• No results found

Ku soo dhowow adigaaga rakaabka ahi Iswidhan

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Ku soo dhowow adigaaga rakaabka ahi Iswidhan"

Copied!
4
0
0

Loading.... (view fulltext now)

Full text

(1)

Ku soo dhowow adigaaga rakaabka ahi Iswidhan

Warqaddan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan dhowr ka mid ah qawaaniinta aasaasiga ah ee gaadiidka Iswidhan.

(2)

Suunka baabuurka

Waddanka Iswiidhan waxa sharci ah in la isticmaalo suunka. Meel kastoo aad ka fadhiisanayso baabuurka yar ama gawaarida xamuulkaba waxaad isticmaa- laysaa suunka baabuurka. Looma ogola in ay raacaan baabuurka dad kabadan intii loogu talagaly. Waa wadaha baabuurka wada kan eegaya in dhammaan dadka ay da’doodu ka yar tahay 15 sano ay suunka xidhan yihiin. Haddii aad raacayso bas suunka leh waad isticmaalaysaa.

Ilmaha baabuurka ku jira

Carruurta dhererkoodu ka gaaban tahay 135 sentimitir waxay isticmaalayaan kuraasta badbaadada ee gaarka ah marka ay raacayaan baabuurka. Waxay noqon kartaa kursiga badbaadada ilmha yar (babyskydd), kursiga carruurta ee baaburka (bilbarnstol), kursiga suunka leh (bältestol) ama barkimada suunka leh (bälteskudde), waxaana la waafajinayaa dhererka ilmaha. Qalabyadaas badbaadada ah waxaa loo adeegsnayaa halkii loo isticmaali lahaa suunka baa- buurka ama waxaa lala isticmaalayaa suunka baabuurka, waxaana la rakibayaa iyada oo la raacayo qoraalka tilmaan-bixinta. Carruurta marnaba looma oggola in lagu fadhiisiyo meel leh barkimada shilka (krockkudde) oo shaqaynaya.

Koofiyadda baaskiilka

Waddanka Iswiidhan waxa sharci ah in dhammaan carruurta da’doodu ay ka yar tahay 15 sano ay isticmaalaan koofiyadda baaskiilka marka ay baaski- ilka wadaan. Qaannunku wuu jirayaa iyada oo aan loo eegayn haddii ilmaha naf’haantiisu uu baaskiil wado ama lagu riixayo baaskiilka ama uu ku jiro buudhiga baaskiilku jiito ee (cykelkärra). Haddii adigu aad ilmo baaskiil ku riixayso, kolkaa adiga ayaa ka mas’uul ah in ilmuhu uu xidhan yahay koofi- yadda baaskiilka.

Xawliga

Xawliga Iswiidhan waxa jira heerka xawliga la oggolyahay oo u dhaxeeya 30km/saacaddiiba ilaa 120km/saacaddiiba. Jidad badan baa waxaa yaalla kamarado oo gaadiidka socda xusuusinaya in aan la dhaafi karin xawliga la oggolyahay. Haddii adoo xoog u socda uu booliisku ku joojiyo lacag khasiraad ah ayaad bixinaysaa. Weliba waxa kale oo aad waayi kartaa oo lagaa qaadayaa warqaddaada wadista baabuurta.

Ka caaganaanta cabbida khamriga

Qawaaniin adag ayaa ka taalla Iswidhan marka laga hadlayo khamriga daroo- gada iyo wadista gaadiidka. Xadka Iswidhan la oggolyahay in qofku isaga oo khamraysan in uu gaadiidka wadaa waa 0,2 kunkiiba. Haddii iyada oo in ka badan 0,2 kunkiiba oo khamriya ay dhiigggaaga ku jirto uu booliis ku qabto waxaad bixinaysaa lacag khasiraad ah, waxaana lagaa qaadayaa warqadda wadista baabuurka ama xabsi ayaad galeysaa. Booliisku xaq ayuu u leeyahay in

(3)

uu tijaabo idinka qaado haddii aad khamri soo cabtay, xitaa tijaabo ayaa lagaa qaadayaa iyada oo aanay jirin sobob lagaaga shikiyo in khamri aad soo cabtay.

Gaadiid lahaansho

Waa in aad ku jirtaa caymiska gaadiidka haddii aad leedahay dhug-dhugleyda fudud, baabuur, dhugdhugleyda weyn, gaariga xamuulka ama bas, kuwaas oo gaadiid ahaan loo isticmaalayo. Waxa kale oo weliba aad bixinaysaa cashuurta gaadiidka. Haddii aad leedahay gaadiid wuxuu xil kaa saaran yahay in aad ka soo kantaroosho Hey’adda Iswidhishka ee tijaabinta baabuurta ee (Svenska Bilprovning). Marka aad iibsanayso ama aad iibinayso gaadiid waxaad ogey- siinaysaa Hey’adda waddooyinka (Transportstyrelsen). Haddii aad iibsanayso baabuur oo aanad lahayn lambarka shakhsiga iswiidhishka (personnummer) waxaad Hey’adda waddooyinka ka codsan kartaa lambarrada ku meelgaadhka ah ee loo yaqaan (samordningsnummer).

Taayirrada

Laga bilaabo 1da bisha diisambar ilaa 31ka bisha maaris waa in aad isticmaas- haa taayirrada barafka haddii ay tahay silbasho ama baraf. Taayirrada barafku waxay noqon karaan kuwo gu’ iyo jiilaalba la isticmaali karo (dubbade) ama kuwo xilli uun la adeegsan karo (odubbade). Haddii aad haysato kuwo labada xilli la isticmaalo waxaad isticmaali kartaa laga bilaabo 1da bisha oktoober ilaa 30 bisha abril, ama ilaa inta uu waddada baraf jiro.

