• No results found

Gymnasist elevhalsan 2021 Somali

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Gymnasist elevhalsan 2021 Somali"

Copied!
20
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

- in nolosha la maareeyo marka xadka u dhaxeeya dha- linyar iyo qof weyn lagu jiro

Macluumaad

ka socda caafimaadka ardayda kuna socda masuulka/

daryeelaha

(2)

Caadooyinka nolosha ee

wanaagsan ayaa faraq keena

In la caafimaad qabo ayaa dadka oo dhan muhiim u ah si looga hortago istareeska xun iyo xanuunada dhimirka.

Waxa muhiim ah in la yeesho nidaamyo waxqabad oo joogto ah oo wanaagsan si caafimaadka kor loogu qaado, marka laga eego dhinacyada hurdada, cuntada iyo jimicsiga khuseeya, taas oo aynu ku caafimaadno, keentana inaynu si ka wanaagsan nolosha ugu guuleysano. Waxa bulshada maanta aynu la kulanaa saameyno iyo signaalo badan oo baraha bulshada soo maraaya kuwaas oo inagana si wanaagsan iyo si xunba inoo saameeya. Gaar ahaan inta aynu ku jirno sannadaha dugsiga sare markaas oo ay dhallinyarada cadaadisyo dhinacyo badan kaga yimaadaan kuwaas oo soo maraaya asxaabta, baraha bulshada iyo xaaladaha dugsiga la xiriiraa uu soo food saaro. Halkan waxa dhamaanteen ina saaren masuuliyad iyo hawl guud oo aynu dhalinyarteena ku taageereyno si ay ugu helaan nolol caafimaad leh markaas oo ay jiraan waxyaalo kala duduwan oo la kala dooranaayo oo mustaqbalkooda saamayn ku yeelan kara. Waxa dhamaan ardeyda fasalka 1 loo soo bandhigayaa wadahadalka caafimaadka oo ay kalkaalisada dugsigu bixineyso.

(3)

Caadooyinka wanaagsan

iyo caafimaad wanaagsan ayaa badiyaa keena

darajo wanaagsan oo waxbarashada

laga gaaro.

3

(4)

• Jimicsi maalinle ah iyo hawo cusub (hawo faresh ah)

• Isa soo deji intaadan sariirta aadin

• Ka taxadir iftiinka buluuga ah ee shaashada hal saac ka hor inta aanad sariirta aadin

• Moobaylka gee xaalada diyaarada

• Iska ilaali sonkorta, cabitaannada maadada qaxwaha ku jirta ee kafeyiinta leh ama waxyaabaha kale ee ku kiciya xilliga jiifka ka hor

• Qolka ka dhig mid qabow oo mugdi ah ilaa iyo inta ay taasi suurtogal tahay

Talooyinka hurdada:

(5)

Hurdo

Hurdada ayaa ka muhiimsan siday dhalinyar badani u arkaan. Waxay dhalinyartu u baahan yihiin inta u dhaxaysa 9 ilaa 10 saacadood habeen kasta iyadoo ay hurdada wanaagsani caafimaadka daruuri u tahay.

Waxa dhamaanteen ina maamula saacada jidhka. Saacada jidhku way u kala duduwan tahay dadka kala duwan laakiin farqiga u dhaxeeya ayaa aad u yar.

Waxa dadka intooda badani hurdada ugu fiican helaan inta qiyaas ahaan saacada 22 iyo 07 u dhaxaysa. Jirka iyo maskaxdu waxay caafimaad wanaagsan ka helaan nidaam waxqabad oo joogto ah marka laga eego xilliyada cuntada iyo caadooyinka hurdada. Haddii ilmahaaga dhalinyarta ah uu hurdada dhibaato kala kulmo ayay fiican tahay in baaritaan lagu sameeyo sida uu nidaamka habeenkii iyo maalintii u eeg yahay.

Hurdada wanaagsan

ayaa nolosha daruuri u ah

5

(6)

Jimicsiga la sameeyaa

– ayaa ah

jimicsi

(7)

Jimicsiga iyo cuntada

Waxay hurdada wanaagsan wada socdaan cuntada iyo jimicsiga. Jimicsiga joogtada ah iyo dhaqdhaqaaqu waxay kor u qaadaan caafimaadka maskaxda iyo ka jidhka labadaba iyo xitaa in wax la barto.

