• No results found

Ku soo dhowow

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2022

Share "Ku soo dhowow "

Copied!
17
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

K u soo dho w o w Kiruna

(2)

Masugnsbyn Gällivare/Luleå

Fjällnäs Nikkaluokta

Narvik

Svappavaara Vittangi Kiruna

Riksgränsen Abisko

Övre Soppero Nedre Soppero

Karesuando Treriksröset

Kummavuopio Keinovuopio

Naimakka

Maunu

Mertajärvi Idivuoma

Kuttainen

Suijavaara

Saivomuotka

Vivungi Lainio

Kuoksu

Merasjärvi

Parakka Pilijärvi Lappesuando

Esrange Jukkasjärvi

Paksuniemi Kurravaara Krokvik

Kaalasjärvi Puoltsa Pirttivuopio

Rautas Rensjön Torneträsk Vassijaure

Björkliden

Norge

Nordkalottvägen

Kebnekaise

GÄLLIVARE KOMMUN

PAJALA KOMMUN

Finland

E10

E10

45 Lannavaara

Kiruna kommun

Invånarantal

Uptasped iorehenimin nulloreptae cus pe- les a sequodis digendu cienditat rerorem ariscias ea verspidunt alicil magnimodit, volo volupta tinustin con et eum sum endus re, sed evendem et pero mo ma Ut untibus ma quatia nihilit isciunt repellende prorem aruntest la sin rem qui con cus, voluptur alit aut odi nulpa veliquam volupti doluptaspis aboruntem et as etus id molo- reped ut fugit, in et veribust molorpo rru- met ut que volupta erumquas quam, sum simi, consed ut vid qui sima que volupta speligendi acearibusam re explatibus es quiatum quatet landem cusdae pre plabo.

Ducimus, quibusc iendent omnia diaec- tium in prerferis esciis eossimus duntur a velleste enimill audaeptatis represe quaspit atiumqui untem. Itatet harit eum hil is verspieni blaturent volores tinvendipic to omnihiciam eos dolorum nienimus.

Udit vellupis etur reperer untempo rum- quae ctoribus, con nist eatenis et fugiatiur sequi nem volesed utatibus volupitem aborectati cus eraerna tempor modig- namusci at prae doloritatium eum rest la volectusa comnient apero enimpor arum- qui dolo comnis molore lab imenimus volecepe occae nist ut ipsunt quis dolupta pelest exerum, quatiam eat.

Os explaccus dus eribus dusapereptas id et remporecatia consequ iduciam il molupta tecaepe rempos molorio nec- tiberum, volest, quam, quatem eaquias doluptatus exerest arum as apiendus estrum dera quature mporepel molo que plibus autatqu aecus, odipid ea volenda ndiorerro illacerum ut lam, sum harum faccus consequae. Ullest, ea velis iuresti- am dolorepro quam velecuptas et ipsus eum earibeaquam, omnim faccatemod eicabor eictatibus.

Harum ducia derum, officid mos aspedi offic tet eserchici derum entet, qui quiate la voluptam dolorit optas evendel inimin rem qui num alis aligenim imustis dolle- nietur audae con rest, qui optur, tempo- rerum nus rem que num hitatur, quis as nonsequos et quianih icabo. Ihilibe rcipi- cipsam num eum inis vel ium que quate nossimpor sum vero voluptas velesti ut ut que quidelecus sum faceptur Masugnsbyn

Dokkas Gällivare/Luleå

Fjällnäs Nikkaluokta

Narvik

Svappavaara Vittangi Kiruna

Riksgränsen Abisko

Övre Soppero Nedre Soppero

Karesuando Treriksröset

Kummavuopio Keinovuopio

Naimakka

Maunu

Mertajärvi Idivuoma

Kuttainen

Suijavaara Saivomuotka

Vivungi Lainio

Kuoksu

Merasjärvi

Parakka Pilijärvi Lappesuando

Esrange Jukkasjärvi

Paksuniemi Kurravaara Krokvik

Kaalasjärvi Puoltsa Pirttivuopio

Rautas Rensjön Torneträsk Vassijaure

Björkliden

Norge

Nordkalottvägen

Kebnekaise

GÄLLIVARE KOMMUN

PAJALA KOMMUN

Finland

E10

E10

45 Lannavaara

Kiruna kommun

Invånarantal

Uptasped iorehenimin nulloreptae cus pe- les a sequodis digendu cienditat rerorem ariscias ea verspidunt alicil magnimodit, volo volupta tinustin con et eum sum endus re, sed evendem et pero mo ma Ut untibus ma quatia nihilit isciunt repellende prorem aruntest la sin rem qui con cus, voluptur alit aut odi nulpa veliquam volupti doluptaspis aboruntem et as etus id molo- reped ut fugit, in et veribust molorpo rru- met ut que volupta erumquas quam, sum simi, consed ut vid qui sima que volupta speligendi acearibusam re explatibus es quiatum quatet landem cusdae pre plabo.

Ducimus, quibusc iendent omnia diaec- tium in prerferis esciis eossimus duntur a velleste enimill audaeptatis represe quaspit atiumqui untem. Itatet harit eum hil is verspieni blaturent volores tinvendipic to omnihiciam eos dolorum nienimus.

Udit vellupis etur reperer untempo rum- quae ctoribus, con nist eatenis et fugiatiur sequi nem volesed utatibus volupitem aborectati cus eraerna tempor modig- namusci at prae doloritatium eum rest la volectusa comnient apero enimpor arum- qui dolo comnis molore lab imenimus volecepe occae nist ut ipsunt quis dolupta pelest exerum, quatiam eat.

Os explaccus dus eribus dusapereptas id et remporecatia consequ iduciam il molupta tecaepe rempos molorio nec- tiberum, volest, quam, quatem eaquias doluptatus exerest arum as apiendus estrum dera quature mporepel molo que plibus autatqu aecus, odipid ea volenda ndiorerro illacerum ut lam, sum harum faccus consequae. Ullest, ea velis iuresti- am dolorepro quam velecuptas et ipsus eum earibeaquam, omnim faccatemod eicabor eictatibus.

