• No results found

Leysinka gawaarida yar-yar

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Leysinka gawaarida yar-yar"

Copied!
28
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Leysinka gawaarida yar-yar

U qalnaashada B

(2)

2

Waxay Hey’adda gaadiidku xirmadan qoraallada ah kugu siineysaa macluumaad ku aaddan waxa loo baahanyahay si leysin loo qaato, sida aad wax isu bari kartid, waxa imtixaanka darawalnimadu (imtixaanka nadariga) uu ka koobnaan karyo iyo waxa ay tahay in aad ka fikirtid inta aadan imtixaanka imaannin.

ULA JEEDDO

BILLAW

Dalbo oggolaasho gaari wadid

Ballanso waxbarasho hordhac ah Waxbarasho

hordhac ah

Waxbarashada darawalnimadu wey billaabaneysaa (imtixaanka aqoonta iyo waditaan)

Ballanso waxbarashada

khatarta Waqti fiican ballanso imtixaanka darawalnimada (imtixaanka aqoonta ah iyo imtixaan waditaan ah) Waqtiyo imtixaan waxaa la soo dhigayaa 11 Agoosto iyo wixii ka dambeeya.

Waxbarashada khatarta qeybta 1 iyo 2 Imtixaan darawalnimo

(imtixaanka aqoonta ah iyo imtixaan waditaan ah)

Waxbarashada imtixaanka aqoonta ah iyo waditaan ku tababarashada isku dhex wado

Waxbarashada imtixaanka aqoonta ah iyo waditaan ku tababarashada isku dhex wado Waxbarashada imtixaanka

aqoonta ah iyo waditaan ku tababarashada isku dhex wado

(3)

Waxbarasho waa muhiim

Inta aadan imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka ku ag sameyn Hey’adda gaadiidka (Trafikverket), waa in aad wax is bartid si aad u ogaatid waxa loo baahanyahay si loo noqdo darawal gaadiidka aamin ku ah, bey’adana wacyi u leh. Waa in aad sidoo kale heysataa oggolaasho gaari wadid. Taas waxaad ka codsaneysaa Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen).

Wax ka baro iskoolwiido, bare shibil ah ama isku darso labadaba.

Adiga ayaa doorashada iska leh.

Haddii aad qof shibil ah waditaanka ka baraneysid waxaad adiga iyo barahaaga labadaba u baahantihiin in aad qaadataan waxbarasho hordhac ah. Waxaad taas ku ag samemyneysaa iskoolwiido oggolaasho ka heysta Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen).

Dhammaadka waxbarashadaada waxaad ku qaadan doontaa waxbarashada khatarta qeybta 1 iyo 2. Waxbarashada khatarta waxaad ku ag qaadaneysaa cid waxbaridda oggolaasho uga heysata Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen).

Aqoontaada iyo awooddaada wax qabadka ku tababaro inta ugu badan ee aad awooddid. Waa sida wax walboo kale oo nolosha ka mid ah – si aad xariif u noqotid, una guuleysatid waxaa khasab ah inaad aad u tababaratid, waxna u akhrisid.

(4)

Imtixaanka aqoonta waxaad ku muujineysaa in aad leedahay aqoonta loo baahanyahay si loo noqdo darawal gaadiidka aamin ku ah.

Imtixaanka waditaankana waa in aad ku muujisaa in aad si ficil ah ugu dhaqmi kartid aqoontaas.

Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka labaduba waxay koontaroolayaan in aad gaareysid hadafka laga leeyahay imtixaannada darawalnimada u qalnaashada B.

Qorshaha koorsada ee u qalnaashada B (TSFS: 2011:20) waxaad ka heleysaa barta intarneetka ee Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen) www.transportstyrelsen.se

Waa muhiim in adigu ka darawal ahaan aad tihid qof amaan ah, una baraarugsan gaadiidka. Waa in aad saadaalin kartaa waxa ka dhici kara waddooyinka, waana in aad si sax ah uga fal celin kartid xaalad kasta oo timaada. In la haysto leysin waxay ka dhigantahay xurriyad, laakiin sidoo kalana mas’uuliyad.

Sii wado waxbarashada ilaa inta aad ka dareemeysid in aad diyaar u tahay in aad imtixaan sameysid.

Barahaaga fadlan ka codsatid in uu hubiyo aqoontaada inta aadan u imaannin imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadidda.

Imtixaanka waxaa lagu ag sameynayaa Hey’adda gaadiidka (Trafikverket).

Nasiib wacan!

(5)

Leysinnada dibadda, Swiidhan gudeheeda

Haddii aad gaari Iswiidhan ku waddid oo aad leedahay leysin laga soo saaray waddan kale oo dibadda ka ah Waddamada Iskaashiga Dhaqaalaha ee Yurub (EES) waxaad leysinkaas ku wadan kartaa hal sano ka dib marka aad Swiidhan deegaan ahaan isaga qortid.

