• No results found

Waxa aad u baahantihid in aad ka ogaatid qalabka la kaashado

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Waxa aad u baahantihid in aad ka ogaatid qalabka la kaashado"

Copied!
3
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Macluumaadka xiriirka qofka dadka u qora qalabka

caawimaadda

____________________________

Magaca qofka dadka u qora qalabka caawimaadda:

___________________________________

Meesha shaqada:

______________________________

Tel nr:

________________________________

Daryeel helaha:

_________________________________

Saxiixa magaca

Macluumaadka xiriirka ee Xarunta qalabka caawimaadda Adeegga macaamiisha

tel. 0455 – 73 63 35

e-post: hjalpmedelscenter@ltblekinge.se

Cinwaan booqasho: Skrädderivägen 371 55 Karlskrona

Waxaa dib loo eegay 2016-04-22

Waxa aad u baahantihid in aad ka

ogaatid

qalabka la kaashado

(2)

Mas’uuliyaddaada

Qalabka caawimaadda waxaa loo isticmaalayaa si waafaqsan tilmaamaha lagu

bixinaayo waraaqaha tilmaamooyinka isticmaalidda iyo si waafaqsan

warbixinta qofka dadka u qora qalabka caawimaadda uu ku siinayo.

Qalab kasta oo la kaashado waxaa la socda mas’uuliyad ku aaddan xannaaneytiisa, nadiifinta iyo daryeelkiisa.

Waa adiga ama qaraabadaada/waalidkaaga

cidda mas’uulka ka ah qalabka caawimaadda inta lagu jiro waqtiga deynsiga.

Waa maamul gobaleedka Blekinge cidda iska leh qalabka caawimaadda.

Lama oggola in la iibiyo ama cid la deymiyo qalabka caawimaadda.

Haddii qalabka caawimaadda loo geysto burbur

aan caadi ahayn, waxyeello u gooni ah, la lumiyo ama la xado adiga ayuu

megdhaw kugu waajibayaa. Sidaas darteed waa muhiim in aad iska eegtid waxa ceymiskaagu kaa daboolayo.

U geynta qalabka caawimaadda waxaa ku jira rakibaad

qalab la isticmaalayo. Markaas ka dib daryeel helaha naftirkiisa ayaa

bixinaya kharashka ku aaddan:

 Beteriyada (A, AA, AAA, 9-folt iyo beteriyada saacadaha)

 Isbeer baartiga iyo maasgarada ku aaddan CPAP-ga

 Saxammada fiilooyinka korontada ku aaddan TENS-ga

Dayactirka dhaawacyada uu qalabka caawimaaddu ku keenay tusaale ahaan hareeraha deegaankaaga ma bixinayo maamul gobaleedku

ama degmadu.

Dhaawac ama dhumitaan

Xiriir la yeelo qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda haddii dhaawac, dhumitaan/xatooyo, shil/ dhaawac khatar ah ay ku yimaadaan qalabka caawimaadda.

Haddii ay xatooyo dhacdo waxaad ku wargelineysaa booliiska iyo shirkaddaada ceymiska.

Adeeg iyo dib u dayactir

Adeegga iyo dayactirku waa kuu lacag la’aan haddii

duugoobid caadi ah ay cilladdu ka timid. Ugu horreyn ahaan la xiriir qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda.

Waxaad xitaa la xiriir kartaa Adeegga xagga farsamada ee Xarunta caawimaadda

waqtiga taleefanka Isniin-Jimco 8.00 - 9.00, 13-00 - 14.00.

Waqtiyada kale waxaa jirta fursad ah in farriin looga tago taleefanka farriimaha qabta

tel. 0455 – 73 63 35 e-post: tekniskservice.hmc@ltblekinge.se Guurid

(3)

Haddii aad guureysid gudaha iyo dibadda gobalkaba waa in aad waqti fiican

ka hor inta aadan guurin la xiriirtaa qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda.

Haddii gobalka ka bannaanka loo guurayo xeer ahaan waa in qalabka caawimaadda

dib loo soo celiyo. Qalab caawimaad oo cusub ayaa laga heli karaa meesha uu deegaanka cusubi ku yaallo.

Haddii aad iska qaadatid qalabka caawimaadda iyaadoo aan cidna xiriir lala sameynin,

adiga ayaa mas’uul ka noqonaya in qalabka caawimaadda loo soo celiyo

Maamul gobaleedka Blekinge.

Soo celin

Haddii baahida loo qabo qalabka caawimaaddu ay dhammaato waa la soo celinayaa isagoo si fiican loo nadiifiyay. Haddii in kastoo uu qofka dadka u qora qalabka caawimaaddu ka dalbaday aadan soo celin qalabka caawimaadda waxaa kugu waajibaya megdhaw.

Qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda ama Xarunta qalabka caawimaadda kala xiriir,

tel. 0455- 73 63 35

References

Related documents

Adiga oo kollay qalbiga ka jecel in aad daryeesho qofka buka, haddana mar ay noqotaba waxa aad u baahan doontaa caawimo.. Noo kaalay oo na baro oo arag caawimada aanu bixinno, waxa

Carruur badan oo Iswiidhan ku nool, ayaa maalinka intiisa badan si joogta ah u fadhiya, waxaanu doonaynaa inaanu taasi wax

Guriga joog haddii aad xanuusanayso Markaasi waxaad iska ilaalinaysaa inaad cudur ku faafiso dadka kale. Maadooyinka cudurka faafiya waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid

Dawaada cadeyga ee ay ku jirto maadada Fluor waxaa ay ilkaha ka difaacdaa in uu soo gaadho dhaawac sidoo kale waxaa ay ilkaha u yeelaan quwad?. Talooyin fiican oo ku

Det går inte heller att lägga till egna invertrar eller moduler vilket gör att programmet är begränsande för mer avancerade simuleringar.. • System Advisor

Figur 6: solcellsmodulerna måste monteras så de är skyddade av åskledarna och avståndet mellan åskledare samt modul måste vara godkänd (DEHN Protects Photovoltaic systems).. Figur

• Einstein (1907) antog att elastiska vibratorer i fasta kroppar uppträder som harmoniska oscillatorer med kvantiserad energi: temperatorberoendet hos värmekapacitet. •

TMA372/MMG800: Partial Differential Equations, 2017–03–15, 14:00-18:00 Telephone: Mohammad Asadzadeh: ankn 3517.. Calculators, formula notes and other subject related material are