Harum ducia derum, officid mos aspedi offic tet eserchici derum entet, qui quiate la voluptam dolorit optas evendel inimin rem qui num alis aligenim imustis dolle- nietur audae con rest, qui optur, tempo- rerum nus rem que num hitatur, quis as nonsequos et quianih icabo. Ihilibe rcipi- cipsam num eum inis vel ium que quate nossimpor sum vero voluptas velesti ut ut que quidelecus sum faceptur

Tusmada qoraalka

Wax yar oo ku saabsan Kiruna 04

Kiruna oo isbedeleyso 06

Ma ku cusub tahay Kiruna? Noo kaalay! 07 La kulan dadka ku nool Kiruna 08 Ku soo dhowow dhismaha maamulka

magaalada Kiruna 09

Iskuul ka dhigashada Kiruna 10

Dugsiga xanaanada 10

Dugsi hoose/dhexe 11

Caawin afka hooyo 11

Iskuul u qaadid 11

Xilliga firaaqada 11

Dugsi sare 12

Waxbarashada 13

Afka iswiidhishka ee ajnabiga

dadka waaweyn 13

Dugsiga dhaqanka 14

Maktabaddaha – wi-fi lacag la’aana 15

Sidan ayaa shaqo looga raadsadaa

degaanka Kiruna 16

Hoolka ciyaaraha Kiruna 17

Hoolka dabaasha Kiruna 18

Ururada bulshada 19

Halkan ayaad ku noolaan kartaa! 20

Hadduu dab bilowdo 21

Daryeelka caafimaad 22

Daryeelka ilkaha 23

Haddii qasab laguu geysto 24

Heeganka dumarka 25

Qof miyaa dhib loo geystay? 26

Boliiska 27

Ma baadi-goobeysaa reerkaada? 28

Wasaaradda socdaalka 29

Xafiiska shaqada 30

Warbixin intaa dheer 31

Ku soo dhowow Kiruna - magaalada waqooyiga ugu jirta Iswiidhen oo qiyaasti 150 kiilomitir waqooyiga ka xigta wareegga cirifka waqooyi. Degaanka Kiruna wuxuu qoraalkan yar ku doonayaa inuu kaaga caawinayaa la qabsiga magaalada! Qoraalkan ayaa ku turjuman afafka carabiga, dari, tigrinja, faarsi, soomaali iyo ingiriis.

Ku soo dhowow

Kiruna!

(3)

Wax yar oo ku saabsan Kiruna

Kiruna Centrum

DEGAANKA KIRUNA

ADAREES: Kiruna kommun, 981 85 Kiruna ADAREES BOOQASHO:

Hjalmar Lundbohmsvägen 31 TELEFOON: 0980-700 00 www.kiruna.se

www.facebook.com/kirunakommun

Kiruna ayaa la asaasay mudo ku dhow 120 sano ka hor. Degaanka ayaa weyninkiisu la eg yahay 19 447 kiilomitir isku weer ah. Halkan waxa ku nool 23 000 qof. 18 000 qof waxey ku nool yihiin magaalada halka inta kalana ku kala nool yihiin qiyaastii 50 tuulooyin. Waa degaan sadax af looga hadlo halkaasooy dadka ku nooli ku hadlaan iswiidhish, samiska iyo meänkieli.

8

6

7

4 5 3

11 12 10 9

2

1

Station

svägen Geologga

tan

Biblioteksga tan

För eningsga

tan För eningsga

tan Steinholtz

gatan

Arent Grapegatan

Bergmästaresgatan Manglgatan Vänortstorget

Hjalmar Lundbohmsvägen

Lars Janssonsgatan

Gruvvägen Manglgatan

Seger Svanbergsgatan

• Kaniisadda Kiruna ayaa 2001-di loo magacaabay dhismaha dadweyne ee ugu quruxda badan leh Iswiidhen.

• Kiruna ayaa hesha ileys maalmeed oo ka badan kan Stockholm todobo bilood ee bilaha sanadka.

Inta u dhaxeysa 8 maarso iyo 7 oktoober ayey Kiruna heshaa saacado qorax oo ka badan kuwa caasimadda.

• Kiruna ayaa hesha qorax habeen barki wax ka yar 50 maalmood ee xagaaga ah, laga bi- laabo dhamaadka meey illaa iyo bartamaha juulaay. Xilligaa qoraxdu marna ma dhacdo oo waxey ka muuqataa halka cirka iyo dhul- ku iska galaan.

• Kiruna ayaa leh habeen cirifeed wax ka yar 20 maalmood, laga bilaabo 12-ka iyo 3-ka diseember.

Xilligaa qoraxda ka ma muuqato halka cirka iyo dhulku iska galaan.

1. Dhismaha maamulka magaalada Kiruna 2. Unit isdhexgalka, Geologgatan 1 3. Maktabaddaha, Föreningsgatan 17 D 4. Hoolka dabaasha, Bergmästaregatan 10 5. Hoolka ciyaaraha, Adolf Hedinsvägen 37 6. Café Metropol, Arent grapegatan 29

7. Afka iswiidhishka ee ajnabiga, Bergmästaregatan 8 8. Boliis, Lars Janssonsgatan 10

9. Wasaaradda socdaalka, Lars Janssonsgatan 10 10. Hay’adda Caymiska, Lars Janssonsgatan 25 11. Hey’adda canshuuraha, Lars Janssongatan 25 12. Xafiiska shaqada, Lars Janssonsgatan 20

(4)

0 500m

H A N D E L S G ATA S TA D S PA R K

S KO T E R PA R K E R I N G T RYG G H E T S B O E N D E

S T U D E N T B O S TÄ D E R

N Y D R A G N I N G K U R R AVA A R AVÄ G E N

G YM N A S I E S KO L A

R E S E C E N T R U M

K U LT U R C E N T R U M K Y R KO G Å R D E N

Kiruna oo isbedeleyso

Kiruna ayuu iminka ku dhacayaa isbedel weyn. Bartamaha magaalada ee iminka ayaa la duminayaa iyadoo mid cusubna laga dhisi doono meel sadax kiilomitir bariga ka xigto.

