• No results found

Livsmedelsverket

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Livsmedelsverket"

Copied!
1
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Foto: thinkstock.com

Goorma ayey khasab tahay

karinta biyaha la cabbo

Marka laga shakiyo in ay biyaha tuubada ay ku

jiraan bakteeriyo, fiirus ama dulin deriskunoole

ah oo sababi kara inaad ku xanuunsato, ayuu

maamulka degmada aad deggan tahay kugu

la talinayaa inaad biyaha karkariso inta aadan

cabbin ama cunto ku karsan.

Sidaan sameey marka maamulka degmadu kugu la taliyo inaad karkariso biyaha la cabbo:

• Kari dhammaan biyaha loo isticmaalayo cabbitaanka ama cunta-kariska.

• Ku karkari digsi ama mishinka biyaha lagu kariyo ilaa ay biyuhu aad u karkaraan oo

budbudleeyaan. Marka aad biyaha kariso waxaa dilmaya bakteeriyada, fiiruska iyo dulinka kale.

• Biyaha aad karisey ku dhub kirli, quraarad ama

weel kale oo nadiif ah, cabbaarna meel dhig ha qaboobeene. Dhig meel qolka ka mid ama meel ka qaboow – qaboojiyaha ayaaba ku fiican.

Xasuusnow in biyaha la kariyey aad u isticmaasho in

• lagu qaso saafti ama cabbitaan kale

• lagu kariyo kafeega, maadaama uusan mishinka kafeegu uusan aad u karkarin biyaha

• laga sameeyo baraf

• lagu biyaraaciyo furutada ama qudaarta aan la karineyn

• lagu luqluqdo marka ilkaha la cadayo.

Biyaha aan la karkarin waxaa loo isticmaali karaa in

• lagu kariyo cuntooyin biyaha lagu kariyo sida baradhada, bariiska iyo baastada

• lagu mayro gacmaha iyo wejiga

• lagu qubeysto, laakiin ka ilaali carruurta yaryar in ay biyaha liqaan. Iska ilaaliya in la dhexgalo waaskada qubeyska.

• lagu isticmaalo mishinka weelka mayra oo kulaylka la geeyo meesha ugu sarreysa oo la isticmaalo barogaraamka qallajinta.

• weelka gacanta lagu mayro, sug weelku ha qallalee intaadan isticmaalin

• lagu mayro dharka

• dhulka lagu masaxo oo lagu nadiifiyo

• ubaxa lagu waraabiyo

• godka musqusha lagu biyaraaciyo.

FIIRO GAAR AH: Carruurtu waa in aysan ku cayaarin tuubbada biyaha firdhisa, waaskada lagu

dabaasho ama wixii la mid ah inta talada biya-karinta la raacayo.

Helitaanka biyo la cabbo oo nadiif ah – raadi oo ogow sida degmadaada ka jira

Waxaad biyo cabbitaan oo nadiif ah ka soo qaadan kartaa haamo ay degmadu meelo gaar ah dhigtay. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaad ka heleysaa barta internet ee degmadaada. Taas beddelkeeda waxaa la soo iibsan karaa biyo cabbitaan oo ku jira qarshooyin ama quraarado.

Talo biya-karinta

SOMALISKA

1 febr. 2016

References

Related documents

Adiga oo kollay qalbiga ka jecel in aad daryeesho qofka buka, haddana mar ay noqotaba waxa aad u baahan doontaa caawimo.. Noo kaalay oo na baro oo arag caawimada aanu bixinno, waxa

Ilaalada Wadadu waxay awood kuu siyaan inaad ku lug lahaatid, si ay u abuuraan jawi farxad leh halkaas oo dadku ku kulmi karaan, ay nafahooda ku xiiseeyaan oo ay ku dareemaan

Haddii ay jirto baahida loo qabo cunto khaas ah oo ay ugu wacan tahay xajiinta cuntada iyo cudurrada kale ee la xiriira cuntada iyo astaamaha waa in sidaas oo kale uu caddeeyo

Familjecentralen (Xarunta qoyska) waxa ku jira xadaanda furan, adeega bulshada, umulisada, xarunta daryeelka carruurta iyo dhakhtarka cilmi nafsiga ee carruurta iyo

Haddii waalidiintu ay rabaan in ardaygu kaqeybqaato baridda afka hooyo xilliga dayrta, foomka "Codsiga waxbaridda ee afka hooyo" ayaa la buuxiyaa loona gudbiyaa

Guriga joog haddii aad xanuusanayso Markaasi waxaad iska ilaalinaysaa inaad cudur ku faafiso dadka kale. Maadooyinka cudurka faafiya waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid

Dawaada cadeyga ee ay ku jirto maadada Fluor waxaa ay ilkaha ka difaacdaa in uu soo gaadho dhaawac sidoo kale waxaa ay ilkaha u yeelaan quwad?. Talooyin fiican oo ku

Xusuusnow marka aad diiwaan galinayso maqnaanshaha cunuga firiitiidka leh inaad sidoo kale wargeliso dugsiga adigoo ku diinwaangalinaya Skola24... Dooro cunuga aad rabto inaad