Waxa uu jidhku aad ugu caafimaadaa qaadashada raashinka ee joogtada ah ee ka kooban quraac, qado, casho iyadoo ay fiican tahay in laba jeer cunto fudud la cuno. In la helo isku dheellitir u dhaxeeya jimicsiga iyo qaadashada raashinka ee joogtada ah ayaa khatarta uu istareeska xumi ku imaaneyo dhimeysa.

• Jimicsiga aan xoog waxba loo sameyneynin iyo jimicsiga muddada dheer la sameeyo, sida lugta, guclaha iyo dabaasha ayaa saameyn wanaagsan hurada ku keena.

• Jimicsiga kordhiya garaaca wadnaha ee awooda jidhka kor u qaada ayaa ah daawada ugu fiican ee istareeska lagaga hortago.

7

(8)

Baraha bulshada

Baraha bulshadu ayaa maanta ah qeyb weyn oo nolosha dhalinyarta ka mid ah. Hadda marka uu kombiyuuterku noqday aalad shaqo oo muhiim ah ayay arday badan u tahay wax soo jiidanaaya/aan la iska qaban karin inay tusaale ahaan baraha bulshada ama wax kale isticmaalaan isla marka uu barahu wax sharaxaayo.

Bulshada maanta ayaynu wax ka sii badan caadeysanay inaynu waxyaalo badan isla hal mar wada qabano sida in laga jawaabo emaylada, baraha bulshada saaxiibada lagula xiriiro iyo in isla markaana kombiyuuterka lagu qabto tusaale ahaan shaqada dugsiga. Waxa taas loo yaqaanaa dhowr wax hal mar wada qabasho. Dhowr wax hal mar wax wada qabadhadu waxay aad ugu fiican tahay qaxyaalaha fudud ee joogtada loo qabto , laakiin waxay saameyn xun ku leedahay awooda waxqabadkeena.

dhowr wax- mar wada

qabasho

(9)

WAXA HALKAN LA SOCDA DHOWR TALO OO KU WAJAHAN DHALINYARTA, TALOOYIN AYNU OGNAHAY INAY WAX KU OOL YIHIIN:

• Maskaxda u ogolow inay hal shay markiiba maareyso markaad sharaxaada baraha dha- gaysanayso ama markaad kaligaa shaqada dugsiga fasalka ka shaqeynayso- ku qabanay- so – meel iska saar moobaylka

• U ogolow inay maskaxdu ahmiyada saarto lay- liga oo moobaylka meel kale iska dhig

• Ku dadaal inaad is bartid inaad telefoonka meel iska dhigto dhowr saacadood maalin kasta – xilliga subaxdii ama muddo xilliga ga- linka danbe ah

9

(10)

ANDTS – khamro, mukhaadaraad, maadada daroogada ee awooda jidhka kor u qaada (doping-ka), tubaakada, khamaarka

Markaa nolosha qof weyn ahaan lagu sii socdo ayaa xiisaha waxwalba ogaanshahu badan yahay si khibrado cusub loogu tijaabiyo.

Xilliga dugsiga sare lagu jiraa waa wakhti nolol ahaan dhacdooyin badan leh iyadoo u kala wareeg dugsiga hoose laga gudbaayo ee dugsiga sare la galaayo ay micnaheedu tahay xiriiro iyo fursado cusub, markaas oo ay dhalinyaradu saaxiibo cusub la kulmaan oo ay shabakado xiriiro oo cusub sameystaan. Waxa uu xilligan lagu jiro ee noloshu soo bandhigaa xaflado iyo nolosha cawayska.

Waxay noqon kartaa in qofka dhalinyarada ahi uu dhex joogo meel ay tubaako, khamri iyo daroogo taalo, inkastoo oo aynu ognahay in baahida in la tijaabiyo ay tahay mid shakhsi ahaaneed. Waxay taasi adiga masuulka ah kuu keeni kartaa walwal iyo caqabado

In masuulku xiiso u muujiyo oo su'aalo weydiiyo iyadoo aan la xukumeynin ayaa kordhisa fursada uu qofka dhallinyarada ahi uu fikradahiisa iyo dareenkiisa ku sheegaayo. Marka adigu ka masuul ahaan aad dhexgasho xaqiiqada dhalinyarada, ayay kuu dhibyaraan kartaa inaad fahanto falcelimaha iyo hab dhaqanka.