Marka hal sano ay dhamaato waa in aad sameysid imtixaan aqooneed iyo imtixaan waditaan si aad u heshid leysin swiidhish ah.Haddii aadan Swiidhan ka diiwaan gashaneyn ma jirto wax xannibaad ah oo ku aaddan inta aad gaari ku wadan kartid leysin ajnabi ah.

Haddii aad heysatid leysin dibadda ah oo laga soo saaray waddan ka mid ah iskaashiga dhaqaalaha ee midowga Yurub (EES), waad kusii wadan kartaa gaari ilaa inta uu leysinku ka dhacayo.

(6)

1. Aqoonta xagga gaariga iyo xakameynta, tusaale ahaan:

• sida uu gaarigu u shaqeeyo iyo sida xaaladda waddadu ay u saameyso hannaanka waditaanka ee baabuurka

• khataraha imaan kara haddii gaarigu uusan u shaqeyneyn sidi ay ahayd in uu u shaqeeyo

• xiriirka ka dhexeeya farsamada waditaanka iyo hab-dhaqanka gaariga.

2. Bey’o, tusaale ahaan:

• sida siyaabaha kala duduwan ee gaadiidka loo doorto ay bey’ada u saameyn karaan

• sida aad baabuurka ugu wadi karti si aamin ah, bey’adana wacyi u leh.

3. Amaanka gaadiidka, tusaale ahaan:

• waxa ay ka dhigantahay in la muujiyo qiimeyn wanaagsan marka lala ciyaar-wadaagayo iyo gaadiidleyda kale

• sida aad xaaladaha kala duduwan u waafajineysid xawaaraha, boos qaadashada xaaladaha kala duduwan

• sida xaaladaha kala duduwan ee waddada iyo jawiga waddadu ay u saameynayaan hab-dhaqanka darawalka iyo amaanka gaadiidka.

4. Xeerarka gaadiidka, tusaale ahaan:

• calaamadaha waddada, calaameynta waddada, xawaaraha, kulamada iyo baasitaanka, xamuulka, rakaabka iyo mas’uuliyadaha ku aaddan gaadiidleyda kale.

5. Duruufo shakhsi ahaaneed, tusaale ahaan:

• sida dawada, khamriga, daroogooyinka kale, cadaadiska iyo daalku u saameynayaan habdhaqanka darawalka

• sida gaari wadiddu ay waqtiyo kala duwan u saameyneyn karto hab-dhaqanka darawalka iyo amaanka gaadiidka

• sida cadaadis-kooxeedku uu u saameyn karo hab-dhaqanka darawalka iyo amaanka gaadiidka.

Imtixaanka aqoonta ee loogu tala galay u qalnaashada B

Imtixaanka aqoonta waxay cabbireysaa in aad leedahay aqoonta loo baahanyahay si loo noqdo darawal gaadiidka aamin ku ah, bii’adana wacyi u leh.

Imtixaanku wuxuu cabbirayaa aqoontaada ku aaddan shan meelood:

(7)

Sawir isaga qaadidda Hey’adda gaadiidka agteeda

Inta aadan sameynin imtixaankaaga aqoonta waa in aad sawir isaga qaaddaa Hey’adda Gaadiidka Imtixaanka darawalnimada (Trafikverket Förarprov) agteeda.

Haddii aad isi sawiri doontid isla maalinta aad geleysid imtixaanka, waa in aad timaadaa ugu yaraan 30 daqiiqo inta uusan imtixaanku billaaban. Xasuusnaw in aad soo qaadatid dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya.

Sidan ayuu imtixaanka aqoontu u dhacayaa

Imtixaanka aqoontu wuxuu ku billaabanayaa in aad daawatid filin tilmaamaya sida uu imtixaanku u dhacayo. Filinku wuxuu jiraa isagoo loo turjumay afaf fara badan. Waxaad xitaa, inta aadan imtixaanka u imaannin, ka daawan kartaa filinka: www.trafikverket.

se/kunskapsprovb

Inta uusan imtixaanku billaaban waa in aad caddeysaa in aadan qish sameyneynin iyo in aadan cid ku caawineynin in ay qish sameyso.

Imtixaanku wuxuu ka koobanyahay 70 su’aal, laakiin 65 ka mid ah oo keliya ayaa natiijada lagu tirinayaa. Taas sababteedu waxaa weeye in 5 su’aalood ay yihiin su’aalo tijaabo ah oo la qiimeyn doono. Ma arki kartid su’aalaha ah su’aalo tijaabo ah kuwa ay yihiin. Waa in aad 52 su’aalood si sax ah uga jawaabtid si aad imtixaanka ugu baastid. Waqtiga imtixaanku waa 50 daqiiqo.