Dhismaha ugu horeeya ee diyaar noqonayo waa dhismaha cusub ee maamulka magaa- lada. Dhowr guri oo xilli hore la dhisay ayaa iyagana loo rarayaa meelo cusub ee magaa- lada ah. Senterka iminka ee magaalada ayaa bilowga loo bedeli doonaa wax loogu yeero beer magaalo ee god macdan iyadoo ugu danbeyntana lagu soo wareejin doono deyr.

Is-bedelka, is-bedelka magaalada, ayaa bil- owday sanadki 2004. Waxa markaa LKAB, oo wadda shaqada godka macdanta, ay she- egeen in dilaaca ka yimaada godka macdanta laga qodayo darteed uu soo gaari doono magaalada. Taa ayaa micnaheedu yahay inaan lagu noolaan karin, dukaan ama shirkad lagu heysan karin senterka iminka. Warka is-bed- elka magaalada ayaa dunida oo dhan wada gaaray.

Ma ku cusub tahay Kiruna? Noo kaalay!

Adiga ku cusub Kiruna iyo Iswiidhen waxaad waaxda is dhexgalka ka heli gartaa caawimaad ku saabsan wax badan oo ka mida su’aalahaada. Su’aalaha ayaa ku saabsanaan kara sida aad sameyn laheyd si aad u bixiso biil, si aad u sameysato ceymis guri, u saxiixdo heshiish koronto ama u wacdo dhaqtarka ilkaha. Waxeynu isku dayeynaa inaan sida ugu wanaagsan kuu caawino! Waxan ku hadalnaa tigrinja, iswiidhish, ingiriis iyo inagoo isticmaali karna turjubaan carabiga ku hadlo.

Wax intaa dheer ka aqriso halkan:

www.kiruna.se /stadsomvandling

ADAREESKA BOOQASHADA:

Geologgatan 1, Kiruna TELEFOON: 0980-755 08

(5)

Maqaayadda Café Metropol ayaa ah goob kulan ee dhalinyarada iyo dadka waaweyn, reeraha iyo dadka kalida ah ee ka yimaaday dhaqamada iyo wadamada kala duwan, halkaasoo si dabiici ah loogu kulmo waxna la isugu darsado.

Ururada Kiruna ayaa wada howsha maqaay- adda iyagoo sameeya howlo kala duwan sida maqaayadda afka, xalqado waxbarasho, war- bixin bulsho, cunto sameyn, wax dubid, kulan

gabdho, wiilal iyo reero, wax tolid, marti la ca- suumo, xaflado dhaqan, warbixin ka timaaday xafiiska shaqada iyo wasaaradda socdaalka.

La kulan dadka ku nool Kiruna

Ku soo dhowow dhismaha magaalada Kiruna!

Dhismaha maamulka magaalada wuxuu leeyahay resebshan qeyb soo dhoweyn.

Halkan waxeynu kaaga caawin karnaa waxy- aabaha ay ka mid yihiin kaarka Kiruna, oo loo baahan yahay si bas loo raaco.

Si aad u iibsato kaarka Kiruna waxad u baahan tahaya:

• Caddeyn shaqsi (personbevis)

• Caddeyn iskuul ama mid wasaaradda socdaalka

• Aqoonsi ansax ah

Adiga horey u heystay kaarka Kiruna waxad iibsan kartaa mid cusub adigoo tusinaya kaar- kaadi hore.

Meelaha kaarka lagu iibiyo waa resebshanka, baska buugaagta, maktabaddaha Svappavaara, Vittangi iyo Karesuando. Kaarka Kiruna lagama iibsan karo basaska. Qiimihiisu waa 100 karoon.

Weynu ka xunahay resebshanku kaama caawin karo codsiga dugsiga xanaanada, guryaha iyo codsiga gargaarka masruufka. Qoraalkan waxad ka heleysaa jawaabaha ku saabsan su’aalaha noocaas ah. Waxaad kalood gargaar ku saabsan su’aalahaada ka heleysaa waaxda is dhexgalka.

ADAREESKA BOOQASHADA:

Arent Grapegatan 29, Kiruna

XILLIYADA AY FURAN TAHAY: maalin kasta 13.00–17.00 iyo marka howlo ay ka socdaan

Facebook-ga ma- qaayadda Café Metropol ayaad ka heleysaa waxyaaba- ha ka socdo meesha.

(6)

Dugsiga hoose/dhexe waa ku qasab caruurta u dhaxeyso 7 illaa iyo 16 sano. Kiruna waxa ku yaal 17 dugsi hoose/dhexe. Marka ilmahaagu bilaabayo iskuulka waxad heli doontaa warqad taasoo lagugu siinayo iskuul.

Iskuul ka dhigashada degaanka Kiruna kommun

Wax kastoo ku saabsan iskuulka iyo foomamka codsiga waxa loo turjumay afafka carabiga, dari, tigrinja, faarsi, soomaali iyo ingiriis. Halkaas ayaad ka heleysaa warbixin ka faah-faahsan tan qoraalkan. Waaxda is dhexgalka waxey heysaa foomam codsi turjuman waxeyna kaa caawin kartaa ku buuxinta foomamka afka iswiidhishka.

Dhamaan codsiyada dugsiga xanaanada iyo iskuulada waa in lagu buuxiyaa afka iswiidhishka.

