Patientinformation
Kontakta oss
Telefon 0455-73 10 00
Sjukvårdsrådgivning på telefon 1177
www.ltblekinge.se 1177.se/blekinge landstinget.blekinge@ltblekinge.se
Somaliska MRSA
MRSA – nooc ka mid ah baakteeriyada sida weyn u adkaysiga badan
Baaritaan la kaydiyay oo aad lahayd ayaa laga helay baakteeriyada sida weyn ugu adkaysiga badan qaar ka mid ah antibayootikada diyaarsan, waxa lagu magacaabo MRSA.
Waa maxay MRSA?
MRSA micnaheedu waa meticillinresistenta Staphylococcus Aureus. Staphylococcus aureus (S.
aureus) waana baakteeriya caadi ahaan laga helo maqaarka iyo xubnaha jilicsan ee qayb weyn oo ka mid ah dadweynaha. Dadka waaweyn 80 % mararka qaarkood waxay yihiin sidayaasha S.
aureus, qiyaasti 20 % ka mid ahina si joogto ah ayay u sidaan baakteeriyadan oo ku jirta sankooda.
Waa caadi in la ahaado sidaha baakteeriyadan iyadoo aan la xanuusan, laakiin waxay mararka qaarkood sababi karaan infekshano nabaro ah, dhullax/soo bax ama infekshano kale oo khatar ah. Baakteeriyadan waxay si gaar ah u ”jeceshahay” marka maqaarku dhaawacmo ama ay jiraan alaabooyinka sida tusaale ahaan tuumbada kaadida qaada.
Farqiga u dhaxeeya S. aureus caadiga ah iyo MRSA waa in MRSA ay si weyn u adkaysi badantahay (iska caabiso) noocyo ka mid ah antibayootikada, tani waxay keentaa in infekshan leh MRSA ay adkaan karto in la daweeyo. Haddii aad tahay sidaha MRSA oo aanad xanuusanayn ma lagaa daweynayo.
Sidee ayay u faaftaa MRSA?
Qofka ah sidaha MRSA waa dhif iyo naadir inuu ku qaadsiiyo dadka kale. Balse haddii qofku leeyahay nabar, cambaar ama infekshanada maqaarka waxa korodha khatarta in la qaadsiiyo dadka kale. Markaasi waxa la yidhaahdaa in qofku uu leeyahay xaalado khatar ah. Xaaladaha khatarta ah waxa xisaabsan xitaa haddii qofku leeyahay tuumbada kaadida ama tuumbada xiriirisa mindhicirka iyo caloosha. Meelahan waxa badanaaba ku urura baakteeriya badan.
Stafylokocker caadiga ah iyo MRSA labaduba waxay faafi karaan xilliga daryeelka ka dhaca
isbitaal, hoyga gaarka ah iyo rugaha daryeelka bukaanka ee kale. Faafintani xitaa waxay ka dhacdaa gudaha bulshada.
MRSA aad ayay caadi uga tahay daryeelka bukaanka ee dalal kale oo badan. Sidaas darteed way weyntahay khatarta in la qaado xilliga la xiriirka daryeelka bukaanka ee dalka dibediisa.
Maxay tahay in MRSA side ahaan laga fikiro?
Waa inaad mar kastaba u feejignaataa nadaafada gacmahaaga.
Ka fikir inaad isticmaasho tuwaal gaar kuu ah iyo alaabta suuliga/musqusha oo gaar kuu ah.
Haddii aad leedahay nabar ama cambaar waa inaad iska ilaalisaa hawlo jidh-ahaan ah dhinaca meelaha lagu tababarto ee dadweynaha ka dhaxeeya.
Haddii aad leedahay arrimaha khatarta ah (nabar, cambaar ama infekshanada maqaarka, tuumbada kaadida, tuumbada isku xiriirisa mindhicirka iyo caloosha) ka fikir inaad:
Rushaashada ku qubeyso intaad ku dabaalan lahayd sixninga qubeyska ama barkad
Wixi nabar ah ee jira ku dabool balastar oo baddel balastarka haddii dheecaan ka soo baxo
Haddii aad leedahay tuumbada kaadida qaada ku sido dharka hoostooda
Mar kasta gacmaha dhaq ka dib marka aad taabato tuumbada kaadida qaada ama nabar Haddii aad ka fikirto waxa kor ku qoran si caadi ah ayaad ula kulmi kartaa dadka kale.
Nidaamyada lagu dhaqmayo sida ku cad sharciga ka hortaga faafinta
MRSA waa waajib in wargelin lagu sameeyo sida ku cad sharciga ka hortaga faafinta oo adiga waxa waajib kugu ah inaad raacdo talooyinka iyo nidaayada lagu dhaqmayo kuwaas oo
dhakhtarkaagu ku siinayo iyo in la yimaado booqashooyinka lagu qaadayo baaritaanada hubinta ee dhakhtarkaagu kuu balamiyay.
Waa inaad ka qayb-qaadato raad raaca faafinta oo sheegtaa inaad qabto MRSA marka aad helayso daryeelka bukaanka, daryeelka ilkaha ama daryeelka cagaha ee daweynta leh.
Waxa aad loo jecelyahay in la sugo samaynta sida daloolinta jirka, in jidhka sawiro lagu sameeyo, masaajaynta iyo wixi la mid ah ilaa qofku noqdo mid aan lahayn arrimo khatar ah.
Miyaa qofka ay ka baa’bii kartaa?
Haa. Haddii muddo hal sanno ah aad heshay ugu yaraan saddex shay-baar oo waxba laga waayay oo aanad lahayna waxyaabo khatar ah waxa dhakhtarku uu meesha ka saari karaa sii waditaanka baaritaanada iyo nidaamyada ku dhaqanka. Inta ay leegtahay wakhtiga ay tani qaadanayso waa mid aad u ah shakhsiyan.
Caruurta joogta dugsiga ama dugsiga xanaanada
Caruurtu way joogi karaan dugsiga xanaanada oo ka qayb-qaadan karaan dhamaan hawlaha ilaa inta aanay lahayn wax arrimo khatar ah. Haddii ay jiraan waxyaabo khatar ah waa in ilmuhu guud ahaan joogo guriga. Ma jirto wax waajib wargelin ah oo ku aadan shaqaalaha dugsiga xanaanada.
Caruurta ku jirta dugsiga ma jiraan waxyaabo xaddayn ahi marka laga reebo nidaamyada ku dhaqanka ee si gaar ah qofka loo siiyay. Iyadoo lala tashanayo dhakhtarka daweynta waxa la qiimeeyaa haddii iyo qofka wargelinaya daryeelka caafimaadka ee dugsiga. Shaqaalaha kale ee dugsiga ma loo baahna in la wargeliyo.
Waa waalidka mas’uuliyadooda in la raaco nidaamyada lagu dhaqmayo.
Haddii aad hayso su’aalo dheeraad ah ka dib akhrinta macluumaadkan waxaad la xiriirtaa
kalkaalisada caafimaad ee mas’uulka ka ah MRSA ee joogta Isbitaalka infekshanada iyo maqaarka, tel. 0455-73 10 67 .