Shardiga waraaqaha aqoonsiga

Marka aad imtixaanka imaaneysid waa in aad aqoonsigaaga ku xaqiijin kartid dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya (id-handling), halkaas oo uu sawirku si cad u muujinayo in aad adiga tihid.

Macluumaad ku aaddan nuucyada aqoonsi ee la isticmaali karo waxay ku jiraan www.trafikverket.se/korkort

(8)

Imtixaanka aqoonta ka bacdi

Imtixaanka ka bacdi si toos ah ayaad jawaab u heleysaa haddii aad imtixaanka ku baastay iyo haddii kalaba. Natiijada waxaan u direynaa

cinwaankaaga e-mailka. Natiijadu waxay xitaa ku jirtaa adeegga imtixaan ballanso ee bogga www.trafikverket.se/bokaprov

Natiijada waxaad ka arki kartaa inta sax ah ee aagagga kala duduwan ee maddooyinka aad ku heshay.

Imtixaan aqooneed oo lagu baasay wuxuu shaqeynayaa 4 bilood.

Imtixaankaaga aqoonta waa in aad ku baastid, si aad u geli kartid imtixaanka waditaanka.

Haddii aad ku dhacdid imtixaanka aqoonta waa muhiim in aad si fiican wax u sii akhrisid inta aadan gelin imtixaanka xiga ee aqoonta.

Imtixaan aqooneed oo luqado kale ah

Imtixaanka aqoonta ee loogu tala galay u qalnaashada B wuxuu jiraa isagoo luqado fara badan ah. Marka aad imtixaanka ballansaneysid ayaad luqad dooraneysaa.

Imtixaan cod leh

Haddii ay kugu adagtahay in aad wax akhrisid swiidhish ayaad su’aalaha ku dhegeysan kartaa. Haddii aad imtixaanka ku sameyneysid luqad kale oo aan swiidhish ahayn waxaad goor kasta oo ay tahayba inta imtixaanku socdo u beddelan kartaa swiidhish.

Imtixaan afka ah, oo leh waqti imtixaan oo yara dheer, turjumaan ama turjumaanka luqadda dhagoolayaasha

Waxaad xitaa codsan kartaa in aad imtixaanka afka ku sameysid, iyadoo lagu siinayo waqti yara ka dheer kuwa kale, oo leh turjumaan ama turjumaanka dhagoolayaasha. Foomka codsiga waxaad ka heleysaa bogga www.trafikverket.se

(9)

Imtixaanka waditaanka ee loogu tala galay u qalnaashada B

Marka aad sameyneysid imtixaan waditaan ah waa in aad muujisaa in aad si madax bannaan ficil ahaan ugu dhaqan gelin kartid aqoontaada si aad u noqotid darawal gaadiidka aamin u ah.

Aagaggaaga aqoonta ee la qiimeynayo waa:

Aqoonta xagga gaariga

• Waa in aad koontaroolid xagga ammaanka ah ku sameyn kartaa gaariga, tusaale ahaan koontaroolid ah xagga nalalka, taayarrada baabuurka, olyada matoorka, iyo in aad fahmi kartid khataraha imaan kara haddii gaarigu uusan u shaqeyn sidi ay ahayd in uu u shaqeeyo.

Xakameyn

• Waa in aad baabuurka xakameyn karto, tusaale ahaan si sax ah u adeegsan kartid fariinka, sheellaraha iyo farasoonaha.

• Waa in aad xakameyn kartid gaariga marka aad toos u waddid iyo marka aad leexaneysid.

• Waa in sidoo kale aad si dabiici ah dib ugu socon kartid, una baarkingareyn kartid.

• Waan in aad beddeli kartaa nidaamiyaha adigoo gaariga waddid, tusaale ahaan dheereyn kartid ama gaabin kartid kuleylka, isticmaalina kartid miraayad tirtirayaasha.

(10)

Gaari wadid bii’ada wacyi loo leeyahay

• Waa in aad gaariga u wadi kartid si qorsheysan, waxna ka soo hordhaceysa

• Waa in aad dooran kartid marshada ugu habboon xagga bey’ada iyo amaanka gaadiidka.

Xeerarka gaadiidka

• Waa in aad taqaannid xeerarka gaadiidka, si dabiici ahna u raaci kartid si isla-ciyaar-wadaagidda gaadiidleyda kale ay u shaqeyso.

Amaanka gaadiidka iyo hab dhaqanka

• Waan in aad baraarugsanaataa marka aad gaari kaxeyneysid, waana in aad waditaanka waafajisaa waxa kuu muuqda.