DUGSIGA XANAANADA

Dhamaan caruurta da’doodu u dhaxeyso sa- dax illaa iyo shan sano waxey heleyaan dugsi xanaano guud ee lacag la’aan ah mudo 15 saacadood ah todobaadki ama 525 saaca- dood sanadki. Helitaanka ayaa howl-galayo laga bilaabo tarmiinka deyrta ee sanadka ilmuhu buuxiyo sadax sano. Degaanka ayaa waxa ka jiro 25 dugsi xanaano ee degaanku leeyahay.

Waxad u baahan tahay inaad boos ka dalbato dugsiga xanaanada:

www.kiruna.se/Kommun/Barn-utbildning/

Forskola/Ansok-eller-sag-upp-plats/

Dugsiga hoose/dhexe

CAAWIN AFKA HOOYO

Dhamaan caruurta iskuulada ee ku hadla af kale aan aheyn iswiidhish waxey xaq u leey- ihiin caawin afka hooyo si ay u horumariyaan awoodooda hadal ee afafka iswiidhishka iyo afka hooyo. Dhigashada afka hooyo kala xiriiri maamulaha iskuulka ilmahaagu dhigto.

ISKUUL U QAADID

Caruurta dhigata iskuul waxey mararka qaar xaq u leeyihiin in iskuulka loo qaado. Waxa maamula xaqa iskuul u qaadidda waa da’da iyo inta iskuulka ardayga lagu qoray u jiro guriga. Haddii uu ardaygu doorto iskuul kale waxuu waayi karaa xaqa iskuul u qaadidda.

XILLIGA FIRAAQADA

Goobta xilliga firaaqada wuxuu ilmahaagu tegi karaa iskuulka kadib haddii aad u baa- han tahay inaad shaqeyso ama wax barato.

Dhamaan caruurta dhigata fasalka ka horeeya kan dugsiga hoose ama iskuul waxey xaq u leeyihiin meesha xilliga fiiraaqada laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo 6 sano illaa iyo tarmiinka gu’ga ee sanadka ilmuhu buuxiyo 13 sano. Goobta xilliga firaaqada waxey hows- heedu socotaa xilliga tarmiinada iskuulada, iyo iyadoo haddana furan xilliyada fasaxa haddii loo baahdo.

Foomamka codsiga wax- ad kalood ka heleysaa halkan:www.kiruna.se/

barn-utbildning/

informationpaandrasprak

(7)

Dugsiga sare

Dugsiga sare waa nooc iskuul aan qasab aheyn ee caruurta da’doodu u dhaxeyso 16 – 19 sano. Kiruna waxey leedahay laba dugsi sare. Dugsiga sare ee degaanka Hjalmar Lund- bohmsskolan, ayaa leh barnaamijyo badan oo balaaran.

www.kiruna.se/Kommun/Barn-utbildning/

Gymnasieskola1/Gymnasieskola

Waxa kaloo jira dugsi sare ee gooni u taagan, Rymdgymnasiet: www.rymdgymnasiet.com

Waxbarashada dadka waaweyn

Waxa jira fursado badan ee adiga qa- an-gaarki ahi aad ku heli karto waxbarasho qeybaha kala duwan iyo heerar kala duwan iyadoon qasab kugu noqon inaad guurto.

Beerta aqoonta (kunskapsparken) waxa ku yaal xarunta waxbarasho ee Kiruna halkaa- sooy ka jiraan sida hagid waxbarasho iyo xirfadeed ee dadka waaweyn.

La xiriir hagaha waxbarasho iyo xirfadeed ee koorsooyinka asaasiga iyo kuwa dugsiga sare:

www.lapplands.se/sv/Lapplands-larar- centra/Kiruna-larcentra/

AFKA ISWIIDHISHKA EE AJNABIGA Waxbarashada afka iswiidhishka ee ajnabi- ga, SFI, waa waxbarasho asaasi ah ee afka iswiidhishka. Haddii aad dooneyso inaad dhigato afka iswiidhishka waxad iska diiwaan gelineysaa xafiiska qaabilaadda ee xarunta waxbarasho ee Kiruna. Adiga codsanaya SFI waxad u baahan tahay caddeyn aqoonsi shaqsiyadeed ee laga soo qaato Xafiiska canshuuraadka.

WAXAD XAQ U LEEDAHAY INAAD BARATO AFKA ISWIIDHISHKA EE SFI:

• Laga bilaabo 1-da juulaay ee sanadka aad buuxiso 16 sano.

• Haddii aadan heysan aqoonta asaasiga ee afka iswiidhishka.

• Haddii aad ka diiwaan gashan tahay degaanka Kiruna

ADAREESKA BOOQASHADA EE XAFIISKA QAABILAADDA:

Bergmästaregatan 8, Kiruna LAMBAR TELEFOON: 0980-708 31 E-MEYL: larcentra@skola.kiruna.se

(8)

Dugsiga dhaqanka

Ma dooneysaa inaad barato garaa- cidda qalab muusig, tiyaatar, daansi ama inaad wax ka ogaato adduunka fanka isla markaana la kulanto saax- iibo xiiseeya waxyaabahaa oo kale?

Markaa waxad codsan kartaa Dugsiga dhaqanka. Waxad halkaa ka heleysaa waxbarasho dadka bilowga ah iyo casharo iyo baraarujinta dadka doonaya iney sii wataan horumarinta waxey ku wanaagsan yihiin.

www.kiruna.se/kulturskolan

Maktabaddaha

Degaanka Kiruna waxa ku yaal maktabad- da magaalada, sadax maktabad oo laamo ah iyo bas buugaag. Waxad maktabadaha ka heleysaa internet wi-fi oo lacag la’aana, joornaalo, buugaag cod, buugaag hadal ee dadka aqrintoodu hooseyso, buugaag ku qoran af sahlan, qolal kombuyuutar, war- geys maalmeed, dvd, muusig cd ah, ciyaar kombuyuutar iyo suugaan caruur, dhalinyaro iyo dadka waaweyn ee afaf kala duwan.