(11)

WAXAY TANI NOQON KARTAA WAX LAGA

FIKIRO:

• Waxaad helaysaa aqoontaada ku saabsan khamrada iyo daroogada

• Waxaad guriga kaga wada hadlaysaan waxyaalaha ku

saabsan khamrada iyo daroogada

• Waxaad ka warhaysaa haddii uu adiga dhowr iyo toban jiradu si ka duwan ayay u dhaqmaan

• ldinka masuulka / daryeelaha ah ayaa iska caawinaaya geynta iyo soo qaaditaanka markay xaflad jirto

Cadaadiska kooxda

ayaa aad u weyn

11

(12)

Masuuliyada dugsiga - ANDTS

"Sida ku dhigan Sharciga dugsiga iyo manhajka waxbarashada, ayay dhammaan carruurta iyo ardaydu xaq u leeyihiin inay helaan bay'ad dug- siga oo caafimaadka kor u qaadaysa oo aan sigaarka lagu cabin oo ay ka dhex muuqdaan xiriir wanaagsan oo lala leeyahay jaalayaasha iyo baray- aasha. Waxayse sidoo kale xaq u leeyihiin waxbarasho halkaas oo arrimaha la xiriira tubaakada, khamriga iyo maadada daroogada ee awooda jidhka kor u qaada (doping-ka) lagu daro maadooyinka kala duwan si loogu helo sawir isku xiran oo arimahan ku sabsan. Maamulaha ayaa leh masuuliya- da guud ee habeynta, hoggaaminta iyo dabogalka shaqada. Caafimaadka ardeyga ee la soo ururiyey ayaa wax ku biirin karaa aqoontiisa takhasuska leh. Wadashaqeynta lala leeyahay daneeyayaasha kale ayaa laga yaabaa in xaaladaha qaar khuseyso."

Skolverket (wasaaradda waxbarashada)

Waxa uu ururka dugsiga sare ee Kalmarsund ka shaqeeyaa ka horta- ga sida waafaqsan istaraatiijiyadaha qaranka iyo kuwa gobol ahaan ee ANDTS-ta. Waxay taasi micnaheedu tahay inay dugsiyadu ka shaqeeyaan hawlo la wadaago iyo mararka qaarkood waxqabadyo kala duduwan.

Haddii aad xiisaynayso inaad wax badan ka ogaato waxaanu qabano soo gal markaas ururka dugsiyada sare boggooda oo ka akhriso xeerakayaga.

Sharci ahaan sigaarka waa ka mamnuuc

bay'ada

dugsiga.

(13)

Linkiyada ku siin kara aqoon dheeraad ah:

1177

www.1177.se

UMO

www.umo.se

Gargaarka koowaad ee dhibaatooyinka

khamaarka www.stodlinjen.se

Centralförbundet för alkohol- och narkotikaupplysning

www.can.se

”Ung livsstil”

– loogu talogalay waalidiinta

Linkiga Ung livsstil waxay ku wajahan tahay ardayda iyo waalidiinta iyo dugsiyadaba www.unglivsstil.se/foraldrar/

Xogta – Drugsmart

www.drugsmart.com/fakta

13

(14)

Joogitaanka casharada

Waxa muhiim ah in dhalinyarta la siiyo aragti khuseysa qiimaha in dugsiga la joogaa iyo in si firfircoon casharada looga qaato uu leeyahay. Joogitaanka ayaa shardi u ah in darajo wanaagsan waxbarashada laga keeno. Shaqooyin badan iyo layliyo ayaa dugsiga lagu dhex sameyn karaa.

Waxay sidoo kale dhimeysaa khatarta istareeska xun.