• Waa in aad taqaanno meesha, goorta iyo sida aad xaaladaha kala duduwan wax u fiirineysid.

• Waa in aad garan kartid, fahmina kartid khataraha jira ee xagga gaadiidka, una qorsheyn kartid waditaankaaga si aad diyaar u tihid xaaladaha saas u baahan.

• Waa in xawaarahaaga aad waafajin kartid aragtida iyo xaaladaha waddada.

• Waa in aad si cad boos uga qabsataa waddada, tusaale ahaan marka aad leexaneysid ama aad dhinac waddada ka dooraneysid.

• Waa in aad gaariga waddaa adigoo dhawraya masaafada amaanka ee ay tahay in leesu jirsado, tusaale ahaan aad ogtihid sida aad wax u waafajineysid masaafada ay gaadiidleyda kale iyo gawaaridu kuu jirto.

• Waa in aad si cad oo waqti fiican ah u muujiso meesha aad aadeysid adigoo adeegsanaya fareejooyinka.

(11)

Sidan ayuu imtixaanka waditaanku u dhacayaa

Imtixaan qaadaha ayaa ku billaabaya in uu ka warramo sida uu imtixaanku u dhacayo iyo waxa la qiimeynayo.

Haddii aadan aqoonnin swiidhishka waxaad daawan kartaa filin billawga hore ee imtixaanka. Filinku wuxuu jiraa isagoo loo turjumay afaf fara badan.

Waxaad xitaa, inta aadan imtixaanka u imaannin, ka daawan kartaa filinka: www.trafikverket.se/korprovb

Billaabidda ka bacdi waxaad sameyneysaa koontaroolid xagga amaanka ha. Markaas ka dib waxaad ugu yaraan 25 daqiiqo baabuurka ku wadeysaa waddooyinka magaalada iyo waddooyin miyiga ah, labadaba.

Waqti fiican ayaa lagu siinayaa macluumaad cad oo ku aaddan meesha aad gaariga u wadeysid. Haddii ay xaalad khatar ahi timaado taasoo uu imtixaan qaaduhu u baahanyahay in uu soo fara geliyo waa adiga saas oo ay tahay cidda loo arko darawalka oo leh mas’uuliyadda waxa dhacaya inta uu imtixaanku socdo.

(12)

Shardiga waraaqaha aqoonsiga

Isla sida imtixaanka aqoonta waa in aad muujisaa waraaqo aqoonsi oo shaqeynaya, halkaas oo uu sawirku si cad u muujinayo in aad adiga tihid.

Waa in aad sidoo kale caddeysaa in aadan leysin ka heysan waddan kale oo ka mid ah waddamada iskaashiga dhaqaale ee Yurub (EES).

Imtixaanka waditaanka

Imtixaanka darawalnimada waxaa loo qiimeynayaa si good ahaan ah, waxaadna jawaabta u heleysaa si toos ah marka uu imtixaanku dhamaado. Natiijo ku wargelinta waxaan xitaa u direynaa e-mailkaaga.

Natiijadu waxay xitaa ku jirtaa adeegga Ballanso imtixaan (Boka prov) ee www.trafikverket.se/bokaprov

Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka labadaba waa in lagu baasaa inta lagu jiro waqtiga afarta bilood

ah ee ay shaqeynayaan. Haddii kale waa in aad labada imtixaanba mar kale sameysaa.

Haddii aad ku dhacdid imtixaan waditaanka sharraxaad ayaa sababta lagaa siinayaa. Waa muhiim inaad aad u soo tababaratid inta aadan sameynin imtixaanka xiga.

(13)

Waxa uu imtixaanka waditaanku ka koobanyahay

Imtixaan qaaduhu wuxuu ku tusi doonaa qodobbada ka mid noqon kara imtixaanka waditaanka. Halkan waxaad ka arki kartaa qodobbada imtixaanku waxa ay ka koobanyihiin:

Kontoroolka ammaanka

Waxaad ka billaabeysaa in aad sameysid koontaroolid xagga amaanka ah. Waa in aad koontarooshaa wax ama dhawr waxyaabood oo ka mid ah qeybaha ka midka ah koontaroolidda ammaanka:

• iftiinka, fareejooyinka, iftiin soo celiyayaasha, iyo calaamadaha

• muraayado tirtirayaasha iyo biyaha miraayadaha

• xukumaha

• fariimanka

• taayarrada

• dareerayaasha, tusaale ahaan biyaha miraayadaha, biyaha raayatooraha, dareeraha fariinka iyo olyada matoorka

• nidaamka digniinta ee gaariga.

Marka amaanka la koontaroolayo waxaa lagu siinayaa tilmaamooyin cad-cad oo ku aaddan waxa aad koontarooleysid.