Maktabadda magaalada Kiruna waxa jira Press Reader halkaas oo aad ku aqrisan karto 5 800 wargeys/joornaal ee 100 dal oo kala duwan kuna qoran 60 af. Maktabadaha oo dhami waa lacag la’aan kaarka deynsiga.

ADAREES BOOQASHO MAKTABADDA MAGAALADA:

Föreningsgatan 17 D, Kiruna TELEFOON: 0980-707 50, MIISKA DEYNSIGA: 0980-707 49

WAQTIGA FURNAASHAHA: isniin 10.00 - 19.00, talaado-khamiis 10.00–18.00, jimco 10:00 - 17:00

MAKTABADDA MAGAALADA AYAA HADDANA FURAN SABTIGA XILLIGA QABOOBAHA EE SEBTEEMBER - MEEJ 11.00 – 15.00

www.kiruna.se/Kommun/Kultur-fritid/bibblo

WI-FI LACAG LA’AANA

ADAREES BOOQASHO:

Bromsgatan 20, Kiruna TELEFOON: 0980-708 83

(9)

Sidan ayaa shaqo looga raadsadaa degaanka Kiruna

Haddii aad dooneyso inaad kala hadasho qof sida shaqo looga raadsado degaanka waxa jira waaxda shaqaalaha iyo shaqo qoridda, oo waxyaabaha ay ka shaqey- so ay ka mid yihiin iney kaa caawiyaan shaqada ku meel gaarka. Markey waaxda shaqaalaha iyo shaqo qoridda u baahato iney qof u qoraan shaqo ku meel gaara waxa lala soo xiriiriyaa dadkaa si loo wareysto.

Hoolka ciyaaraha Kiruna

ADAREESKA BOOQASHADA:

Adolf Hedinsvägen 37, Kiruna TELEFOON: 0980-703 09

WAQTIYADA MARKAA UU FURAN YAHAY WAXAD KA HELEYSAA HALKAN: kiruna.se/Kommun/Kultur-fritid/

idrottshallar/Sporthallen Dhamaan shaqooyinka ka banaan degaanka

Kiruna waxad ka heleysaa halkan:

www.kiruna.se/Kommun/Naringsliv-arbete/Arbeta-hos-oss/

Hoolka ciyaaraha waxaad ka heleysaa fursado ciyaaro, waxbarasho, tababar, tartan, fayoqab, madadaalo iyo howlo kale. Howlahaa badankoodu ayaa qeyb ka ah howlaha ururada bulshada, had- dana qofka shaqsiga ahi wuxuu balan ka qabsan karaa hoolalka. Nagala soo xiriir qawaaniinta qiimaha iyo balan qabsas- hada. Hoolka ciyaaraha waxa ku yaal jiim, waxadna u baahan tahay inaad iib- sato kaar tababar si aad u isticmaasho.

ADAREESKA BOOQASHADA:

Föreningsgatan 7c, 2 jaranjaro, Kiruna TELEFOON: 0980-703 68

KA EEG WAQTIYADA BOOQASHADA IYO TELEFOONKA: www.kiruna.se/Kommun/

Naringsliv-arbete/Arbeta-hos-oss/Vikarierekrytering/

(10)

Hoolka dabaasha Kiruna

Dabaasha waxa jira laba barkad dabaalasho, hal barkad tababar, qeyb dhabjeyn ee caruur- ta yar yar, meel caruurtu ku sibibixeystaan, meel dabaasha sare lagaga soo boodo iyo barkad yar oo dabaal. Hoolka dabaasha ayaa

loogu tala galay dadkoo dhan. Waxana qof kasta saaran mas’uuliyad, si uu qof kastaa uga shaqeeyo in guriga dabaasho noqdo meel wanaagsan oo amaan u ah dhamaan dadka dabaasha u yimaado.

Ma dooneysaa iyaad ciyaar ka qeyb qaadato? Barato af ama wax kale? Eeg halkan!

Ururada bulsho ee Kiruna ayaa kuu haya fursado wanaagsan ee howlaha ciyaaraha, dhaqanka iyo howlaha furan ee dibedda. Urur bulsho ayaa ka kooban dhowr qof oo wata afkaar isku mida, sida ciyaaridda kubadda cagta, garaacidda muusig ama daawasho shimbiro. Ururada badankoodu ayaa ku sha- qeeya tadawuc, taasoo loola jeedo in ujooda- doodu tahay inaan dhaqaale laga sameyn.

Iswiidhen waxey leedahay dhaqan xooggan ee sida ay yihiin una shaqeeyaan ururada buls- hada. Ururku waa inuu ku dhisan yahay qaab dimuqraadi. Taa micnaheedu waa in xubnuhu

u cod bixiyaan dadka uu gudiga hogaaminayo ururka ka kooban yahay. Ururka waa inuu u furan yahay dhamaan dadkoo dhan. Ururada ka jira Kiruna badankooda waxad ka heleysaa diiwaanka ururada.

Wax intaa dheer ka aqriso: www.kiruna.se/

Kommun/Kultur-fritid/Foreningsliv/

Foreningsregister

Haddii aad dooneyso inaad ku biirto urur waxa wanaagsan inaad toos ula xiriirto ururka. Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan ururada waxa jira gacan-yaraha ururada ee degaanka Kiruna.

• Caruurta iyo dhalinyarada aanu qof qaan-gaara la socon waa iney buuxiyeen 10 sano, ay yaqa- anaan dabaasha isla markaana ay fahmayaan warbixinta amaanka.

• Meyro mar kasta dabaasha ka hor. Markaad meyrato xiro dhar nadiifa oo dabaal - bikini, isku joog dabaal, burqini ama surwaal dabaal. Dharka dabaashu waa inuu ka sameysan yahay caag/

lycra ama wax la mida. Waa mamnuuc in lagu dabaasho kastuumo ka sameysan suuf.

• Sigaar cabid, qamri iyo maan-dooriye lama ogola

• Sawir ku qaadid telefoon mobiil ama kaamera looma ogola dhismaha.

