• No results found

Barashada afka hooyo Laga soo bilaabo fasalka 1-aad ee dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga gaarka ah ee khasabka ah, ardaydu waxuu heli karaan waxbarasho ku saabsan luqadda hooyo.

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Barashada afka hooyo Laga soo bilaabo fasalka 1-aad ee dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga gaarka ah ee khasabka ah, ardaydu waxuu heli karaan waxbarasho ku saabsan luqadda hooyo."

Copied!
2
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Social- och utbildningsförvaltningen

Sida

1(2)

Datum

2021-02-11

Barashada afka hooyo

Laga soo bilaabo fasalka 1-aad ee dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga gaarka ah ee khasabka ah, ardaydu waxuu heli karaan waxbarasho ku saabsan luqadda hooyo.

Sida ku xusan xeerarka khuseeya, waxaa loo baahan yahay in ugu yaraan mid ka mid ah waalidinta uu haysto luqad aan ahayn Iswidhish oo ah afkiisa hooyo, in ardaygu leeyahay aqoonta aasaasiga ah ee luqaddaas iyo in luqaddu tahay luqadda maalinlaha ah ee ardaygu ku hadlo marku guriga joogo. Ardayda lasoo korsaday, shuruda looga baahan yahay luqadda xiriirka maalinlaha ah ma khuseyso.

Barashada afka hooyo ayaa loo dhigi doonaa haddii ay jiraan ugu yaraan shan arday oo soo codsaday oo xaq u leh barashada afka, iyo haddii uu jiro macallin ku habboon.

Ardayda ka tirsan mid ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay, wax shuruud ah loogama baahna in ardaygu leeyahay xoogaa aqoon ah luqadda ama in luqaddu ay ahaato luqadda maalinlaha ah ee guriga looga hadlo. Luqadaha laga tirada badan yahay waa Finnish, Yiddish, Meänkieli, Romani Chib iyo Saami.

In loo dhigo ardayga luqada laga tirada badan yahay waxaa ku filan in uu jiro arday soo codsaday barashada afka hooyo iyo in uu jiro macallin ku habboon dhigida afka hooyo.

Websaydhada Wakaaladda Waxbarashada, waxaad ka akhrisan kartaa:

“Ujeeddada wax loogu dhigayo waa in ardayga la siiyo fursad uu ku horumariyo aqoonta ku saabsan afkooda. Afka hooyo wuxuu muhiimad weyn u leeyahay caruurta luuqadooda, aqoonsigooda, shakhsiyadooda iyo horumarka fikirkooda.

Afka hooyo oo horumarsan wuxuu ku siinayaa shuruudo wanaagsan barashada iswiidhishka, luqadaha kale iyo maadooyinka kale.

Qiimeynta waxay loo qiimeendoona si la mid ah maadooyinka kale. Aqoonta iyo awoodaha ardaygu muujiyo waxaa lagu qiimeeyaa iyadoo la tixraacayo shuruudaha aqoonta ee manhajka. ”

https://www.skolverket.se/regler-och-ansvar/ansvar-i-skolfragor/ratt-till- modersmalsundervisning

(2)

Ludvika kommun Datum2021-02-11 Sida 2(2)

Ardayda dhigata fasalka lix jirka

bartamaha bisha janaayo sanad walba, warqad ayaa loo diraa waalidka ardayda sanadka soo socda ee 1aad oo ku saabsan codsashada barashada afka hooyo.

Haddii waalidiintu ay rabaan in ardaygu kaqaybqaato barashada afka hooyo, foomka waa in la buuxiyaa "Codsiga waxbarista ee afka hooyo" ee loo gudbiyey dugsiga ardayga ugu dambayn 31 Janaayo ee isla sannadkaas.

Bilowga xilliga dugsiyeedka ayaa la ogeysiin doonaa waalidka in dalabka la oggolaaday iyo in kale.

Ardayda dhigata fasalada 1-8

Haddii waalidiintu ay rabaan in ardaygu kaqeybqaato baridda afka hooyo xilliga dayrta, foomka "Codsiga waxbaridda ee afka hooyo" ayaa la buuxiyaa loona gudbiyaa dugsiga ardayga ugu dambayn 30 Abriil ee isla sannadkaas.

Bilowga xilliga dugsiyeedka ayaa la ogeysiin doonaa waalidka in dalabka la oggolaaday iyo in kale.

References

Related documents

Waxaad xanaanada furan adiga waalidka ahi ka helaysaa fursad aad waalidiinta kale kula kulanto.. Wax qabadyada sida kulanka heesta iyo ritemka baybiga ayaa lagu dhafayaa dheel

I examensmålen för el- och energiprogrammet syns det i skrivningar om att eleverna ska få kunskaper om hur de kan bidra till yrkets, företagets och samhällets utveckling

Waa ognahay inay caruurta iyo dhalinyaradu doonayaan inan dadka waaweyn u noqdaan kuwo ay wanaag iyo wax fiican uga daydaan markay noqoto sidii isticmaalka internetka cimilo

Teoreticky rozbor prece zerovefi piedstavuje dobni piehled solgel procesu pro piipravu tenhich vrstev a infromaci relevantnich k ovlivn€nl Wslednych vlastnostl

Haddii ay jirto baahida loo qabo cunto khaas ah oo ay ugu wacan tahay xajiinta cuntada iyo cudurrada kale ee la xiriira cuntada iyo astaamaha waa in sidaas oo kale uu caddeeyo

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan tallaalka, fadlan la xiriir xarunta xiriirka ee waaxda caafimaadka Gobolka Blekinge 0455-73 10 91.. Xarunta xiriirka ayaa furan inta

• Wac xarunta xiriirka ee waaxda caafimaadka Gobolka Blekinge 0455-73 10 91 inta u dhaxaysa saacadaha 08.00-12.00 maalmaha shaqada si aad u hesho caawimaad buuxinta

Waan ka xunaahay waa noo suuragali weyday inaan canugaaga talaalno sababahaan dartood:. Sugnaanta caafimaad laguma soo