Haddii aad cillado gaariga ku aragtid waxaad soo jeedin kartaa tallaabooyin. Waa in aad si madax bannaan u koontarooshaa waxyaabaha kala duwduwan ee shaqeynaya. Haddii ay jiraan qeyb koontaroolka ka mid oo aysan suurta gal ahayn in kaligaa la sameeyo, imtixaan qaadaha ayaad caawimaad weydiisaneysaa.

Hab waditaan

Waxaad sidoo kale toosineysaa kursigaaga, madax taageeraha, isteeringka, miraayadaha leyska arko iyo suunka.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad leedihid hab waditaan oo aamin ah.

(14)

Si wax ku ool ah fariin u qabasho

Waxaa dhici karta in inta imtixaanku socdo aad sameysid si wax ku ool ah fariin u qabataa. Si wax ku ool ah fariin u qabashadu waxay ka dhigantahay in aad baabuurka ku joojineysid inta ugu gaaban ee suurta gal ah.

Imtixaan qaaduhu wuxuu ku siinayaa tilmaamooyin cad-cad oo qeybaha ku saabsan, wuxuuna kuu sheegayaa goorta waxa la sameynayo. Fariin qabashada waxaa la sameynayaa iyadoo xawaaruhu uu ugu yaraan yahay 50 km saacaddiiba. Xaaladda waddada ayaa u talisa xawaaraha aad fariinka ku qaban kartid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad gaariga ku joojin kartid sida ugu dhakhsi badan ee suurta gal ah marka ay xaalad degdeg ahi timaado.

Baarkingareyn

Waa in aad ku baarkigareysaa meel gawaarida la dhigto ama aadwaddada gadaal-gadaal gaariga ugu dhigtaa, adiga ayaana u sheegaya imtixaan qaadaha marka aad u aragtid in ay baarkingareyntu kuu dhamaatay.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida aad u xakameyneysid gaariga. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa sida aad gaariga u dhigeysid meesha loogu tala galay iyo masaafada aad gaadiidka kale u jirsaneysid.

Gadaal u bixid

Inta imtixaanku socdo gadaal ayaad u bixi doontaa. Imtixaan qaaduhu wuxuu ku siinaya duruufo cad-cad, tusaale ahaan meesha iyo inta aad gadaal-gadaal u soconeysid. Waxaad markaas heleysaa fursado fiicfiican oo aad ku qorsheysatid gadaal u wadidda.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa meesha aad waddada ka heysaneysid, sida aad wax walba ula socotid, ciyaar- la- wadaagiddaada gaadiidleyda kale iyo dadka lugeynaya iyo sida aad gaariga u xakameyneysid.

(15)

Dalcad ka kaxayn

Waxaa lagaa dalban karaa in aad gaariga ka kaxaysid meel dalcad ah ama meel daadeg ah.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad u baraarugsantahay, sida aad isugu dheelli tireysid sheellaraha iyo fariinka iyo farasoonaha iyo sida aad calaamad u bixineysid.

Leexasho

Imtixaan qaaduhu wuxuu kaa codsan karaa in aad leexatid inta imtixaanka waditaanku uu socdo. Waxay taasi noqon kartaa meel go’an ama meel aad adigu dooraneysid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad leexashada u sameyneysid iyo in ay aamin tahay xagga isu socodka gaadiidka.

(16)

Isticmaalidda nidaamiyayaasha

Imtixaan qaaduhu wuxuu kaa codsan karaa in aad isticmaashid ama beddeshid nidaamiyayaasha gaariga marka aad baabuurka waddid. Hawadu waxay sidoo kale noqon kartaa si aad adiga naftirkaagu u aragtid in ay khasab tahay in aad isticmaashid nidaamiyayaasha.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad u xakameyneysid gaariga iyo meesha aad waddada ka qabsaneysid.

Ka kaxaynta cirifka waddada

Imtixaan qaaduhu wuxuu kaa codsan karaa in aad gaariga ka kaxaysid cirifka waddada.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad gaariga uga kaxeyneysid cirifka waddada.

(17)

Dadka, baaskiillada iyo mootooyinka yar-yar

Inta imtixaanka waditaanku uu socdo waxaa dhici karta in aad la kulantid dad, baaskiillo iyo mootooyin yar-yar ama carruur ciyaareysa.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad xawaaraha wax u waafajineysid iyo sida aad khatarta wacyi ugu leedahay.

Haad gaari ku wadidda

Waxaa dhici karta in ay timaado xaalad ay haadad fara badan isku hal dhinac u wada jeedaan, halkaas oo ay tahay in aad haad ka dooratid adigoo ku xisaabtamaya sii socoshada safarka.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad haadka u dooraneysid iyo sida aad u muujineysid meesha aad u socotid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida aad xawaaraha waddada u waafajineysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa sida aad wax u waafajineysid masaafada gawaarida iyo meesha aad gaariga waddada uga wadeysid.