• Amaanadaada iyo tan dadka kale dartood waa inaad raacdaa qawaaniinta amaanka iyo tilmaanta afka ee shaqaalaha.

• Markaad qolka la isku kululeeyo geleyso ku fariiso shukumaan adigoon wadan dhar dabaal.

• Hoolka dabaasha wuxuu leeyahay shaqaale isugu jira dumar iyo rag. Waxa dhici karta in shaqaale rag ah uu yimaado qolka dhar bedelka dumarka iyo in shaqaale dumar ahi tago qolka dhar bedelka ee ragga.

ARIMAHAN AYAA KA SHAQEYNAYO HOOLKA DABAASHA:

ADAREESKA BOOQASHADA:

Bergmästaregatan 10, Kiruna TELEFOON: 0980-708 80

WAQTIYADA MARKAA UU FURAN YAHAY WAXAD KA HELEYSAA HALKAN:

www.kiruna.se/simhallsbadet

TELEFOON XIRIIRKA URURADA: 0980-705 51 www.kiruna.se/Kommun/Kultur-fritid/Foreningsliv

(11)

Haddii aad dooneyso guri waxad la xiriiri kartaa Kirunabostäder oo kireysa gurya- ha dabaqa ku yaal iyo guryahay reeraha loogu tala galay ee Kiruna, Jukkasjärvi, Svappavaara, Vittangi iyo Karesuando.

Si aad u kireysato guri waxad u baahan tahay inaad saf guri ka gasho Kirunabo- städer. Waxad safka geli kartaa laga bilaabo markaad buuxiso 16 sano. Sida ugu sahlan ee taa loo sameeyo waa adigoo gala www.kirunabostader.se.

Waxad kaloo la xiriiri kartaa xafiiska xiriirka guryaha:

ADAREESKA BOOQASHADA: Gruvvägen 3, Kiruna TELEFOON: 0980-708 50

WAQTIYADA UU FURAN YAHAY:

Isniin – jimco 09.00 - 12.00 iyo khamiis 13.00 - 17.00

Waxa kaloo jira milkiilayaal guri shaqsi aha- an u leh ee Kiruna iyo tuulooyinka. Si aad u hesho warbixinta hadda taagan ee ku saabsan kuwan waxan kaa codsaneynaa inaad adigu la xiriirto waaxda is dhexgalka.

Halkan ayaad ku

noolaan kartaa!

XIR ALBAABKA - QIIQA AYAA DADKA DILO Hadduu dab dhaco aadan demin karin, xir meesha dabka. Caawi dadka kale, ka baxa meesha oo xir albaabka markaad baxdo. Waligaa ha u bixin jaranjaro qiiq ka buuxo ee guriga, xir albaabka, ku jir guriga.

Halkaa ayaa kuu badbaado ah inta dab demisku ka imanayo meesha.

KA FEKER ARIMAHAN SI AAD UGA HORTAGTO DABKA

• Ha iloobin inaad demiso saxanka dabka marka cuntado diyaar noqoto. Wax guban og waligaa ha dul saarin saxan- ka dabka.

• Hadduu digsi gubto, ku caburi dabka daboolka digsiga. Ha isticmaalin biyo.

• Dami shumaca markaad qolka ka baxeyso. Ha u ogolaan inuu gubasho ku dhamaado. Shumaca ka fogee daahyada iyo waxa kalee guban og. Waligaa shumaca ha dul saarin meel isagoo qaawan.

• Ka ilaali dhimbilaha dabka ee meesha dabka ee furan iyo kamiinka la shito iney faafaan. Baro sidi aad sax ugu shidi laheyd. Danbasta joogto uga nadiifi oo ka qaad meesha.

• Korontada ka bixi markaad dhameysato oo waligaa ha daboolin waxyaabaha korontada leh. Ha isticmaalin aalado iyo fiilooyin haleysan. Waligaa isticmaal koronto-yaqaan si shaqada korontada la xiriirto looga qabto gurigaada.

Badbaadi naftaada iyo tan dadka kale ee khatarta ku jira.

U dig dhamaan dadka kugu dhow!

Wac 112.

Dami dabka haddii aad aaminsan tahay inaad taa qaban karto.

Maxaa sameeyaa markuu dab bilowdo?

3

Q E Y L O D H A A M I

4

D A M I

2

U D I G

1

B A D B A A D I

(12)

ADAREESKA BOOQASHADA FOLKTANDVÅRDEN I KIRUNA:

Thulegatan 29, Kiruna TELEFOON: 0980-736 00

www.1177.se/Norrbotten/tema/tander

Haddii aad xanuunsato

Dhamaan dadka deggan oo ka diiwa- an-gashan Iswiidhen waxey xaq u leeyihiin daryeel caafimaad. Haddii aad u baahato daryeel caafimaad waa inaad marka hore la xiriirtaa rug caafimaad.

Degaanka Kiruna waxa ka jira sadax, laba ku yaala Kiruna iyo mid ku yaal Vittangi. Adigaa dooran kara rugta caa- fimaad ee ka tirsanaaneyso.

Markaad xanuunsan tahay waxad wici kartaa warbixinta daryeelka caafimaad, telefoon 1177.

Daryeelka ilkaha

Waxad kala dooran kartaa inaad la kulanto dhaqtar birifaati ah ee ilkaha ama midka de- gaanka ee daryeelka ilkaha dadweynaha. Da- ryeelka ilkaha dadweynaha ayaa ka shaqeeya sida daryeelka ilkaha magan-galyo doonka.

Caruurta iyo dhalinyarada waxey leeyihiin daryeel ilko lacag la’aana illaa iyo inta ay ka buuxinayaan 21 sano.

Haddii aad u baahato daryeel ilko deg deg ah ee xilliga fasaxa, wac 1177. Haddii ay kuu timaado baahi deg dega ee ilkaha maalmaha shaqada, la xiriir kilinikada daryeel ilko ee kuugu dhow.

