan waxaa uu macallinku shahaaddooyinka u isticmaalayaa qiimeyntiisa ku aaddan hadaf buuxinta ardayga marka loo eego dalabka aqoonta ee manhajka waxbarashada. Haddii uu ardaygu u aragyo in uu ardaygu khatar ugu jiro in uusan gaarin shahaaddada baasitaanka ee ugu hooseysa, E, wuxuu dugsigu ku

qaameysanyahay in uu baaro haddii ardaygu uu u baahanyahay taageero gaar ah.

DUGSIYO HOOSE-DHEXE (fiiri khariiddadda)

Abisko

Abisko Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9

Aagga shirkadda

Xarun luqadeed Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9

Jukkasjärvi

Dugsiga Jukkasjärvi Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6

Aagga Karesuando

Dugsiga Karesuando Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9 Dugsiga Övre Soppero Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6

Faras magaalada Kiruna

Dugsiga Berg Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6 Dugsiga Högalid Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9 Dugsiga Tirangeln Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9

Aagga Lombolo

Dugsiga Nya Raket Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9 Dugsiga Nya Raket Dugsi hoose-dhexe oo loogu tala galay carruurta xagga caqliga

ka dhimman

Aagga Luossavaara

Dugsiga Luossavaara Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6

Tuolluvaara

Dugsiga Tuolluvaara Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6

Aagga Vittan

Dugsiga Svappavaara Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 6 Dugsiga Vittangi Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta- Fasalka 9

(15)

XARUN LUQADEED

Waalidku waxaa uu canuggiisa/carruurtiisa/dhallinyaradiisa ku qorayaa Hey’adda qaxootiga, halkaas ayuun waxbarasho ka dalbanayaa. Codsigooda waxaa ka dib loo dirayaa Xarun luqadeed iyo maamulahooda. Markaas ka dib waalidka waxaa guriga ugu imaanaya warqad ay waqti iyo meeleyn waxbarasho ay ku yaallaan.

Xarunta luqadeed iyo fasalka diyaar-gareyntu waa hawsha waxbarasho ee ugu weyn oo ay dhammaan kuwan dhawaan u soo guuray Kiruna oo ka yimid waddamada kale ay soo marayaan. Haddii aan horay loo sameyn markaas ayaa khariiddadeyn lagu sameynayaa ardayda heerkooda aqooneed, kadibna waxaa wax loogu dhigayaa si ku saleysan bislaashadooda iyo aqoontooda.

Hadafka hawsha laga leeyahay waa in sida ugu dhakhsi badan oo suurta gal ah (qiimaha guuleysigu waa hal sano gudeheed) lagu dhexgeliyo ardayga kalaasyada swiidhishka ah si taageero luqadeed oo afka hooyo ah iyo u dhigid swiidhishka ka luqad labaad ahaan loogu taageeri karo horuumarka aqoontooda.

Xarunta luqadaha waxaa ku jira fasallada diyaar gareynta, swiidhishka ka luqad labaad ahaan iyo afafka hooyo.

Fasallada diyaar gareynta waxaa wax loogu dhigaa dhammaan ardayda aan lahayn aqoon ku aaddan luqadda swiidhishka ah.

Ardayda qaar waxaa ay noqon karaan kuwa ku qoran qaar ka mid ah dugsiyada hoose-dhexe ee degmada Kiruna, markaas waxaa la hiigsanayaa in lagu in ardayda lagu faafiyo xaafadaha dhexo ee Kiruna si dhammaan ay u helaan fursad ay luqadda ugu bartaan sida ugu dhakhsi badan ee suurta gal ah.

Xarunta luqadaha waxaa xitaa ku jira dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed oo diyaar gareyn ah oo loogu tala galay ardayda aan aqoonnin swiidhishka.

GURIGA XILLIGA FIRAAQADA

Hawsha guriga xilliga firaaqadu waa dhammeystiridda fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo dugsiga iyo in waaliddiinta loo suurta geliyo in ay waalidnimada iyo shaqada ama waxbarashada isla kulmiyaan. Guriga xilliga firaaqadu carcargeliyaa horuumarka ardayda iyo barashadooda, uu siiya waqti firaaqo oo micno fiican leh, xoojiyo xiriirrada wejiyada badan iyo bulshannimo wadaagidda.

Maxaa xukumaya guriga xilliga firaaqada

Marka la dhinac dhigo shuruucda dugsiyada manhajka waxbarashadu waa dukumiintiga xakameynta ee ugu muhiimsan ee hawsha loogu tala galay. Guriga xilliga firaaqadu waa in uu dabbaqaa qeybta 1 iyo 2 ee manhajka waxbarashada loogu tala galay dugsiga hoose-dhexe, fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo guriga xilliga firaaqada. Guriga xilliga firaaqada ee ku yaalla dugsiyada gaarka ah iyo dugsiyada saamaha waxaa ay midba goonidiis u dabbaqayaan manaahijtooda waxbarasho.

Degmada Kiruna

Degmada Kiruna guryaha xilliga firaaqadu waxay ka tirsanyihiin hawlaha dugsiyada, sidaas darteedna waxaa ay ku meeleeyay dhismooyinka dugsiyada. Ku dhawaad kala bar shaqaalaha guriga xilliga firaaqada ee degmada Kiruna waxaa ay leeyihiin waxbarasho jaamacadeed oo la xiriirta habka waxbaridda, cufnaanta shaqaalahuna ilaa heer waa ay sarreysaa marka loo eego degmooyinka kale.

Dhammaan carruurta dhigata fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ama dugsigu waxaa ay xaq u leeyihiin xannaano carruur dugsi iyo boos ah guriga xilliga firaaqada laga billaabo sannadka ay buuxinayaan 6 jir ilaa iyo xilli dugsiyeedka guga sannadka ay buuxinayaan 13 jir.

Dugsiyada ayna degmadu lahayn waxaa ay badanaa leeyihiin gurigooda xilliga firaaqada laakiin haddii aysan arrintu sidaa ahayn qofku ka waalid ahaan waxaa uu boos ka soo codsan karaa hawlaha degmada.