(18)

Waddo goyn

Waxaad mari doontaa noocyo kala duduwan oo waditaanno ah, halkaas oo ay xeerarka gaadiidka iyo xaaladaha muuqaalku ay kala duduwanaan karaan.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, u raaceysid xeerarka, wax uga sii hordhaceysid, diyaarna ugu tihid falalka cuscussub. Waxaa sidoo kale muhiim ah sida aad ula shaqeyneysid gaadiidleyda kale, u muujineysid waxa aad damacsantihid, calaamad u bixineysid iyo meesha aad gaariga waddada uga wadeysid.

Isgoysyada samaafaha leh

Inta uu imtixaanku socdo waxaa dhici karta in aad goysid isgoys leh samaafarooyin. Waxaa muhiim ah sida aad waditaankaaga wax u waafajineysid ilaa laga isgoyska, in aad sii saadaalin kartid xaalado kala duduwan oo aad diyaar tihid haddii calaamaduhu is beddelaan.

Imtixaan qaadaha ayaa qiimeynaya sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, baraarugsanaantaada iyo meesha aad waddada ka qabsaneysid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa sida aad ula ciyaareysid gaadiidleyda kale iyo sida aad u raaceysid xeerarka gaadiidka.

Haad beddelashada

UInta imtixaanka waditaanku socdo hal mar ama in kabadan ayaad beddelan kartaa haadka. Marka aad haad beddelaneysid waa muhiim in aad gaadiidleyda kale wada shaqeyn la sameysid, in aad

waditaankaaga qorsheysid iyo in aad si cad u muujisid halka aad u socotid. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad masaafo sax ah u jirsatid gawaarida kale.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada,. wada shaqeyna aad gaadiidleyda kale la leedihid, sida aad waditaankaaga u qorsheyneysid iyo sida aad si cad ugu muujineysid meesha aad aadeysid.

(19)

Isgoys wareegsan

Haddii aad mareysid isgoys wareegsan inta imtixaanku socdo waxaa muhiim ah waxaa muhiim ah sida aad ula shaqeyneysid gaadiidleyda kale, u muujineysid waxa aad damacsantihid, calaamad u bixineysid iyo meesha aad gaariga waddada ugawadeysid.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad raacdid xeerarka gaadiidka ee meesha khuseeya.

Baasitaanka gaari meel taagan

Inta uu imtixaanku socdo waxaa dhici karta in aad baastid gaari meel taagan, tusaale ahaan bas maxaddo taagan gawaari waddada dhinaceeda ku baarkingareysan. Waxaa muhiim ah in aad xawaarahaaga wax waafajisid iyo in aad sii saadaalin kartid dhacdooyinka kala duduwan.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad xawaaraha wax u waafajineysid iyo sida aad khatarta wacyi ugu leedahay.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, u dabbaqeysid xeerarka, wax uga sii hordhaceysid, diyaarna ugu tihid falalka cuscussub.

(20)

Gaari ku wadid xaafado aad loo degganyahay

Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi doontaa xaafado aad loo degganyahay oo leh xudduudo xawaare iyo jawi gaadiid oo kala duduwan.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, waddo boos ka qabsashadaada iyo baraarugsanaantaada. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada.

Waditaan madax bannaan oo meel u jeeda

Waxaa lagaa dalban karaa in aad si madax bannaan gaariga ugu waddid meelo loo gol leeyahay. Waxay noqon kartaa meel aad taqaannid, markaasna adiga ayaa waddada dooranaya. Waxay sidoo kale noqon kartaa meel ay tabbeellooyin tilmaamayaan.

Haddii ay dhacdo in aad meel khalad ah aaddid wuxuu imtixaan qaaduhu kaa codsan karaa in aad soo noqotid oo aad sii aaddid meeshi la rabay in la aado. Haddii aad adiga naftirkaagu ogaatid in aad meel khaldan aadday waad soo laaban kartaa waxaadna sii aadi kartaa meeshi la doonayay in la aado.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad calaamadaha u bixineysid, boos qaadashadaada iyo in aad tilmaamooyinka raaci karid. Waxaa sidoo kale muhiim sidoo kale in aad si fiican ula wada ciyaartid gaadiidleyda kale.

(21)

Gaari ku wadidda meelaha la dhisayo

Shaqooyinka waddooyinku waa wax caadi ka ah xagga gaadiidka.

Qaar waxay ku calaameysanyihiin calaamado waddo oo ku meel gaar ah si ay kaaga caawiyaan in aad ku mooddid sida ugu fiican ee suurta gal.