RUGTA CAAFIMAAD EE KIRUNA ADAREESKA BOOQASHADA:

Thulegatan 29, Kiruna TELEFOON: 0980-732 30

RUGTA CAAFIMAAD EE NORRSKENEN ADAREESKA BOOQASHADA:

Österleden 12, Kiruna, Centralvägen 10, Vittangi TELEFOON: 0981-323 30 www.1177.se/Norrbotten

Haddii aad deg degsan tahay oo

aad u baahan tahay ambalaans -

wac 112.

(13)

Qasab miyaa laguu geystay?

Gacan u qaad ma laguugu geystay guriga ama ma dareemeysaa hanjabaad kaaga timid lammaanahaada? Markaa waxaad la xiriiri kartaa maamulka adeegga bulshada ee degaanka Kiruna.

Adeegga bulshada ayaa kugu caawin karo wada hadal caawin, daryeel caafimaad, xiriirka

boliiska, degaan ku meel gaara, gargaarka waaqiciga ah iyo xiriir la sii socosho ee tusaale ahaan la taliye bulsho ama dhaqtar.

Arimaha deg dega ee habeenki iyo waqtiyada fasaxa wac 112 oo weydiiso in laguugu xiro diyaar garowga adeegga bulshada. Arimaha deg dega wac 112.

Heeganka dumarka ee Kiruna

Heeganka dumarka ee Kiruna ayaa ka shaqe- eya taageeridda dumarka loo geystay fal gef gacan ka hadal ee uu u geystay qof u dhow.

Heeganka dumarka ayaa bixiya caawimaad lacag la’aana ee degaan difaacan, taageero wada hadal, talo siin sharciga iyo dhaqaalaha ku saabsan, xiriirka hey’adaha dowliga ah.

Waa maxay gacan ka hadalka qof kugu dhow?

Haa, waa tusaale ahaan marka qof loo geysto meel ka dhac, hanjabaad, takoorid, baad, kon- toroolid, riixid, laadid, garaacid, cuna

qabasho, xerid, marka daawo ama qalab ku caawiyo lagaa qariyo ama lammaanuhu ku siiyo daawo qalad ah. Marka qof lagu qasbo daawashada filin galmo ah, loo galmoodo isagoon dooneyn, faallooyin galmada la xiriira lagu tuuro. Haddii xayawaankiisa guriga loo

hanjabo ama la dhaawaco, hantidiisa la bur- buriyo ama la iibiyo. Marka haweeneydu ku nooshahay dhaqaale kontoroolid, lamaanuhu ka qariyo lacag ama hanti.

ARINTAN AMA WAX U EG MA KUGU DHACEEN?

Wac heeganka dumarka telefoon 0980-195 00 Adigaa go’aan ka gaaraya inaad magacaada qariso iyo in kale. Waxa ina saaran waajibka xog qarinta.

TERRAFEM

Waa urur samafal ah oo u shaqeeyo xuquuqda in dumarka iyo gabdhuhu ku noolaadaan nolol aan laheyn qasab rageed iyo ka awood sareyn.

Telefoonka heeganka: 020-52 10 10.

• Dadka waaweyn iyo caruurta ka baqaya qof ehel u ah waxey xaq u leeyihiin gargaar iyo caawimaad ka timid bulshada.

• Dad badan baa qasab waxa uu ugu geystay lammaanahooda iminka ama mid hore.

• Hanjabaad ama garaacid qof kale waa mamnuuc sida sharcigu qabo.

• Sharciga amaanka dumarka ee la sameeyey 1998 wuxuu xoojinayaa difaaca dumarka iy- adoo lagu kordhiyey fahanka guud ee “Meel ka dhac amaano dumar ee buuran”, kaasooy soo galayaan gacan ka hadalka, hanjabaadda iyo falka dembi ee galmada ee qof ehela.

• Gefka dumarka loo geysto ayaa ka jira dha- maan dabaqadaha kala duwan ee bulshada dhicitaankiisuna wuu ka badan yahay sida la moodayo.

• Wey adkaan kartaa ka hadalka arintaa, balse haddii aad ka hadasho waxad heli kartaa caawin.

www.terrafem.org

ADAREES BOOQASHO: Parkskolan A-huset, Bergmästaregatan 8, Kiruna

TELEFOON: 0980-703 44 WAQTI BOOQASHO:

maalmaha shaqada 09.00-12.00 iyo 13.00–16.00

(14)

26 27

Qof miyaa dhib loo geystay? Nala soo xiriir.

Gacan-yarayaasha qaabilaad- da degaanka ayaa qabanayo dacwadaha iyo dalabka ku saabsan su’aalaha caruurta iyo reeraha, gargaarka masrufka iyo dhibaatooyinka la xiriira ku takri falka balwad.

Boliis

Shaqada boliisku waa ilaalinta sharciga, ka hor tagga falalka danbiga iyo kor u qaadidda ama- anka bulshada. Shaqada boliisku waxey kalooy tahay difaaca dimuqraadiyadda iyo difaaca xaqa shaqsi kasta u leeyahay inuu u soo bandhigo af- kaartiisa. Iswiidhen waligaa uma baahnid inaad ka baqdo inaad la xiriirto boliiska.

LA XIRIIR BOLIISKA

Xaaladaha deg dega, tusaale ahaan fal danbi oo markaa dhacayo: Wac 112

ARIMAHA KALE:

Wac 114 14 ama +46 77 114 14 00 markaad lambar dibedda isticmaaleyso.

Polisen

Polisens uppdrag är att upprätthålla lagen, minska brottsligheten och öka tryggheten i samhället.

Polisens uppdrag är också att skydda demokratin och försvara den enskilda människans rätt att få uttrycka sina åsikter. I Sverige behöver du aldrig vara rädd för att ta kontakt med polisen.