(16)

Waqtiyada furitaanka

Furnaanta guryaha xilliga firaaqadu maalmaha caadigaa waa saacadda 06.30-18.00. Carruurta u baahan xannaanada xitaa waqtiyada kale sida galbihi, habeennada iyo maalmaha fasaxa usbuuc waxaa faras magaalada Kiruna ku yaalla hawl gaar ah, Habeenley.

Guriga xilliga firaaqada waxaa la wadaya inta dugsiga hawlihiisa sannadku ay u socdaan si waafaqsan qorshaha sannad dugsiyeedka laakiin wuu furanyahay xitaa fasaxyada dugsiga inta lagu jiro sannad dugsiyeedka haddii ay baahiyo jirto. Inta lagu jiro waqtiga fasaxa ee xagaaga waxaa la abaabulayaa nuuc kale oo hawlo ah oo loogu tala galay carruurta ku jirta da’da dugsiga ee u xannaanada u baahan. Faras magaalada Kiruna waxaa laysku duwayaa hawl loogu yeero xilliga firaaqada ee Xagaaga. Taasi waxaa ay ka dhigantahay in dhammaan carruurta u baahan guriga xilliga firaaqada inta lagu jiro fasaxa xagaaga laysugu geynayo dhawr dugsi maxaa yeelay xoogaa yar oo carruur ah oo keliya ayaa caadi ahaan u baahan xannaano inta waqtigan lagu jiro. Codsi gooni ah ayaa hawshan loo sameynayaa sannad walba. Codsiga lagama bixi karo maadaama hawsha la dul dhiga khidmo lacageed oo gaar ah.

Boos codso ama iska celi

Boos codsasho

Codsiga booska ee guryaha xilliga firaaqada ee degmada ama xannaanada carruurta dugsiyada waxaa lagu sameynayaa foomka Boos ka codsashada hawlo degmeedka (lifaaq), wuxuuna ku jiraa isku xiraha

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Ans%c3%b6kan%20om%20plats.pdf?ep slanguage=sv

Foomka buuxsan ee codsiga waxaa la geynaya ama loo dirayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga. Codsiga xilliga firaaqada xagaaga waxaa lagu sameynayaa foomka Boos codsasho xilliga firaaqada xagaaga ee yaalla xafiisyada qaabilaadda dugsiyada midba goonidiis.

Waalidka canugga ayaa codsanaya, sheegayana baahida canugga ee booska guriga xilliga firaaqada ama daryeel kale oo carruur dugsiyeed. Mararka uu canuggu leeyahay laba waalid oo wadaaga xannaanada laakiin aan isla degganeyn si wada jir ah ayey boos isula codsanayaan. Mararka ay waaliddiintu kala degganyihiin laba meelood oo kala duwan, tusaale ahaan haddii waalid uu degganyahay faras magaalada Kiruna waalidka kalana uu degganyahay tuulooyinka, waaliddiintu waxaa ay ka codsan karaan midba booskiisa meelo kala duwan.

Boos iska celin

Waqtiga iska celintu waa hal bil. Boos iska celin waxaa foomka Boos iska celinta loogu sameynayaa si qoraal ah (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Upps%c3%a4gning%20av%20plats.pdf?

epslanguage=sv

Foomka buuxsan waxaa la geynaya ama loo dirayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga.

Lacagta khidmada waa layska qaadayaa inta uu socdo waqtiga iska celintu haddii canugga uu booska ka faaiideysanayo iyo haddii kalaba.

Degmada Kiruna booska waa ay ceshaneysaa haddii aan booska laga faaiideysan muddo hal bil ah oo is haysata, fasaxa shaqada lagu tirinayo, ama aan la bixin lacagaha khidmada ah.

(17)

Khidmooyin lacageed iyo xeerar

Goynta khidmada lacageed waxaa ay ku saleysantahay macluumaadka dakhliga ee waqtigaas ee guriga canugga/carruurtu ka tirsantahay. Macluumaadka dakhliga ee qoyska waxaa foomka macluumaadka dakhliga loogu gudbinayaa xafiiska qaabilaadda dugsiga (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/Inkomstuppgift.pdf?epslanguage=sv Lacagta khidmada waxaa loo xisaabinayaa calaa canug iyo boqolkiiba dakhliga soo gala guriga si waafaqsan sharciyada ku aaddan qiime goynta canshuuraha.. Macluumaad faahfaahsan oo ku aaddan sida loo xisaabinayo khidmada lacageed waxaa ay ku yaallaan bogagga 7-9 ee dukumiintiga Xeerar ku dhaqmid iyo khidmooyinka lacageed ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, xannaanada la xiriirta waxbaridda iyo guriga xilliga firaaqada (lifaaq). Khidmada lacageed ee hawlaha xilliga firaaqadu waa khidmo bishii ah oo bisha la joogo lagu soo dallacayaa qofka booska haysta/waalidka, inta lagu jiro qorshaha sannad dugsiyeedka dugsiga iyadoon la eegeynin haddii uu qofku ka faaiideysanayo iyo haddii kale. Lacagta waxaa la dhiibayaa laga billaabo taariikhda canugga la meeleeyay.

Khidmada lacageed ee xilliga firaaqada xagaaga waxaa bisha lagu jiro lagu dallacayaa qofka booska haysta/waalidka, si waafaqsan waqtiga joogitaanka ee lagu heshiiyay inta lagu jiro fasaxa xagaaga iyadoon la eegeyn haddii uu qofku ka faaiideysanayo booska iyo haddii kale. Lacagta waxaa la dhiibayaa laga billaabo taariikhda canugga la meeleeyay.