Haddii inta imtixaanku socdo aad martid meel shaqo waddo ka socoto wuxuu imtixaan qaaduhu qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada, baraarugsanaantaada, sida aad xaaladda u waafajineysid xawaaraha iyo u diyaarsanaantaada wax walba oo dhici kara. Imtixaan qaaduhu wuxuu xitaa qiimeynayaa la wada ciyaariddaada xagga gaadiidleyda kale iyo shaqaalaha dhismada waddooyinka.

(22)

Maridda isgoysyada gawaarida iyo/ama isgoysyada tareenka magaalada

Inta imtixaanka waditaanku uu socdo waxaa dhici karta in aad la kulantid waddo tareen ama waddada tareenka gudaha magaalada mara.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, khatar wacyi u lahaanshadaada iyo sida aad u raaceysid xeerarka gaadiidka.

(23)

Gaari ku wadidda waddooyinka yar-yar iyo/ama qalqalloocan

Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddooyin yar-yar, qalqalloocanne, oo leh xudduudo xawaare oo kala duduwan.

Waxay noqon karaan waddooyin jay ah ama waddooyin laami ah.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada, sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, baraarugsanaantaada, meesha aad waddada ka heysaneysid iyo sida aad ula shaqeyneysid gaadiidleyda kale.

Waddo haywey ah, waddo weyn iyo wax la mid ah

Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddo haywey ah ama waddo weyn halkaas oo xawaaraha ugu ba- dan ee lagu wadi karo uu yahay 120 km saacaddiiba.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa la wada ciyaariddaada gaadiidleyda kale, masaafada aad u jirsaneysid gaadiidka kaa horreeya iyo meesha aad haadka ka qabsaneysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad u isticmaaleysid dhabbooyinka waddada laga galo iyo kuwo looga baxo iyo sida aad xawaarahaaga wax u waafajineysid.

(24)

Ku leexo waddo miyi ah

Waxaad ka leexan kartaa waddo miyi marta oo leh xudduudo xawaare oo kala duduwan. Hawshaadu waa in aad qorsheyso, aadna si gaadiid ahaan aamin ah u leexatid.

Waxaa sidoo kale muhiim ah sida aad xawaaraha wax u waafajineysid, booska aad waddada ka qabsaneysid, in aad calaamad bixisid iyo sida aad waddada dhinaceeda u isticmaaleysid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, khatar wacyi u lahaanshadaada iyo la wada ciyaariddaada gaadiidleyda kale.

Meesha waddada miyiga laga galo

Waxaad gaariga ku wadi kartaa waddo miyi ah oo leh xawaare kala duduwan oo loo gooyay. Hawshaadu waa in aad qorsheyso, aadna si gaadiid ahaan aamin ah u gashid.

Waa muhiim in aad xawaaraha waddada waafajisid, meel sax ah waddada ka qabsatid, sii fiicanna u baraarugsanaatid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, xawaarahaaga, la shaqeyntaada gaadiidleyda kale iyo wacyi u lahaanshadaada khatarta.

(25)

Gaari ku kaxaynta waddo miyi ah

Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddooyin kala duduwan oo miyiga ah oo leh xudduudo xawaare oo kala duduwan.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida aad xawaaraha waddada u waafajineysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa sida aad wax u waafajineysid masaafada gawaarida kaa horreysa, meesha aad gaariga waddada uga wadeysid iyo sida aad u raaceysid xeerarka gaadiidka.

Baasitaan

Waxaa laga yaabaa in aad inta imtixaanka lagu jiro u baahatid in aad gaadid kale baastid. Waxaa muhiim ah meesha iyo goorta aad dooraneysid in aad baastid iyo sida aad baabuurka u xakameyneysid iyo sida aad calaamado u bixineysid.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida aad boos u qabsaneysid inta aad wax baaseysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu xitaa qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada.

(26)

Ka hor imaasho

Waxaa dhici karta in ay timaado xaalad kaaga baahan tallaabooyin iyo in aad wada shaqeyn la yeelatid gaadiidleyda kale. Waa muhiim in aad muujin kartid awooddaada ku aaddan qiimeynta khatarta gawaarida ka hor imaaneysa.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa awooddaada ku aaddan qiimeynta khatarta ee loogu tala galay tusaale ahaan, waafajinta xawaaraha ee waddada iyo meesha aad gaariga ku wadeysid marka loo eego gawaarida ka hor imaaneysa.

Aragti gaaban iyo mugdi

Mugdi, ceeryaamo, roob aad u xoog badan iyo qorrax hooseysa waa dhawr tusaale oo ka mid ah waxyaabaha aragtida saameyn kara inta imtixaanku socdo.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad khatarta wacyi u leedahay, booska aad waddada ka qabsaneysid iyo sida aad u isticmaaleysid nalka fuulka ah iyo nalalka caadiga ah. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo masaafada aad u jirsaneysid gawaarida kaa horreysa.