Kontakta polisen

Vid akuta situationer, till exempel pågående brott:

Ring 112

Andra ärenden:

Ring 114 14 eller +46 77 114 14 00 med utländskt abonnemang Besöksadress: Lars Janssonsgatan 10, Kiruna

www.polisen.se (olika språk)

Facebook Polisen Norra Lappland

Instruktion till layoutaren:

Kanske vore kul att ha med den här glada Kirunapolisen?

GACAN-YARAYAASHA AYAA BIXIYA WADA HADAL TALA SIIN:

ANN-MARI SVALA TELEFOON: 0980-708 03 E-MEYL: Ann-Mari.Svala@kiruna.se

MARINA SALOMONSSON TELEFOON: 0980-705 64

E-MEYL: Marina.Salomonsson@kiruna.se

ADAREES BOOQASHO: Lars Janssonsgatan 10, Kiruna www.polisen.se (afaf kala duwan)

FACEBOOK: Polisen Norra Lappland

(15)

BESÖKSADRESS: Lars Janssonsgatan 10, Kiruna ÖPPETTIDER: Måndag–fredag 09.00–15.00

Ma baadi goobeysaa reerkaada?

Laan qeyrta cas ayaa caawisa arimaha isu keenka reeraha, xaqiijinta, fariinta laan qeyrta cas iyo dib u noqoshada aan qasabka aheyn.

Laan qeyrta cas waxey ku taal Luleå, balse waxey joogto u soo booqataa waaxda is dhex galka Kiruna.

Waxad balan ka sameysan kartaa telefoon:

0920-167 90 eller 070-741 67 90

Laan qeyrta cas waxey heysataa turjubaano.

Wasaaradda

socdaalka Kiruna

Halkan waxaad ka heleysaa su’aalaha la xiriira tusaale ahaan degaanka, lacag maalmeedka iyo kaarka LMA mudada aad sugeyso go’aan. Xafiiska wuxuu kaloo ku caawinayaa markaad hesho diidmo dalabkaada magan galyo doonka oo aad ku noqoneyso dalkaada hooyo.

ADAREES BOOQASHO: Lars Janssonsgatan 10, Kiruna WAQTIGA AY FURAN TAHAY: Isniin–jimco 09.00–15.00 www.migrationsverket.se

(16)

Xafiiska shaqada

Bil gudahood marka laguugu meeleeyo degaanka Kiruna wuxuu xafiiska shaqa- da kuugu yeeri doonaa wada hadalka meeleynta si aad u bilowdo qorshahaada meeleynta.

Warbixin dhowr af ah:

www.arbetsformedlingen.se/Globalmeny/

Other-languages.html

Warbixin intaa dheer

Degaanka Kiruna:

www.kiruna.se

Gobalka Norrbotten (daryeel caafimaad, daryeel ilko, dhaqan):

www.norrbotten.se

Maamulka gobalka Norrbotten:

www.lansstyrelsen.se/Norrbotten

Warbixinta bulshada dadka dalka ku cusub:

www.informationsverige.se

Waxad soo dejisan kartaa buugga ”Om Sve- rige”, oo loo turjumay dhowr af:

www.informationsverige.se/Svenska/Samhalle/

Sidor/Boken-Om-Sverige-på-flera-språk.aspx Xaqiiqada iyo maqaaladda ku saabsan Iswi- idhen ee ku qoran ingiriis, faransiis, jarmal, isbaanish, ruush, kiinees iyo carabi:

www.sweden.se

Warbixinta sida looga hortago shilalka iyo waxad sameyneyso marka xaalad adagi ku soo wajahdo Warbixinta ayaa ku qoran 66 afaf kala duwan:

www.dinsakerhet.se

Warar iswiidhish sahlan iyo dhowr af ee Sveriges Television:

www.svt.se/se-program

Warar dhowr af ee Sveriges Radio:

www.sverigesradio.se/International Warar af iswiidhish sahlan:

www.8sidor.se

Ku tababaro afka iswiidhishka:

Soo degso appka SVT Språkplay oo ku soo degso telefoonkaada mobiilka.

ADAREES BOOQASHO:

Lars Janssongatan 20, Kiruna TELEFOON: 0771 – 60 00 00

WARBIXIN DHOWR AF AH: isniin, arbaco, jimco kl. 10.00–12.00 och 13.00–16.00 ADEEGGA SELEFSARFISKA AYAA FURAN ISNIIN-JIMCO 08.00-16.00

(17)

www.kiruna.se/kommun

References

Related documents

• Olika grupper och deras språk styrs av olika normer / koder Upplevd norm och faktiskt (omedveten) norm... Prestigefylld varietet

Exponeringsväg: Lång sikt (upprepad) - Dermal - Systemisk effekt Värde: 125 mg/kg kroppsvikt/dag.

* På Svanenmärkta produkter gäller inte garantitiden vid användning av alkoholbaserade medel vid rengöring, för desinficering rekommenderas icke alkoholbaserade medel, t ex

Taa macnaheedu waa in aad bilaash ku raaci karto baska ku soo socodka iyo ka sii socodka baadhitaanka caafimaad hadiii aad u yeedhidan tustid wadaha baska... Som nyanländ i Sverige

Natiijada baadhitaanka caafimaad wax saameyn ah kuma laha fursaddaada in aad joogto Iswidhan.. Laanta Socdaalka ma heli karto natiijada

Toxicitet vid upprepad dosering Kriterierna för klassificering kan på grundval av tillgängliga data inte anses vara uppfyllda. Cancerogen, Mutagen

ny placering för masten (ny situationsplan inkom på bygglovskontoret 2016-12-19). Länsstyrelsen beslutar att bevilja Trafikverket dispens för att skada mark och vegetation

förhandsbesked för nybyggnad av fritidshus mm på fastigheten Kurravaara 3:2 Dnr: MoB 2017- 000082. Länsstyrelsens beslut: Länsstyrelsen avslår överklagandet. f) Länsstyrelsens