Maalmaha qorsheynta

Hawluhu waxaa ay xaq u leeyihiin in la xiro afar maalin sannadkiiba si loo qorsheeyo hawsha iyo si aqoon kororsi loo sameeyo. Taas waa wax tayada kor u qaadaya, waaliddiintana waxaa laga dalbayaa in ay ixtiraamaan oo ay qorshe u samaystaan taas. Jawaab ku aaddan maalmaha ay khuseyso waxaa la isa siinayaa ugu dambeyn seddax bilood ka hor inta aan la gaarin. Maalmaha qorsheynta iyo aqoon kororsigu waxaa ay ku jiraan lacagta khidmada ee caadiga ah, mana laga goynayo lacagta khidmada.

Waqtiga joogitaanka/jadwalka

Marka uu canuggu billaawyo xilliga firaaqada waxaa la sameynayaa jadwal ku aaddan joogitaanka canugga. Waa in marwalba uu yaalla jadwal iminka ah oo ku aaddan waqtiga joogitaanka. Foomka Jadwal/Heshiis ayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga loogu gudbinayaa jadwalka iyo heshiiska ku aaddan xilliga joogitaanka (lifaaq) isku xire

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/SCHEMA%20och %20avtal%20f%c3%b6r

%20barn.pdf?epslanguage=sv

Ku wargelinta xagga isbeddelka

Maadaama waxyaabo badan ay saameynayaan lacagta khidmada ee guriga xilliga firaaqada waxaa waaliddiinta laga doonayaa in ay dhammaan isbeddellada sida xaaladda qoyska, cinwaanka-, dakhliga- iyo isbeddellada jadwalka u sheegaan xafiiska qaabilaadda dugsiga.

DUGSIGA LOOGU TALA GALA CARRUURTA XAGGA CAQLIGA KA DHIMMAN

Dugsi hoose-dhexe oo loogu tala galay carruurta xagga caqliga ka dhimman

Dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqliga dhimman waa wax dugsi hoose-dhexe beddelkiisa loo dooran karo kuwa loo arko aaney gaareyn heerka aqooneed ee laiska raba dugsiga hoose-dhexe iyadoo sababtu tahay in ay qaban kala dhantaalnaan xagga koritaanka ah. Waxbarasha waa in la waafajiyaa duruufaha arday walba, waana in ay ka koobnaataa sagaal sannad dugsiyeedyo.

Dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqliga dhimman waxaa uu ka koobnaanayaa waxbarasho xagga maaddooyinka ah ama ku jira waaxyo maaddooyin ah, ama ayagoo laysu geeyay. Waxbarashadu waxaa ay sidoo kale ka koobnaan kartaa maaddooyin si waafaqsan qorshooyinka koorsooyinka dugsiga hoose-dhexe.

(18)

Waxyaabaha ay siineyso waxbarashadu waxaa ka mid ah aqoon iyo qiimo, waxaaney ka qeyb qaadaneysaa horuumarka shakhsi ahaaneed, wadaagga bulsho ahaaneed, waxaaney siineysaa aasaas fiican oo ku aaddan ka qeyb qaadasho firfircoon oo xagga bulshada ah.

Dugsiga tababarka

Dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqliga dhimman waxaa ku jira jiho gaar ah oo loogu yeero dugsiga tababarka. Dugsiga tababarka waxaa loo diyaariyay arday aad dhammaan ama qeyb ahaan ka wada faaiideysan karin waxbarashada maaddooyinka. Maaddo keligeed ah beddelkeeda dugsiga tababarku wuxuu ka koobanyahay shan aag oo maaddo.

Maxaa xakameynaya hawlaha

Sharciyada dugsiyada, qaraarrada iyo manhajka waxbarashada ayaan aasaas u noqonaya sida loo xakameynayo hawsha. Dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqli ahaan dhimman wuxuu raacayaa manhajka waxbarashada ee loogu tala galay dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha cali ahaan dhimman halkaas oo uu qofku ka akhrisan karyo hadafka iyo wadiiqooyinka aasaasiga ah dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqli ahaanta dhimman. Manhajka waxaa ku jira qorshe koorsooyin oo leh aqoon la isaga baahanyahay oo tilmaameysa waxa ay tahay aqoonta la iska doonayo oo ah aqoon looqaateen ah iyo shahaaddooyinka kala duwan fasallada 6 iyo 9 ee maaddooyinka dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhimman.

Shahaadda siintu sideey u dhacdaa?

Ardaydu marka ay dhammeeyaan dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqliga dhimman waxaa ay qaadanayaan shahaaddo waxbarashadii ay dhigteen. Haddii ardayga ama waalidkiisu ay dalbadaan taas, waxaa shahaaddada loogu dhammeystirayaa qiimeyn waxbarasho oo guud.

Qiimeynta waxbarashada waa in looga gol lahaadaa fursadda ardayga ee ku aaddan wadidda waxbarashada.

Kiruna waxaa ku yaalla dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhimman ee Nya Raket Ardayda deggan tuulooyin ku yaalla meel fogfog oo uusan ardaygu ka dhigan karin dugsiga Nya Raket waxaa loo debberayaa is dhexgelin ku aaddan dugsiga hoose-dhexe.

Dugsi sare oo loogu tala galay dadka xagga caqliga ka dhimman

Dugsiga sare ee carruurta caqliga dhimman waxaa uu hawshiisa ku qabsadaa dugsiga sare ee degmada, Hjalmar Lundbohmsskolan, oo ku jira ururka dugsiga sare ee dugsiga sare ee Lappland.

Dugsi dad waaweyn oo loogu tala galay dadka waaweyn ee xagga caqliga ka hooseeya

Hawlaha dugsiga dadka waaweyn ee caqliga dhimman waxaa ay ku jiraan waxbarashada dadka waaweyn ee la iskula dubbarrido xarunta wax baridda ee Kiruna oo ka mid ah ururka degmada ee Lappland.