Gunada waxbarasho ee CSN laga helo ayaa waxa shuruud u ah in dugsiga laga soo xaadiro. Haddi maqnaanshaha lagu soo celceliyo waa inuu dugsigu taas ku wargaliyaa CSN-ta, kuwaas oo go'aan ka gaari doona in deeqda waxbarashada la goosto oo la iska dalbado in lacagta dib loo soo celiyo. FIIRO GAARA! Marka CSN-ta la iska goosto ayay saamaynaysaa fursada uu qoysku ku helaayo kabista kirada, lacagta hawlgabka carruurta iyo kaalmada dhaqaale oo la siiyo carruurta la nool mid ka mid ah labadiisa waalid (underhållsbidrag) ee la sii dheereeyay ee försäkringskassan laga helo. Qofka masuulka ah iyo dhalinyarta ayaa macluumaad iyo aragti guud oo ku saabsan joogitaanka, maqnaanshaha iyo jedwalka helaaya iyadoo la soo maraayo nidaamka maqnaanshaha ee ururka Skola24. Si aad adiga masuulka ahi aad ugu hesho fariinta ku saabsan maqnaanshaha waa inaad ku soo gashaa macluumaadka xiriirka ee hadda ku jira Skola24. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad kuwaas ka helayso iyo sida aad sameynayso waxay ku jiraan bogga interneta ee ururka dugsiyada sare ee Kalmarsund.

(15)

Haddi maqnaanshaha lagu soo celceliyo

ayuu dugsigu CSN warqallinayaa

maqnaanshaha.

Xasuusnow in Skola24

aad galiso macluumaadkaaga xiriirka ee wakhtigan

xaadirka

15

(16)
(17)

Farsamada/xeeladda waxbarashada

Waxaanu sidoo kale sheegeynaa faa'iidada ay leedahay farsamada wanaagsan ee waxbarashadu. Taas ayaa qof kastaa ku tabobaran karaa Inuu ardaygu kasbado hab wa- nagsan oo uu wax ku akhristo/dhigto ayaa ah masuuliyad isaga u gaar ah, laakiin dugsiga iyo guriga ayaa siin kara talo, taageero oo saamayna ku yeelan kara.

Waxyaalaha waxqabadyada muhiimka ah ee dugsiga laga helaa waa macalimiin gaar ah iyo barayaasha habka waxbarashada ee gaarka ah. Dugsiga sare ayaa shuruuda la iska rabaa sii kordhayaan iyadoo sidaas awgeedna qorshaha wanaagsan iyo qaab dhismeedka waxbarashadu uu sidaas darteed yahay wax aad u lama huraan ah. Waxay sidoo kale khuseyn kartaa ardayda u aragta inay sahlaneyd in shahaado wanaagsan dugsiga hoose la qaato iyadoo aan dadaal badan la sameynin.

Waxa jira taageero

laga heli karo internedka:

”Orka plugga”

www.ur.se/orkaplugga/

17

(18)

Ergonomi (barashada sida ay u shaqeeyaan qaybaha jidhku marka dadku ay shaqaynayaan)

Jidhkeena - murqaha iyo maskaxda - ayaan loogu talogalin fadhiga iyo daawashada joogtada ah ee shaashadda. Sidaa darteed waa inaynu baranaa sida saxda ah ee aynu jidhka u isticmaaleyno oo aynu dhaqdhaqaaq ahaan waxyaalo kala duduwan ugu sameynayno si aanu jidhka dhaawac ugu soo gaadhin. Waxa halkan laga halayaa waxoogaa talo ah oo jidhka iyo wax ahmiyad saaaritaankaba saameynaysa.

Kala duwanaansho-20

• U kala bedbedel sare joog iyo fadhi kolba 20 kii daqiiqaba.

• U kala bedbedel inaad meel dhow iyo meel shaas hada ka fog eegto.

• U kala bedbedel inaad gacanta midig iyo ta bidix markaad moobaylka isticmaaleyso.

Vinkel-20

• Masaafad isku jirsii shaashada taas oo ugu yaraan 65 mitir ah

• Libiqso marar joogto ah oo wakhti u kala dhaxeeyo.

• Ka fikir qaabka jidhkaagu yahay.

• Had iyo jeer madaxaaga dhib xagal 20-degree aad ka aragto.

Dhaqdhaqaaq-20

• Jidhka kala bixi, garbaha war wareeji.

• Gacmaha u qaad kor, dibada, horey.

• Aad meesha, jilbaha laab.

• U dhaqaaji horey, gadaal, dibada, gudaha, iyadoo madaxu dhexda ku jiro (debcsan).