Laydhka gaaban

Markaad baabuur Iswiidhan ku dhex waddo waa in had iyo jeer uu laydhka gaabani shidnaadaa, xitaa maalinimadii.

Warqadda wadista gaadiidka/Laysin

Si warqadda wadista baabuurta aad ugu hesho Iswiidhan waxa loo baahan yahay in aad ka gudubto imtixaanka wadista baabuurka. Imtixaanka wadista baabuurku wuxu ka kooban yahay laba qaybood, qayb ah imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadista. Haddii aad jabisid qawaaniinta gaadiidka ee Iswidhan waxaa lagaa qaadayaa laysin/warqada baabuur wadista xataa hadii laysinkaa- gu/warqadaada baabuur wadista ay tahay mid aa ka qaadatay waddan kale oo aan Iwiidhan ahayn tusaale ahaan sida kuwaan hoos ku qoran.

* Belgien, Bulgarien, Cypern, Danmark, Frankrike, Finland, Grekland, Irland, Island, Italien, Liechtenstein, Luxemburg, Nederländerna, Norge, Portugal, Spanien, Storbritannien, Tyskland, Österrike, Cypern, Estland, Lettland, Litauen, Malta, Polen, Slovakien, Slovenien, Tjeckien och Ungern.

Qawaaniinta gaadiidka

Haddii aad jebiso qawaaniinta ka jira Iswiidhan, markaa waxaad bixinaysaa la- cag ganaax ah. Warbixin ku saabsan dhowr ka mid ah qawaaniinta gaadiidka ee

(4)

TRAFIKVERKET. bESLLnInGSnR: 100495.UTGÅVA 2 mARS 2012. PRODUKTIOn: GRAFISK FORm. TRYCK: TRAFIKVERKET. FOTO: bILDARKIVET.SE.

ka jira waddanka Iswiidhan ayaad ka helaysaa bogga Internet ee Hey’adda waddooyinka (Transportstyrelsen) ee www.transportstyrelsen.se.

ma haysataa su’aalo?

Haddii aad haysato su’aalo waxaad waci kartaa Adeegga macaamiisha waaxda socdaalka ama Adeegga macaamiisha hey’adda gaadiidka. Waxay ka jawaabayaan su’aalaha lagu weydiiyo afka iswiidhishka iyo af ingiriiska.

Haddii aad hayso su’aalo kale waxaad waci kartaa xidhiidhka telefoonada ee Hey’adda waddooyinka. Lambarka telefoonka ee Trafikverket, 0771-921 921 ama telefoonka dhexe ee hey’adda gaadiidka Transport- styrelsen, 0771-503 503.

Adeegga macaamiisha waaxda socdaalka Trafikverket Wixii su’aalo ku saabsan jidadka iyo socdaalka la xiriir 0771-24 24 24

Iyo su’aalaha ku saabsan warqadda ogolaashaha wadida gaadiidka la xiriir 0771-17 18 19.

Adeegga macaamiisha hey’adda gaadiidka Transportstyrelsen

Haddii aad haysato su’aalo ku saabsan gaadiidka, waxaad waci kartaa 0771-14 15 16.

Haddii aad haysato su’aalo ku saabsan warqadda wadista gaadiidka waxaad waci kartaa 0771-81 81 81.

Swedish Transport Administration, SE-781 89 borlänge, Sweden Visiting address: 1, Röda vägen, Phone : 0771-921 921.

www.trafikverket .se

References

Related documents

Haddii waalidiintu ay rabaan in ardaygu kaqeybqaato baridda afka hooyo xilliga dayrta, foomka "Codsiga waxbaridda ee afka hooyo" ayaa la buuxiyaa loona gudbiyaa

Guriga joog haddii aad xanuusanayso Markaasi waxaad iska ilaalinaysaa inaad cudur ku faafiso dadka kale. Maadooyinka cudurka faafiya waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid

Haddii in kastoo uu qofka dadka u qora qalabka caawimaaddu ka dalbaday aadan soo celin qalabka caawimaadda waxaa kugu waajibaya megdhaw. Qofkaaga dadka u qora qalabka caawimaadda

• Wac xarunta xiriirka ee waaxda caafimaadka Gobolka Blekinge 0455-73 10 91 inta u dhaxaysa saacadaha 08.00-12.00 maalmaha shaqada si aad u hesho caawimaad buuxinta

Dhammaan dadka dhowaan yimid waxaa loogu deeqayaa baaritaan caafimaad iyo shaybaar lagu ogaanayo cudurada la isqaadsiiyo, caafimaadkoodana lagu qiimeynayo. Nala soo xiriir haddii

Waa ognahay inay caruurta iyo dhalinyaradu doonayaan inan dadka waaweyn u noqdaan kuwo ay wanaag iyo wax fiican uga daydaan markay noqoto sidii isticmaalka internetka cimilo

Haddii ay da’daadu ka yartahay 18 jir uma baahnid inaad bixiso wax lacag ah marka aad u baahato dareelka xagga ilkaha.. Haddii ay da’daadu ka weyntahay 18 jir: waxaad bixineysaa 50

Taa macnaheedu waa in aad bilaash ku raaci karto baska ku soo socodka iyo ka sii socodka baadhitaanka caafimaad hadiii aad u yeedhidan tustid wadaha baska... Som nyanländ i Sverige