GAADIID DUGSIGA DADKA GEEYA

Xaqqa loo leeyahay gaadiidka dugsiga dadka geeya

Carruurta dhigata dugsiga waxaa ay mararka qaar xaq u leeyihiin gaadiid dugsi oo qaada. Degmo kasta iyada ayey ku xirantahay in ay go’aamiso sharciyada khuseynaaya. Waxa marka ugu horreeyaba xakameynaya xaq u lahaanshada gaadiid dugsi ku qaadid waa da’da iyo ka fogaanshada dugsiga ay degmadu kuu dirto. Haddii dugsi kale la doorto xaqqa loo leeyahay gaadiidka dugsiga dadka geeya waa uu dhici karyaa. Ardayda qaarkood waa loo oggolaan karaa gaadiid dugsi u qaadid si aan ahayn sida caadiga ah haddii ay jiraan sababo gaar ah.

(19)

Waxaa xitaa jira xeerar ku aaddan inta ugu dheer ee uu qofku ugu badnaan sugi karo gaadidkiisa dugsi u qaadidda marki laysku dara usbuuca dugsiga. Macluumaad faahfaahsan oo ku aaddan xeerarka shaqeynaya waxaa ay ku jiraan dukumiintiga Xeerarka loogu tala galay gaadiidka dugsi dad u qaadista (lifaaq). Foomka loogu tala galay Codsiga gaadiidka dadka dugsiga geeya (lifaaq) wuxuu ku jiraa isku xiraha

http://www.kiruna.se/Global/Blanketter/Barn%20och%20utbildning/ANS%c3%96KAN%20OM%20SKOLSKJUT S.pdf?epslanguage=sv

waa la buuxinayaa, waxaana loo dirayaa mas’uulka gaadiidka dugsi dad u qaadidda ee maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada

Kaar bas/caddeyn safar

Adiga laguu oggolaaday gaadiid dugsi u qaadid och bas u raacaya dugsiga sii socod iyo soo socodba waxaa heleysaa kaar dugsi oo cusub sannad dugsiyeed kasta. Taasi waxaa ay ka dhigantahay in aadan u baahneyn in aad meel dhigatid kaarkii baska ee aad horay u haysatay. Wax ma ku sii raaci kareysid kaas.

Ilaasho kaarkaaga dugsiga!

Haddii aad lumisid ama aad kaarka dhaawacdid oo uusan shaqeyneyn waa in aad taas xafiiska qaabilaadda dugsig/mas’uulka gaadiidka dugsi dad u qaadista ku wargelisaa. Waxaad dugsiga siineysaa 50 kr si laguugu soo saaro kaar cusub. Inta aad sugeysid kaar cusub waxaa lagu siinaya caddeyn safar oo ku meel gaar ah oo shaqeynaya oo keliya maalmaha uu mas’uulka gaadiidka dugsi u qaadiddu ku sheegay caddeynta safarka.

LUQADAHA DADKA LAGA TIRADA BADANYAHAY IYO AFKA HOOYO

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta - taageerada xagga afka hooyo

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waxaa ay iska kaashi ka sameynayaan sidii canugga leh luqad hooyo oo aan swiidhish ahayn u heli lahaa fursad uu ku hor mariyo luqadda swiidhishka iyo luqadda hooyo labadaba. Dhammaan carruurta dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee leh luqad hooyo oo kale oo aan ahayn swiidhish waxaa ay xaq u leeyihiin taageero afka hooyo oo looga gol leeyahay in la horuumariyo awoodda ah in ay xiriir ku sameeyaan swiidhishka iyo luqadda hooyo labadaba. Hawshu waa in ay xitaa xoojisaa ku kalsoonaanta canugga ee cid ahaantiisa.

Ulajeeddada iyo khadadka la raaco ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, laga soo qaatay bogga 9 Manhajka waxbarashada ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

“Luqad iyo waxbarasho waxaa ay isugu xiranyihiin si aan la kala furfuri karin sida horuumarinta luqadda iyo ahaanshada cid ahaaneed ee qofka. Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waa in uu xoog saaraa in carcargeliyaa canug kasta horuumarkiisa luqadeed, dhiiri geliyaa, kana faaiideystaa carruurta fuduulinimadood iyo daneyntooda ku aaddan caalamka luqadda qoran.

Carruur kasoo jeedda waddamo kale oo horuumarinayo luqaddooda hooyo waxaa ay helayaan fursado ka fiican si ay u bartaan swiidhishka oo xitaa ay aqoontooda u kordhiyaan meelaha kale.

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waxaa ay iska kaashi ka sameynayaan si canugga leh luqad hooyo oo aan swiidhish ahayn u helo fursad uu ku hor mariyo luqadda swiidhishka iyo luqadda hooyo labadaba.”

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waa in uu hiigsadaa in canug walba, kasoo qaadasho bog 13 Manhajka waxbarashada ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

“- ee leh luqada kale oo aan ahayn swiidhish uu horuumariyo cid ahaanshadiisa dhaqan ahaaneed iyo karaankiisa in uu si isku mid ah uu xiriir ugu sameeyo swiidhishka iyo luqaddiisa hooyo.”

(20)

Dugsi hoose-dhexe/dugsi sare - dhigidda afka hooyo

Sharciga dugsiyada cut. 10 Qodobka 7 (dugsiga hoose-dhexe)/ cut. 15 Qodobka 19 (dugsi sare), laga soo qaatay ‘‘Arday leh waalid leh luqad kale oo hooyo oo aan ahayn swiidhish waa in luqaddaas loogu soo bandhigaa afka hooyo u dhigid haddii

1. luqaddu ay tahay ardayga luqaddiisa maalinlaha ah ee guriga la iskula wada xiriiro, iyo 2. ardaygu uu luqadda u leeyahay aqoon aasaasi (dugsi hoose-dhexe) arday u leeyahay

luqadda aqoon fiican (dugsi sare).

Afhooyo dhigidda luqadaha dadka laga tirada badanyahay waa in la bixiyaa xitaa haddii aysan luqaddu ahayn ardayga luqadda si maalinle ah gurigiisa la isagala hadlo.