Kala bedbedel booskaaga

shaqada

Samee jimicsiyada

biririfta

(19)

Macluumaadka xiriirka

Shaqaalaha caafimaadka ardayda ayaad ka helaysaa bog- ga internetka ee dugsiga ay khuseyso:

Jenny Nyströmskolan

Smålandsgatan 25, Box 804, 391 28 Kalmar Tel. 0480-45 17 00

www.jennynystromskolan.se www.gyf.se/gymnasiesarskolan jennynystromskolan@gyf.se

Lars Kaggskolan

Lorensbergsgatan 56, Box 832, 391 28 Kalmar Tel. 0480- 45 16 00

www.larskaggskolan.se larskaggskolan@gyf.se

Stagneliusskolan

Fredriksskansgatan 5, Box 824, 391 28 Kalmar Tel. 0480-45 15 30

www.stagneliusskolan.nu stagneliusskolan@gyf.se

Ungdomsmottagningen Kalmar

La taliye 0480-45 15 12 Umulisada iyo Kalkaalisada Ungdomsmottagningen 0480-817 89

Nala soo xiriir

markaas ayaad taageero ku wajahan su'aalaha kala duwan

helaysaa!

19

(20)

2021

Caafimaadka ardaydu waxay halkan u joogaan ardayga

Waxay guud ahaan caafimaadka ardaydu ka shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka wanaagsan iyo sidoo kale inay meesha ka saaraan wixii caqabad ah iyo inay bixiyaan taageerada uu ardaygu u baahan yahay xilliga uu dugsiga sare ku jiro. Ardayda ayaa mar kasta lagu soo dhaweynayaa inay caafimaadka ardayga la soo xiriiraan kuwaas oo ka kooban kalkaalisooyin dugsi, la taliyeyaal dugsiga, barayaal habka waxbarashada oo gaar ah, macalimiin gaar ah iyo la taliyayaasha waxbarasho iyo xirfadaha. Waxa kooxda caafimaadka ardayda dugsiga qeyb ka ah maamulayaasha dugsiga. Helitaanka dhakhtarka dugsiga iyo dhakhtarka cilmi nafsiga ee dugsiga ayaa la heli karaa ka dib marka caafimaadka ardayga lala tashado. Macluumaadka xiriirka ee caafimaadka ardayda ayaad ka helaysaa bogga internetka ee dugsiga ay khuseyso:

gyf.se

References

Related documents

Familjecentrum Prisman waa goob kulan oo dadka waalidka noqon doona iyo kuwa leh carruurta da’doodu u dhaxayso 0–6 sanno jir.. Isla goob kaliya ayaa lagu bixinayaa adeegyo

Hey´adda caafimaadka dadwaynaha go´aankeeda waxaa la gaaray iyadoo laga eegayo waxa ilmaha u fiican, iyadoo loo arkay in qaadashada tallaalka dheefteeda ay ka badan halisaha ay

Soo bandhigida jadwalka ee labada waalid ee diiwaan geliyey maalmo kala duwan. Tusaale ahaan marka labada waalid ay haystaan jadwal maalin dhaaf ah inta lagu gudo jiro

Xusuusnow marka aad diiwaan galinayso maqnaanshaha cunuga firiitiidka leh inaad sidoo kale wargeliso dugsiga adigoo ku diinwaangalinaya Skola24... Dooro cunuga aad rabto inaad

Ujeedada laga leeyahay mashruucan waa inuu kaamilo shaqada xafiiska arimaha bulshada ee amaanada dumarka iyo ururada ka dhisan gobalka GGVV ee la shaqeeya dumarka loo

Carruur badan oo Iswiidhan ku nool, ayaa maalinka intiisa badan si joogta ah u fadhiya, waxaanu doonaynaa inaanu taasi wax

Xubnaha ayaa go'aamiya sida ururku u qabanayo howlahiisa una caawinayo inuu mas'uul ka noqdo hawlo kala duwan Tusaale ahaan, waxay noqon kartaa habeenkii ama maalmaha fasaxa

Haddii ay jirto baahida loo qabo cunto khaas ah oo ay ugu wacan tahay xajiinta cuntada iyo cudurrada kale ee la xiriira cuntada iyo astaamaha waa in sidaas oo kale uu caddeeyo