Xaalad waddo oo khatar badan, laguna siibanayo

Waxaa dhici karta in waddada lagu siibanayo marka aad imtixaanka sameyneysid. Siibashadu waxay ku xirnaan kartaa baraf cusub, baraf dhagaxoobay, waddo qoyan, dhoobo ama laami ay qorraxi shiishay.

Waxaa muhiim ah in aad waditaanka waafajisid xaaladda waddada.

Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad khatarta wacyi u leedahay, sida aad xawaaraha u waafajineysid xaaladda iyo meesha aad waddada ka qabsaneysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo masaafada aad u jirsaneysid gawaarida kaa horreysa.

(27)

Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadidda waa in aad ku muujisaa in aad leedahay aqoon kugu filan si aad u noqotid darawal gaadiidka aamin ku ah, bey’adana wacyi u leh.

Su’aalo xaaladda la waafajiyay

Imtixaan qaaduhu wuxuu dooran karaa in uu ku weydiiyo dhawr su’aalood oo la waafajiyay xaalado inti imtixaanka waditaanku uu socda lala kulmay.

Si fiican wax isu bar

nasiib wacanne!

(28)

Trafikverket, 781 89 Borlänge. Besöksadress: Röda vägen 1 Telefon: 0771-921 921. Texttelefon: 010-123 50 00.

www.trafikverket.se/korkort

IMTIXAAN BALLANSO

Isku hal waqti waad ballansan kartaa

imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka.

Waxaad mar walba ka billaabeysidaa in aad sameysid imtixaanka aqoonta. Waana in aad ku baastid si aad u geli kartid imtixaankaaga waditaanka.

Imtixaan aqooneed oo lagu baasay wuxuu shaqeynayaa 4 bilood.

Waxaan ku talineynaa in aad ballamaha imtixaanka aqoonta iyo imtixaan waditaanka qabsatid iyadoo ay dhawr usbuuc u dhexeyso.

Haddii aadan ku baasin imtixaanka aqoonta waxaad fursad u heysataa in aad dhawr jeer gashid imtixaanka aqoonta adigoo aan u baahan in imtixaankaaga waditaanka dib u dhigtid.

Adigaaga imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka sameynaya markii ugu horreysay waxaad mudnaanta koowaad u leedahay waqtiyada bannaan ee ugu horreeya.

Waxaa imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka ka ballansan kartaa

www.trafikverket.se/bokaprov ama adigoo la soo xiriiraya Adeegga macaamiisha ee Hey’adda gaadiidka Imtixaanka darawalka

(Trafikverkets Kundtjänst Förarprov) 0771-17 18 19.

Ballanso imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadidda - waqti fiican

ka hor!

SOMALISKA. TRAFIKVERKET. BESLLNINGSNR: 100916. APRIL 2020. UTGÅVA 2. PRODUKTION: FORM OCH EVENT. TRYCK: BRANDFACTORY. ILLUSTRATION: MATS BRKLUND PRODUKTION AB.

References

Related documents

Adiga oo kollay qalbiga ka jecel in aad daryeesho qofka buka, haddana mar ay noqotaba waxa aad u baahan doontaa caawimo.. Noo kaalay oo na baro oo arag caawimada aanu bixinno, waxa

Guriga joog haddii aad xanuusanayso Markaasi waxaad iska ilaalinaysaa inaad cudur ku faafiso dadka kale. Maadooyinka cudurka faafiya waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid

Su’aalo weydiinten aad sii buuxisey u sii qaado booqashada BVC, iyadoo awood u leh inay

Haddii in kastoo uu qofka dadka u qora qalabka caawimaaddu ka dalbaday aadan soo celin qalabka caawimaadda waxaa kugu waajibaya megdhaw. Qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda

• Wac xarunta xiriirka ee waaxda caafimaadka Gobolka Blekinge 0455-73 10 91 inta u dhaxaysa saacadaha 08.00-12.00 maalmaha shaqada si aad u hesho caawimaad buuxinta

Xusuusnow marka aad diiwaan galinayso maqnaanshaha cunuga firiitiidka leh inaad sidoo kale wargeliso dugsiga adigoo ku diinwaangalinaya Skola24... Dooro cunuga aad rabto inaad

Det går inte heller att lägga till egna invertrar eller moduler vilket gör att programmet är begränsande för mer avancerade simuleringar.. • System Advisor

Figur 6: solcellsmodulerna måste monteras så de är skyddade av åskledarna och avståndet mellan åskledare samt modul måste vara godkänd (DEHN Protects Photovoltaic systems).. Figur