Xukuumadda ama hey’adda ay xukuumaddu u xilsaartay waa in ay soo sheektaa xeerarka ku aaddan Afhooyo dhigidda. Xeerarka nuucan ah waxaa ay ka dhiganyihiin in Afhooyo dhigidda lagu bixinaayo luqad oo keliya marka ay tiro cayiman oo arday ah codsadaan wax ku dhigidda luqaddaas.”

Dhigidda afka hooyo maaddo gooni ah ayey dugsiga ka tahay. Maaddadu waxaa ay u gol leedahay in ardaydu ay horuumariyaan isku kalsoonaan, jiritaan ahaan iyo awood luqadeed. Dugsiga waxaa uu ardaygu xaq u leeyahay in afka hooyo wax loogu dhigo haddii hal ama labada waalid ay afhooyo ahaan u leeyihiin af kale oo aan ahayn swiidhish, luqaddaasna ay ardayga u tahay luqadda nolol maalmeedka.

Ardaygu waa in uu luqadda u leeyahay aqoon aasaasi ah, maamulaha ayaana baaraya ardayga aqoontiisa luqadeed haddii ayna taasi caddeyn. Taas waxaa uu markaas maamuluhu si wadajir ah ula sameynayaa macallinka afka hooyo. Baaxadda dhigitaan waxaa go’aaminaya cidda mas’uuliyadda dugsigu ay saarantahay.

Si afhooyo dhigid luqad loogu abaabulo waa in ay degmada ka jiraan ugu yaraan shan codsade, waana in uu jiro macallin habboon. Habboonaanta macallinka waxaa lag go’aaminayaa xagga maamulaha.

Dugsi hoose-dhexe waxaa afhooyo dhigidda loo abaabuli karaa sida - luqad la doorto

- doorashada ardayga ama dugsiga

- wax dhigid laba luqadeed halkaas oo ay kooxo badani jiraan - wax dhigid ka baxsan waqtiga ku xiran qorsheynta kooxda.

Dhigidda luqadda hooyo waa in ay ka koobnaataa oo keliya la luqad marka laga reebo ardayga roomaha oo dibadda ka yimid kuwaas oo helay in laba luqadood wax loogu dhigo haddii baahi gaar ah timaado.

Haddii uu canug khatar ugu jiryo in uusan hadafka gaarin sababo la xiriira ku adkaanshada xagga luqadda swiidhishka maamuluhu waa in uu hubiyaa in la baaro haddii uu ardaygu u baahanyahay in lagu gacan qabto afkiisa hooyo, ka dibna waa in taas u debberaa.

Dugsiyada xurta ah waxaa ay afhooyo dhigidda u debberaan si la mid ah sida dugsiyada degmada.

Luqadaha dadka laga tirada badanyahay

Luqadaha dadka laga tirada badanyahay ee waddaniga ahi waa meänkieli (finishka tornedal), finishka, saamaha, roomaniga jibsiga ah iyo yidhishka.

Carruur ka tirsan dadka waddaniga ee laga tirada badanyahay waxaa ay dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ugu heli karaan fursad ay ku horuumariyaan ka tirsanaashadooda dhaqan ahaaneed.

Dhammaan ardayda dhigata dugsiga waa in ay ogaal u lahaadaan dadka laga tirada badanyahay ee waddaniga dhaqamahooda, luqadahooda, diimohooda iyo taariikhdooda.

Marka laga hadlayo dhigidda luqadaha waddaniga ee dadka laga tirada badanyahay waxaa mas’uulka waajib ku ah in uu debbero dhigidda xitaa haddii ay degmada ka jiraan codsada yaal shan arday ka yar iyo xitaa haddii luqaddu aaney ahayn luqadda nolol maalmeedka ardayga.

(21)

Wargelin

Haddii aad dooneysid in aad canuggaaga ku qortid afhooyo dhigasho waxaad la xiriireysaa maamulaha canuggaaga dugsigiisa. Foomka (lifaaq)

http://www.kiruna.se/PageFiles/4789/Intresseanm%c3%a4lan%20Modersm%c3%a5laug2014.pdf?epslangua ge=sv

CAAFIMAADKA ARDAYDA

Hawsha Caafimaadka ardaygu waa in si ku saleysan awood xirfadeed oo la uruuriyay ay xagga shaqada ku aaddan xagga caafimaadka canugga iyo dhallinyarada iyo xoojintiisa ka taageeraan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/dugsiga. Shaqada Caafimaadka ardaygu waxaa ay leedahay jiho caafimaad xoojin, ka hor tag, waxaaney u dhaceysaa si wada shaqeyn dhaw la leh maamulayaasha iyo koox shaqo oo dugsiyada jooga.

Caafimaadka ardaygu waxaa uu gacan ka geysanayaa abuuridda jawi xoojinaya canugga iyo ardayda waxbarashadooda, horuumarka iyo caafimaadka, taageerayana ardayda horuumarkooda ku aaddan heerka waxbarasho.

Caafimaadka ardayda waxaa ka dhex shaqeeya kalkaaliyayaal caafimaad, la taliyayaal arrimaha bulshada, cilmi nafsi yahanno, barayaal gaar ah, dad cilmi u leh codka iyo hadalka, macallin dugsi, qof khayraad ku ah xagga arrimaha qiyamka aasaasiga ah, xoghaye iyo madaxa waaxda hawsha.

Caafimaadka ardayga aagga hawshooda waxaa soo gelaya dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee degmada Kiruna, dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sar-sare. Dugsiyada xurta ah iyo dugsiyada saamaha ee Karesuando iyo Kiruna xitaa wey isticmaalaan Caafimaadka ardayda. Aagga joqoraafi ahaaneed wuu weynyahay, waxaanuu gaarayaa cirifka Karesuando, Vittangi iyo Abisko.

Jihooyinka shaqada Caafimaadka ardaygu waa:

- Dadaallo dhakhsi ah, lagu wada jiro, xoojinaya caafimaadka ka hor tegedna ah - Horuumarin qaab shaqo oo gacan qabasho iyo ku fikirid ah

- Isku si wax u arkid u dhexeysa Caafimaadka ardayda iyo kooxda yar ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/dugsiga si loo xoojiyo caafimaadka iyo waxbarashada

Afarta tiir ee Caafimaadka ardayda:

- Barashada oo diiradda la saaro - Saameynta canugga/ardayga - Ka qeyb ahaanshada waalidka

- Macluumaad marka la isaga gudbayo heerar, dugsiyo iyo qaabab dugsi

(22)

KOOX YAR/KOOXDA DARYEELKA ARDAYDA

Hawl kasta oo ku jirta maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada waxaa ay leedahay koox yar halkaasoo lala soconayo horuumarka ardayda/carruurta. Kooxda yar waxaa ku jira maamulaha/madaxa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, kalkaaliso caafimaad iyo bare gaar ah/macallin gaar ah.

Dugsiyo qaarkood waxaa xitaa wax ka jooga tilmaame xagga waxbarashada- iyo xirfadaha ah.

Go’aanka baaritaanka iyo sameynta iyo joojinta barnaamij tallaabo ka qaadis waxaa gaaraya maamulaha.

Kooxda yare si joogto ah ayey u kulmaan, badanaa hal mar usbuucii.

DUGSI SARE

Kiruna waxaa ku yaalla laba dugsi sare. Kan ah dugsiga sare ee degmadu leedahay,

Hjalmar Lundbohmsskolan, waa kan ugu weyn, wuxuuna ku jiryaa dugsiga sare ee Lappland oo qeyb ka ah ururka degmada ee Lappland.

Dugsiga sare ee Lappland waxaa sidoo kale ka mid ah dugsiga sare ee degmada ee Gällivare, Jokkmokk iyo Pajala. Dugsiga sare ee degmadu wuxuu leeyahay barnaamijyo badan oo la kala dooran karo.

Marka laga reebo dugsiga sare ee degmada waxaa jira dugsi sare oo xur ah, Rymdgymansiet oo leh barnaamijyada soo socda:

- Barnaamijka farsamada - cilmiga farsamada

- Barnaamijka sayniska - takhasus saynis, maaddada cilmiga hawada sare

WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN

Maanta waxaa jira fursado badan oo ka qof weyn ahaan aad wax ku baran kartid waxyaabo kale duwan iyo heerar kala duwan adiga oo aan u baahan in aad ka guurtid xaafadda aad deggantihid.

Kunskapsparken waxaa ku yaalla xarunta waxbarashada Kiruna oo leh waxyaabo ay ka mid yihiin tilmaame waxbarasho- iyo xirfadeed oo loogu tala galay dadka waaweyn.

Degmooyinka Gällivare, Jokkmokk, Kiruna iyo Pajala waxaa ay si wadajir ah u dhisayaan ururka degmada ee Lappland oo abaabulaya waxyaabo ay ka mid yihiin waxbarashada loogu tala galay dadka waaweyn oo siinaya taageero muwaadiniinta degmada ee doonaya in ay wax u bartaa heerar kala duwan sida tusaale ahaan Komvux-ka Swiidhishka ajaanibta loogu tala galay (SFI), jaamacad iyo jaamacad xirfadeed.

MACLUUMAAD KU AADDAN DIIWAANKA KUMBUYUUTARKA

Sida waafaqsan sharciga macluumaadka shakhsiga ah (PUL) qofka sameynaya diiwaan gelinta dadku waa in uu u sheegaa kuwa la diiwaan gelinayo. Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashadu wuxuu diiwaan gelinayaa macluumaadka shakhsiga ah ee carruurta, ardayda iyo waaliddiinta.

Ujeeddada laga leeyahay diiwaan gelinta macluumaadku waa in la maareeyo khidmada lacageed ee xannaanada carruurta, kor kala socoshada waajibka dugsi dhigashada, liisaska kalaasyada, shahaaddooyinka, joogitaanka, qorshooyinka shakhsiga ee horuumarka ee leh qiimeyn qoraal ah iyo wax kaloo badan. Tusaale xagga macluumaadka shakhsigaahi waa tobanka nambar, magaca, dugsiga- iyo kalaaska ka tirsanaanshada, cinwaan, taleefan nambar, qoys, xaaladda xaas ahaaneed, doorashada luqadda, shahaado iyo wax kaloo badan. Macluumaadka waxaa loo maareynayaa si waafaqsan xeerarka sharciga macluumaadka shakhsigaa.

(23)

Cad-caddeyn ku saabsan waxyaaba uu foomku ka koobanyahay

Magaca dambe = magaca qoyska

Magaca hore = kan maalin walba laguugu yeero

Tobanka nambar = taariikhda dhalashada (sanad - bil - maalin - nr)

Cinwaan/cinwaanka aad ku diiwaan gashantihid = waddo + nr

Boosto nr = tusaale 123 45 ka hor meesha deegaanka

Cinwaan boosto = tusaale Kiruna

Canuggu si buuxa ma u fayowyahay = canuggu wax cudur ah muu qabyaa

Canuggu xasaasiyad ma leeyahay = ma jiraan wax canuggu ka fal celinayo/xasaasi ku yahay tusaale caano pollen

Afka hooyo = luqaddee looga hadlaa guriga

Doonaya taageero luqadda hooyo = hawsha luqaddiisa taageero ugu baahan

Doonaya meeleyna/meel = xaggeed gacan koowaad ahaan ka dooneysaan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/guriga xilliga firaaqada

Meeleynta imminka la joogo = dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/guriga xilliga firaaqada ee maanta

Waalid = hooyo ama aabbe

Saxiix = magacaaga oo si qal-qalloocan loo qoray

Dakhli = lacag tusaale mushaar, kaalmo dhaqaale

Sababta fasaxa la codsaday = muxuu canuggaagu ugu baahanyahay in uu dugsiga ka maqnaado

Sababta codsiga gaadiidka dadka dugsiga geeya = muxuu ugu baahanyahay canuggaagu gaadiid dugsiga u qaada

(24)

BOOS KA CODSASHO HAWLAHA LA XIRIIRA DEGMADA

Haddii canuggu uu kaltan u degganyahay labada waalid midba iskiis ayuu codsi u keenayaa haddii labada waalid ay booska ka faaiideysanayaan.

Caniggiiba hal foom

Magaca dambe ee canugga Magaca hore Tobanka nambar (sanad - bil - maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Cinwaan boosto:

Meel la doonayo laga billaabo Tirada saacadaha/usbuucii

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta

Daryeel la xiriira habka waxbaridda

Guriga xilliga firaaqada

Canuggu si buuxda ma u caafimaad qabyaa?

Canuggu xasaasiyad miyuu qabaa?

Afka hooyo

Haa

Maya

Haa

Maya

Taageero afka hooyo ma la doonayaa?

Haa

Maya

Meeleynta/meesha la doonayo

Macluumaad gaar ah

Waalidka 1

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad - bil - maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Cinwaan boosto: Tfn/taleefan gacan

Shaqa bixiye/dugsi Tfn shaqo

Waalidka 2

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad - bil - maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Cinwaan boosto: Tfn/taleefan gacan

Shaqa bixiye/dugsi Tfn shaqo

Taariikh Saxiixa waalidka 1

Taariikh Saxiixa waalidka 2

Xagga dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta: Foomka waxaa loo geynayaa/loo dirayaa kalkaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta.

Xagga guriga xilliga firaaqada: Foomka waxaa la geynaya/loo dirayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga.

(25)

CODSASHO BOOS BEDDELASHO Caniggiiba hal foom

Magaca dambe ee canugga Magaca hore Tobanka nambar (sanad, bil, maalin- nr)

Magaca dambe ee qofka daryeel ilaha qaanuun ahaan iska leh

Magaca hore Tobanka nambar (sanad, bil, maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Cinwaan boosto:

Taleefan guri: Taleefan gacan E-mail

Himilo

Meeleynta imminkan la joogo Boos beddelashada waxaa la doonayaa laga billaabo

Meeleynta la doonayo Dugsiga xannaanada iyo

barbaarinta carruurta

Daryeel la xiriira habka waxbaridda

Macluumaadka kale

Taariikh Waalidka 1 Taleefan: Taleefan gacan

Taariikh Waalidka 2 Taleefan: Taleefan gacan

Foomka waxaa loo geynayaa/loo dirayaa kalkaalisada meeleynta eed dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee canugga iminka la joogo.

(26)

BOOS ISKA CELIN Caniggiiba hal foom.

Magaca dambe ee canugga Magaca hore ee canugga Tobanka nambar (sanad - bil - maalin- nr)

Magaca dambe ee qofka daryeel ilmaha qaanuun ahaan iska leh

Magaca hore Tobanka nambar (sanad - bil - maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Cinwaan boosto

Taleefan: Taleefan gacan E-mail

Meeleynta imminkan la joogo Booska waxaa laga faaiideysan doonaa ilaa iyo

FG!

Waqtiga iska celintu waa hal bil laga billaabo taariikhda jawaabtani ay timiday.

Lacagta khidmada waa laiska qaadayaa ilaa iyo inta waqtiga iska celintu ay ka dhammaaneyso iyadoon la eegeyn in booska laga faaiideysanayo iyo in kale.

Dhab ahaanta macluumaadku kor lagu sheegay waa la xaqiijinayaa:

Taariikh Waalidka Taleefan/taleefan gacan Taleefan shaqo

Taariikh Waalidka Taleefan/taleefan gacan Taleefan shaqo

Xagga dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta: Foomka waxaa loo geynayaa/loo dirayaa kalkaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta.

Xagga guriga xilliga firaaqada: Foomka waxaa la geynaya/loo dirayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga.

(27)

Macluumaadka dakhliga

Wuxuu dhaqan gelayaa laga billaabo

Sannad Bil Maalin

Qaan sheegad la qeybiyay

Macluumaad ku aaddan qofka booska leh 1 (Qaabilaha warqadda qaan sheegadka)

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

Cinwaan Boosto nr Meesha

Taleefan guri: Taleefan shaqo E-mail

Shaqa bixiye/dugsi

Macluumaad ku aaddan qofka booska leh 2

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

Cinwaan Boosto nr Meesha

Taleefan guri: Taleefan shaqo E-mail

Shaqa bixiye/dugsi

Ninka/Xaaska/Isla deggane (Haddii aysan isku mid ahayn sida kore)

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar

Cinwaan Boosto nr Meesha

Taleefan guri: Taleefan shaqo E-mail

Shaqa bixiye/dugsi

Macluumaad ku aaddan canugga dhigta hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/dugsiga xannaanada carruurta

Canugga 1 Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

Canugga 2 Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

Canugga 3 Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

Carruur loo meeleeyay si iskaashi ah Tobanka nambar (sanad- bil- maalin-nr)

1

(28)

Mushaar iyo lacagaha kale in la shaqeeyay lagu helo

+ + +

Megdhawga shaqa la’aanta + + +

Lacagta waalidka + + +

Lacagta bukaanka/kaalmada lacageed ee bukaanka

+ + +

Hawlgab (maaha hawlgabka carruurta) + + +

Kaalmo dhaqaale waxbarasho oo ku aaddan waxbarashada suuqa shaqada

+ + +

Dakhli kale (tusaale kaalmo dhaqaale oo daryeel iwm)

+ + +

ISKU DARKA = = =

Degmadu waxaa ay xaq u leedahay in ay koontaroosho macluumaadka dakhliga.

Macluumaad khaldan oo ku tala gal loo dhiibo waxaa ay keeni kartaa in booska xannaanada carruurta dib loola noqdo.

Dhab ahaanta macluumaadku kor ku xusan waa la xaqiijinayaa:

Taariikh Waalidka 1

Taariikh Waalidka 2

Xagga dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta: Foomka waxaa loo geynayaa/loo dirayaa

kalkaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta.

2

Xagga guriga xilliga firaaqada: Foomka waxaa la geynaya/loo dirayaa xafiiska qaabilaadda

maamulaha dugsiga.

(29)

JADWAL/HESHIIS loogu tala galay carruurta dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruurta-guriga xilliga firaaqada-xannaanada la xiriirta habka waxbaridda-xilliga firaaqada.

Caniggiiba hal foom.

Magaca dambe Magaca hore Tobanka nambar (sanad, bil, maalin- nr)

Cinwaan Boosto nr Meesha Taleefan:

Wuxuu dhaqan gelayaa laga billaabo Meeleyn Qaan sheegad

la qeybiyay

Ka fikir in:

 Waqtiyada geynta- iyo soo wadiddu ay ku jiraan jadwalka

 Buuxi oo keliya 1 usbuuca haddii aad 1 jadwal leedihid usbuuca

 Dhawr usbuuc ku buuxi haddii aad jadwal dhawr usbuuc ah leedihid iyo haddii aad isku mar taariikhda isniinta ee usbuuca billawga ah.

Tirada usbuucyada

Taariikh maalinta isniinta ee usbuuca billawga ah haddii uu jadwal dhawr usbuuc ah jiro

Usbuuc 1 Usbuuc 2 Usbuuc 3

Isniin Talaado Arbaco Khamiis Jimco Sabti Axad

Usbuuc 4 Usbuuc 5 Usbuuc 6

Isniin Talaado Arbaco Khamiis Jimco Sabti Axad

Isku celcelis ahaan waxaa markaas la isticmaalayaa: ___________________tim/vecka

Macluumaadka kale

Dhab ahaanta macluumaadku kor ku xusan waa la xaqiijinayaa:

Taariikh Saxiixa-Waalidka 1 Taleefan:

Taariikh Saxiixa-waalidka 2 Taleefan:

Xagga dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta: Foomka waxaa loo geynayaa/loo dirayaa kalkaaliyaha meeleynta ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta.

Xagga guriga xilliga firaaqada: Foomka waxaa la geynaya/loo dirayaa xafiiska qaabilaadda maamulaha dugsiga.

(30)

1

DEGMADA KIRUNA

Maamulka dhaqanka- iyo waxbarashada Dib loo cusbooneeyay 2016-02-03

Xeerarka dabbaqaadda iyo

lacagta khidmada ah

ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, xannaanada la xiriirta habka waxbaridda

Iyo guriga xilliga firaaqada

ka mid ah carruurta la qaatay- -iyo guddiga waxbarashada 2015-06-11, § 105,

dhaqan gelaya laga billaabo 2015-07-01

(31)

2

Hawlo dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed bog 3 Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee loogu tala galay

carruurta 1-5 jirka ah

bog 3

Xannaanada la xiriirta habka baridda ee loogu tala galay carruurta 1-5 jirka ah

bog 3

Xannaano waqtiga shaqada ee la karaahiyeysto bog 3

Kuwa ku jira fasaxa waalidka bog 3

Dugsi guud oo xannaano iyo barbaarin carruureed bog 3

Daryeelka carruurta dugsiga bog 4

Guriga xilliga firaaqada ee xagaaga bog 4

Hawlaha dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee xurta

ah iyo xannaanada carruurta dugsiga bog 4

Xeerarka guud bog 4

Furnaanta dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta/xannaanada la xiriirta habka waxbaridda

bog 4

Meeleyn iyo saf bog 4

Waqtiga joogitaanka bog 5

Ku wargelinta xagga isbeddelka bog 5

Fasaxa shaqada iyo fasax kale bog 5

Boos iska celin bog 5

Qofka booska haysta bog 5

Xaaladda qoyska/guriga bog 6

Maalmaha qorsheynta bog 6

Khidmada lacageed ee dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta iyo guriga xilliga firaaqada

bog 6

Qiimaha canshuurta bog 8

Kalkaalisada meeleynta - dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, xannaanada la xiriirta habka waxbaridda iyo guriga xilliga firaaqada

bog 9

References

Related documents

Ujeedada laga leeyahay mashruucan waa inuu kaamilo shaqada xafiiska arimaha bulshada ee amaanada dumarka iyo ururada ka dhisan gobalka GGVV ee la shaqeeya dumarka loo

Haddii ay jirto baahida loo qabo cunto khaas ah oo ay ugu wacan tahay xajiinta cuntada iyo cudurrada kale ee la xiriira cuntada iyo astaamaha waa in sidaas oo kale uu caddeeyo

Familjecentralen (Xarunta qoyska) waxa ku jira xadaanda furan, adeega bulshada, umulisada, xarunta daryeelka carruurta iyo dhakhtarka cilmi nafsiga ee carruurta iyo

Haddii waalidiintu ay rabaan in ardaygu kaqeybqaato baridda afka hooyo xilliga dayrta, foomka "Codsiga waxbaridda ee afka hooyo" ayaa la buuxiyaa loona gudbiyaa

Guriga joog haddii aad xanuusanayso Markaasi waxaad iska ilaalinaysaa inaad cudur ku faafiso dadka kale. Maadooyinka cudurka faafiya waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid

Dhammaan dadka dhowaan yimid waxaa loogu deeqayaa baaritaan caafimaad iyo shaybaar lagu ogaanayo cudurada la isqaadsiiyo, caafimaadkoodana lagu qiimeynayo. Nala soo xiriir haddii

Waa ognahay inay caruurta iyo dhalinyaradu doonayaan inan dadka waaweyn u noqdaan kuwo ay wanaag iyo wax fiican uga daydaan markay noqoto sidii isticmaalka internetka cimilo

Qarashka adeegyada daryeelka caafimaadka wuxuu ku xadidanyahay dadka weyn inta lagu jiro nidaamka magangalyada iyo bilaash oo carruurta ah. Qarashka